Guddiga doorashada oo soo saaray qoondada haweenka ee beelaha Somaliland iyo Mahdi Guuleed oo diidan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulka doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland (SEIT) ayaa asteeyey qoondada Haweenka ee kuraasta Golaha Shacabka ee beelaha kasoo jeeda gobollada Waqooyi (Somaliland).

Warqada kasoo baxday Guddiga doorashooyinka Somaliland oo uu ku saxiixnaa Madaxa Qoondada Haweenka, Maxamed Shaafici ayaa waxa lagu soo saaray 13 kursi oo si gaar ah loogu xiray Haweenka.

“Si waafaqsan heshiisyadii 17-ka Sep 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021 ee doorashada, Guddiga hirgalinta doorashooyinka kuraasta gobolada Waqooyi (Somaliland) ee SEIT waxaa ay soo gudbinayaa shaxda kuraasta haweenka laga doonayo beelaha iyo jufooyina,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed ayaa wada qorshe meesha looga saarayo matalaada dhabta ah ee dumarka ee beeshiisa, si dhamaan kuraasta Ciida-gale u noqdaan kuwo ka yimaada un rag.

Mahdi Guuleed oo inta badan awoodda beeshiisa gacanta ku haya ayaa aaminsan in Kursiga gabar uu yeelan doono seygeeda ama ninka guursan doono, taasi oo ka dhigan in hadii gabar xildhibaan laga dhigo Ninka guursada uu leeyahay kursigaas, taasi oo meesha ka saareysa mataalada uu soo saaray Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo asagu ah madaxda u sareysay ee gobolada Waqooyi ayaa galaan-gal weyn ku leh doorashada kuraasta Somaliland.

Hoos ka aqriso shaxda reeraha iyo qoondada haweenka: