Cabdullaahi Maxamed Nuur oo shaaciyey qorshe cusub oo la xiriira amniga Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaaciyey inay diyaariyeen in ka badan 20 hay’adood oo loogu talo-galay in ay ka hortaagan dembiyada la xiriir socdaalka iyo waxyaabaha keeni kara amni darada.

Wasiirka ayaa sheegay inay si adag uga hortagi doonaan hay’adahaas Maandooriyaha khamriga, badeecooyinka aan sharciga aheyn iyo waxyaabaha kale ee qeybta ka ah amni darada ee lasoo geliyo caasimada dalka ee Muqdisho.

Waxa uu intaas kusii daray inay sare u qaadi doonaan adkeynta amniga iridaha laga soo galo caasimadda, ayada oo kulamo looga arrinsanayo arrimahaas lagu ballaarin doono guud ahaan dalka, si loo sugo amaanka iridaha laga soo galo dalka oo dhan.

Wasiir Cabdullaahi Nuur ayaa ugu dambeyntiina xusay inay jiraan fal dambiyeed ay ka hortageen hay’adahaas intii ay shaqeynayeen, kuwaasi oo dalka ka dhici lahaa, sida uu sheegay.

Arrintan ayaa wax badan ka bedeli karta amni darada caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo inta badan lasoo geliyo qaraxyo lagu soo farsameeyay deegaanada ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii