Norway oo hal shuruud oo adag ku xirtay taageerada doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda dowladda Norway ay ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka 2021-ka ee haatan ka socda dalka.

Norway ayaa ballan qaaday inay taageereyso Soomaaliya, balse waxa ay ku xirtay taageeradeeda in doorashadu noqoto mid xalaal ah, kalsooni leh, kuna dhacda nabad.

“Norway waxay taageereysaa baaqa caalamiga ah ee ah in doorasho xalaal ah, lagu kalsoonaan karo oo nabad ah ay ka dhacdo Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalkan oo lasoo dhigay barta ay safaaradda ee Twitter-ka ayaa waxa lagu sheegay in la joogo waqtigii laga gudbi lahaa doorashada si loo wado geediga socda ee horumarka dalka.

“Waxaa la joogaa waqtigii laga gudbi lahaa doorashada oo dib loogu laaban lahaa dhabbaha dib u habeynta iyo horumarka mustaqbalka fog” ayaa markale  lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Norwayayaa sii raacisay “Hadii la helo hogaan wanaagsan, waxaan ku qanacsanahay in Soomaaliya ay horumar ka gaari karto heerka xiga,”.

Dowladda Norway ayaa ka mid ah dowladaha Yurub ee taageera Soomaaliya, waxayna qeyb ka aheyd baaqii ugu dambeeyey ee ay beesha caalamka kasoo saartay doorashada.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan dood culus oo ka dhalatay doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii