Oday waayeel ah oo fal aad looga naxo maanta ka gaystay gobolka Togdheer

Burco (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in maanta dhacdo naxdin leh ay ka dhacday, isla-markaana uu Oday waayeel ah uu dilay saddex Caruur ah oo uu Adeer u yahay.

Odayga ayaa waxa uu saddexdan Caruurta ah ku dilay deeganka Dhagax Dheer oo ka tirsan deegaanada hoostaga gobolka Togdheer.

Caruurtan la dilay ayaa waxa la sheegaya in dhamaantood ay walaalo ahaayeen, isla markaana uu ugu weynaa Afar jir.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in Caruurtaasi ay isla markiiba ay ku geeriyoodeen goobtii uu odaygu ku dilay.

Gudoomiyaha deegaankaas ayaa xaqiijiyey inuu Carruurtaasi dilay Odey Adeerkood ah oo Maskaxda ka jiranaa, balse ciidamada Booliska Somaliland ay markii dambe ay gacanta ku dhigeen Ninkii dilkaasi u geystay saddexda Carruurta ah ee wada dhashay.

Ilaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka iyo laamaha amniga ee gobolka Togdheer, balse waxa la filayaa in Warbaahinta uga warbixiyaan dhacdadan saacadaha soo socda.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com