Daawo: Midowga Musharaxiinta oo shaaciyey tallaabada koowaad oo ay qaadayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharaxiinta ayaa cadeeyey mowqifkooda iyo tallaabooyinka u qorsheysan inay qaadaan, xilli shirar xasaasi ah ay uga socdaan magaalada Muqdisho.

Shirka golaha oo maanta galay wajigiisa labaad ayaa waxaa ku biiray siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cumar Cabdirashiid, Cabdullahi Sanbaloolshe iyo Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shir jaraa’id qabtay kulankii maanta kadib, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha golaha, wuxuuna sheegay in tallaabada koowaad ee ay qaadayaan ay tahay inay wada-hadallada fursad siiyaan.

Go’aankan ayaa yimid ayadoo ay jirtay cabsi la qabay iyo hadal-heynta in midowga musharaxiinta ay dib u soo celiyaan ciidankii bishii April Muqdisho ka dhex dagaalamay ee badbaado qaran, Cabdiraxmaan waxa uu cadeeyey in Golaha uusan ku jirin deg deg gacan ka hadal ah oo looga jawaab celinayo xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hadafka golaha midowga musharaxiinta uu yahay inay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran oo lagu wada qanco, balse haatan uu socdo boob doorasho oo bareer ah, balse si ka fiirsi leh ay uga baaraan-degayaan sidii ay kaga jawaab celin la haayeen sida ay wax u socdaan.

“Waxaan darseynay maalmahaan in aan eegno fursadaha na hor yaalla ee wax lagu toosi karo, in boobkaan sii socdana lagu istaajin karo, mar kastana waxaan qaadan doonaa go’aanka danta dalka iyo dadka ay ku jirto, sida ugu fiyoobida badan, uguna dhibka yar ee qaranka iyo dowladnimada u fiican aan ka fikirno, deg deg naguma jiro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u cadeynayaan, inay mudnaanta siin doonaan in wax la hagaajiyo, la isku yimaado, lagana wadahadlo caqabadaha jira.

“Soomaalidu hadii ay isku timaado waa heshiisaa, anaguna taas ayaan mudnaanta sii doonaa, taas macneheeduna maaha in fursadaha kalena aysan miiska saareyn, waan derseynaa fursadaha aan heysano, waxaana ku dhaqaaqi doonaa wixii danta dalka, dadka iyo dowladnimadu ay ku jirto, waana taas inta golahaan uu ku wada joogo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxuu intaas ku sii daray, “Waxaa laga yaaba in qaar ay deg-degsan yihiin oo qaarna ay daahsan yihiin, laakiin anaga dhex ayaa socona wax kasta oo dadka iyo dalka dantiisa ku jirto ayaa ku dhaqmaynaa, ayada ayaa noo balan ah.”

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa kal hore si adag uga hor-yimid hanaanka ay ku bilowdeen doorashooyinka dalka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka, golaha ayaa hanaanka loo maamulayo doorashadaan ku tilmaameen mid ku dhisan boob. Waxaana haatan u socda kulamo ay soo bilaabeen markii ay qaadaceen doorashada.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii