Nuur Daalacay oo fasiraad ka bixiyay hadal si weyn uga careysiiyay Soomaalida

Hargeysa (Caasimada Online) – Fanaanka Nuur Jaamac Aadan oo loo yaqaano (Nuur Daalacay) ayaa wareysi cusub oo uu bixiyey si faah-faahsan ugu fasiray hadal dood xoogan ka dhalatay, kana careysiiyay Soomaali badan oo dhawaan uu mariyay warbaahinta.

Nuur Daalacay ayaa wareysi uu horey u bixiyay ku sheegay in Somaliland aysan laheyn cadow aan aheyn Soomaaliya.

“Somaliland cadow aan Soomaaliya aheyn ma laha runta in lag weecdo ma aha. Cadowga Somaliland waa Soomaaliya. Cidda horumarkeeda hor taagan Somaliland ee ka naxeysa waa Soomaaliya, haddii awood leeyihiina way kusoo duuli lahaayeen,” ayuu ku yiri wareysigaas.

Haddaba, Nuur Daalacay oo hadalkii hore daba socda ayaa sheegay in uusan uga jeedin shacabka Soomaaliya, kaliya hadalkiisi hore uu ku aadana dowladda federaalka iyo madaxdeeda.

“Waxaa saxaya inyar oo ku saabsan halka aan ka hadlayay “Soomaaliya waa cadowga Somaliland” anigu waxa u jeeday dowladda Soomaaliya dad ayaa qalad fahmay marnaba uma jeedi Shacabka Soomaaliya,” ayuu yiri.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa ku jira dad badan oo xariir ah oo Somaliland jecel, waxaa ku jirta xaaskayga, sodohday, sodogey iyo asxaab badan oo aad u fara badan oo halkaas ku leeyahay, markaa arrinta sidaa ha loo fahmo dowladda u jeeday.”

Hadalkii hore ee Nuur Daalacay ayaa waxaa si weyn u falan-qeeyey dadweynaha Soomaaliyeed, kuwaasi oo qaarkood ay Fanaanka ka dalbadeen in uu raali-gelin ka bixiyo arrinkaas.

“BK oo ka caansan oo ah Fanaan loo istaago baa Soomaaliya markii uu u gefay raali-gelin bixiyey, Kadib markuu isagu isla yabay heesahiisana “iga dami cunsuriga” la lahaa marka odayga aroos yada kaliya ka heesa waxba uma arkaan heestiisa anigu ma arag oo Nuuree,” ayey tiri gabar ku soo gashay Facebook-ga magaca Hoodo Xayinimo.

Wiil kale oo lagu magacaabo Axmed Cabdirashiid ayaa yiri “War waxaasi waa sheeko ma jiro qof Soomaali ah oo qof kale oo Soomaali ah horumarkiisa ka xun,”.

Sidoo kale qof kamid ah dadkii xiligaas ka fal-celiyay ayaa wuxuu yiri “Fanaan maxa siyaasaad galiyay yaab waxaas oo miiran ayaa waxaa la leeyahay wa Fannaan, haddana mana kala garnayo cadow iyo sokeeye”.