Xog: Villa Somalia oo Cali Guudlaawe u dhigtay shirqool uu ku lumin karo sumcadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabeelle ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imanaya madaxtooyada Soomaaliya oo ku aadan inuusan liiska musharaxiinta xildhibaan kusoo darin xildhibaan Aamin Maxamed Cabdi.

Kursiga HOP#135 oo ay ku fadhiso Aamina, loona yaqaan Kursiga Cadaaladda ayaa ka mid ahaa 11 kursi oo guddiga doorashada HirShabelle ay maanta shaaciyeen, kuwaasi oo lagu dooran doono magaalada Beledweyne.

Hase yeeshee, sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa jirta cabsi xooggan oo ku aadan in xildhibaan Aamina ay kursigaas weyn doonto, ayada oo Villa Somalia ay ka go’an tahay inaysan dib usoo laaban.

Dagaalka madaxtooyada ee ka dhanka ah Aamina ayaa ka dhashay cadowtooyo ay xildhibaanadda ugu qaadeen sida ay dagaalka ugu gashay inay caddaalad hesho Ikraan Tahliil Faarax oo ah gabar ka tirsaneyn hay’adda NISA oo la la’yahay muddo 8 bilood, taasi oo dilkeeda lagu eedeeyey saraakiil ka tirsan hay’adda.

Xildhibaan Aamin, oo Ikraan Tahliil ku matasha baarlamanka, kana soo jeeda beesha Gaaljecel, ayaa muddadii aadka loo hadal hayey kiiskan ay aheyd isha kaliya ee xogta siisa shacabka iyo warbaahinta aadna u garab taagneyd qoyska Ikraan.

Waxay sidoo kale si aad ah u dhaliili jirtay madaxtooyada iyo hay’adda NISA, oo ay ku eedeysay inay Ikraan ku maqan tahay gacantooda.

Sida aan ogaanay, Villa Somalia ayaa kurisgan u rabta Cumar Faaruuq Cusmaan, oo ah xoghayaha ururka NUSOJ ee suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Si kastaba, beesha Gaaljecel ayaa la rumeysan yahay inay 100% garab taagan tahay xildhibaan Aamina, inkasta aan la ogeyn haddii taasi ay Cali Guudlaawe ka hor-istaagi doonto inuu u hoggaansamo rabitaanka Villa Somalia.

Xildhibaano, aqoonyahano iyo siyaasiin badan ayaa ka digay in Cali Guudlaawe uu sumcaddiisa ku dhaawici karo haddii aanu liiska kusoo darin xildhibaan Aamina, oo taageero badan ka haysata shacabka Soomaaliyeed iyo beesheeda.

“Guudlaawe wuxuu wajahayaa tijaabo la marinayo shakhsiyaddiisa iyo hoggaannimadiisa, ceeb weyn ayuu la kulmi doonaa haddii uu Villa Somalia ka aqbalo in la tuuro xildhibaan Aamina,” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin.

“Xildhibaan Aamin ma haysato taageerada beesheeda kaliya, balse waxaa raacsan shacabka Soomaaliyeed oo dhan,” ayuu yiri.

“Guudlaawe wuxuu sidoo kale qeyb ka noqon doonaa caddaalad darrada lagu sameeyey qoyska Ikraan, haddii uu isugu daro in gabadhooda la dilay, sidoo kalena la tuuro xildhibaankii garabka u aheyd.”

Su’aashu waxay tahay, Guudlaawe ma ku sarafin doonaa sumcaddiisa raali ahaanshaha Villa Somalia?