Odayaasha Hawiye oo caro afka la furtay digniin culusna u diray xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka tirsan Odayaasha Muqdisho, ayaa si kulul uga hadlay Caqabada ay Xildhibaanada BFS ku yihiin Wasiirada cusub.

Xaad ayaa sheegay inay ka fiirsan doonaan taageerada ay u hayaan Xildhibaanada, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda magaalada Muqdisho.

Xaad, waxa uu sheegay in lala xisaabtami doono Xildhibaankii kasoo jeeda Muqdisho ee ka hor imaada Golaha Wasiirada cusub.

”Waxaa naga dhamaaday sabarka haddii marba Xildhibaanada ay maankooda ka maagayaan inay is hortaagan cidii lasoo magacaabo, waxaa arrin layaab ah in shaqsiyaad ay isku uruursadaan fashilinta howlaha Qaranka”

Waxa uu ka digay in Xildhibaanada ay qabiileeyan howlaha Qaranka, isagoo ku baaqay in si dhaqsi ah lagu dhaqan galiyo Golaha Wasiirada.

Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa ku booriyay Xildhibaanada Mucaaradka ah in Sharafkooda ay ilaashadaan maadamaa xilligaan ay waji Gabax ku noqoneyso haddii ay ka hor yimaadaan Xukuumadda Cusub ee la soo dhisay si dalka ay wax uga qabato.

Nabadoonadaan ayaa taageeray xukuumada cusub waxa ayna baaq u direen Xildhibaanada baarlamanka ku waas oo ay ka codsadeen in si dag-dag ah loo meel mariyo Wasiirada cusub uu dhawaan ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha Sooamaaliya.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo dhaliilay qaab dhismeedka xukuumadda Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ku goodiyey in codka kalsoonida ah aaney siin doonin xukuumadda.

Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayaa 21-kii bishan waxa uu ku dhowaaqay golahiisa wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com