Wararkii ugu dambeeyey ee shirka golaha wadatashiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socdo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo Khamiistii ka furmay xarunta Villa Soomaaliya.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay ka qayb-galayaan ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Bare, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka.

Madaxda shirka ku sugan ayaa shalay nasiino galay, maadaamo ay aheyd Jimco, waxaana la filayaa in shirka maanta la sii amba qaado, si looga sii doodo qodobada miiska saaran.

Dhinacyada ay dooda u dhexeyso ayaa sidoo kale saacadihii ugu dambeeyey yeeshay kulamo gaar gaar ah, ayaga oo ka arrinsanayaa xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

Arrimahga laga wadahadlayo waxaa ka mid ah amniga, gaar ahaan la dagaalanka Al-Shabaab, xoojinta wada-shaqeynta dhexdooda, shidaalka iyo bani’aadanimada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Golaha ayaa isla meel dhigay in dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada isku waqti uu ka dhamaado xilka, si aan howlo doorasho aan looga mashquulin dagaalka adag ee lagula jiro argagixisada Al-Shabaab.

Qoddobkaan ayaa ka mid noqon doona war-murtiyeedka la filayo in uu kasoo baxo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in shirka la soo gabagabeyn doono gelinka dambe ee maanta, ayada oo la soo saari doono war-murtiyeed qodobeysan oo ay isku raaci doonaan madaxda dowlada dhexe, kuwa dowlad goboleedyada & duqa Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska ku soo laabtay 15-kii May ee sanadkan 2022 ayaa kulamo hore la yeeshay madaxda maamul goboleedyada, isagoo kala wada hadlay sii amba qaadida howlaha waa weyn ee horyaalla dowladdiisa cusub iyo sidoo kale wada shaqeynta labada dhinac.