Odayaasha beelah Hawiye oo war-murtiyeed culus maanta kasoo saaray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo maalmihii dambe shir uga socday magaalada Muqdisho ayaa maanta war-murtiyeed kasoo saaray khilaafka ka dhex aloosan Wasiirka Waxbarashada DF iyo maamulka gobolka Banaadir.

War-murtiyeedka ayaa waxay odayaashu ku dalbadeen in loo madax baneeyo gobolka Banaadir hanaanka waxbarasho ee gobolka si lamid ah maamulada dalka, islamarkaana ay fara-gelinta qaawan ka deyso Wasaaradda waxbarashada, maadama uu dalka uu yahay federaal.

“Duqeyda dhaqanka waxay u soo jeedinayaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha aysan ka aamusin oo wax ka qabtaan wasaarada waxbarashada iyo maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan bixinta adeegyada waxbarashada gobolka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed kasoo baxay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.

“Waxay wasaarada waxbarashada Soomaaliya u soo jeedinaysa in uu u madax baneeyo adeegyada waxbarashada gobolka. Maamulka gobolka Banaadir uu xooga u saaro xafiisyada bixiya adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.”

Sidoo kale waxay bogaadiyeen dadaalka iyo tayeynta uu maamulka gobolka Banaadir ku sameeyay waxbarashada gobolka Banaadir, uuna isbedelo la taaban karo kusoo kordhiyey mudadii uu la wareegay adeeyadaas, sida ay sheegen.

“Duqeyda dhaqanka waxay ugu dambeyn ugu baaqeysa Wasaarada waxbarashada iyo maamulka gobolka Banaadir in xal loo helo khilaafka ku saabsan adeegyada waxbarashada, islamarkaana ka wada-shaqeyan horumarinta adeegyadaas, loona gaarsiin lahaa deegaanada gobolka Banaadir.”

War-murtiyeedkan ayaa imanaya xili uu dhawaan khilaaf xoogan ka dhex qarxay maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaarada waxbarashada dowladda federaalka, kadib markii ay wasaarada baabi’isay lacago uu maamulka gobolka ku soo rogay goobaha waxbarashada.