Nuuradin Xaaji oo dambiyo culus kusoo oogay booliska waddanka KENYA + Sababta

Nairobi (Caasimada Online) – Dacwad oogayaasha Kenya ayaa go’aan taariikhi ah oo ay gaareen ku sheegay Jimcihii inay kusoo oogi doonaan saraakiisha booliiska dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, kuwaas oo la xiriira olole dhiig badan ku daatay oo lagu qaaday mudaaharaadyadii ka dhashay doorashadii 2017-kii.

Eedaha loo haysto booliska ayaa waxaa ka mid ah kufsi, dil iyo jir dil, waxaana ka mid ah kiiska gabar lix bilood jir ah oo dhimashadeeda ay calaamad u noqotay falkii naxariis darrada ahaa ee boolisku ay geysteen intii lagu guda jiray doorashadii uu dhiiga badan ku daatay.

“Tani waa kiiskii ugu horreeyay ee dambiyada ka dhanka ah bini’aadminimada ee lagu soo oogo sharciga gudaha ee Kenya, iyadoo la raacayo sharciga dambiyada caalamiga ah iyo sidoo kale dacwad dambiyeedkii ugu horreeya ee xadgudubyada galmada la xiriira,” ayuu yiri Nooraddin Haji, Agaasimaha Dacwad-oogista.

Sarkaal ka tirsan xafiiska dacwad oogaha ayaa sheegay in 12 ka mid ah saraakiisha sarsare ee booliiska ay wajahayaan dacwado.

Howlgalkii booliiska ee daba socday doorashadii madaxtooyada ee lagu murmay ee Ogosto 2017 ayaa lagu dilay tobannaan qof muddo afar bilood ah.

Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya ayaa diiwaangeliyay 94 dhimasho ah intii lagu jiray xiisadda iyo sidoo kale 201 xaaladood oo xadgudub galmo ah iyo in ka badan 300 oo dhaawac ah — kuwaas oo intooda badan loo aanaynayo ciidamada ammaanka.

“Weerarradu waxay ahaayeen kuwo qorsheysan, la isku dubariday oo aan si kedis ah u dhicin,” ayaa lagu yiri bayaanka Agaasimaha Dacwad-oogayaasha Nooradin Haji, iyadoo lagu sheegay dambiyada kala duwan sida jirdilka, kufsiga iyo tacaddiyada galmada “ay ay geysteen ama hoos yimaadaan awoodda saraakiisha sare ee booliiska qaranka”.

Ilmo yar oo lagu magacaabo Samantha Pendo ayaa geeriyootay kadib markii ay garaaceen booliska xilli ay ku guda jireen weerar ay ku qaadeen guri ay daganaayeen dad mudaaharaadayaal ah oo ku sugnaa galbeedka magaalada Kisumu. Baaritaanka lagu sameeyay meydka ayaa muujiyay in Samantha uu soo gaaray dhaawacyo weyn oo madaxa ah, taasoo ka dhalatay awood arxan darro ah oo ay booliisku u adeegsadeen.

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka, Volker Turk, ayaa soo dhaweeyay go’aanka “bilowga ah” ee dacwad-oogaha Kenya, isagoo sheegay in uu “horumar muhiim ah u yahay isla xisaabtanka xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee Kenya.”

Xaaji, wuxuu sheegay Jimcihii in dad badan ay la kulmeen dhacdooyin xanuun iyo rafaad leh oo aan la sheegin intii lagu jiray caburinta dibadbaxyada.

VOA + AFP.