Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka mareykanka Barack Obama ayaa ku dhawaaqay in la kordhiyay cunaqabateynta saaran dowlada Sudan, kadib markii uu sheegay in cagsi ay isku yihiin Siyaasadaha Mareykanka iyo Sudan.
Barack Obama waxa uu tilmaamay in Dowladiisu ay halis u aragto dowlada Sudan, waxa uuna qeexay in sababta ugu weyn ee kordhinta Cunaqabateyntu tahay in Sudan halis ku tahay ammaanka qaranka Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay.
Mareykanku waxa uu sidoo kale, sheegay in dowlada Sudan ay garab u tahay kooxaha Islaamiyiinta, sidaa darteedna aan loo arag in laga qaado Cunaqabateynta saaran.
Dalka Sudan ayaa waxaa xayiraada la saaray sanadu marka ay aheyd 1997, taa oo aheyd xayiraadda ganacsi ee Mareykanka.
Dowlada Mareykanka ayaa Cunaqabateynta u sababeyneysa kadib markii ay is biirsadeen eedeymaha ay u jeedinayaan dowladaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Sudan weli kama aysan hadal go’aanka uu Mareykanku ku kordhiyay Cunaqabateynta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

