Sawirro: Rooble oo Muqdisho ka furay shir muhiim ah iyo ballan-qaad uu ka sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir ballaaran ka daah-furay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb-galayaan aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ururada bulshada rayidka.

Shirkan oo loogu magac daray taaba-gelinta geeddi socodka dowladnimada ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay daaha doorashooyinka.

Rooble oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa shaaca ka qaaday inuu ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loo baahnaa, si looga tala bixiyo xaaladda haatan lagu jiro.

Waxa uu ballan-qaaday in dib u sixid lagu sameyn doono wixii qaladaad ah ee ka jira doorashada, islamarkaana ay ka go’an tahay sidii sarre loogu qaadi lahaa hufnaanta iyo habsami u-socodka doorashada dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in shirkan lagu uruurinayo aragtida ka qayb-galayaasha si talooyinkooda loogu adeegsado xiliga kala guurka ah ee lagu jiro.

Aqoonyahanada iyo xubnaha ka socda bulshada rayidka ayuu ugu baaqay in dowladda ay ku gacan siiyaan xaaladda adag ee uu haatan dalka ku jiro iyo doorashooyinka socda.

Sidoo kale waxaa shirka qeyb ka ah hay’ado caalami ah, gaar ahaan kuwo ka socda Qaramada Midoobay oo haatan si dhow ula socota xaaladda guud ee dalka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad cakiran oo ka dhalatay kala guurka iyo dib u dhaca ku yimid jadwallada doorashooyinka 2021-ka ee ka socda dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii