Muxuu Gaas ka yiri golaha wasiirada cusub, miyaase lagala tashaday ?

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay golaha wasiirada cusub ee xukuumada iyo qaabkii lagu soo magacaabay.

Isaga oo  la hadlayay idaacadda SBS oo ku taala dalka Australia qeybteeda Afka Soomaaliga ayuu sheegay in magacaabida golaha wasiirada inaan isaga lagala tashan islamarkaana uusan tali ku laheyn.

Wuxuu sheegay in marnaba aysan quseyn magacaabida kula wasiirada, maadaama ay hortaalay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa, wuxuuna sheegay in Puntland ahaan ay soo dhaweynayaan.

Madaxweyne , Gaas ayaa sheegay in uusan raadin talo-siinta iyo shaqo ku lahaanshaha dhismaha golaha Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka loo dhisay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maamulkiisa wax tabasho iyo cabasho ah uusan ka qabin liiska golaha wasiirada cusub, isagoo sheegay inay la shaqeyn doonaan.

C/Welli Gaas ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda cusub ay ka sugayaan inay la timaado waxqabad wanaagsan, maadaama shacabka Soomaaliyeed ay ka dhowr sugayaan waxqabadkeeda.

Caasimada Online
Xafiiska garowe
Caasimada@live.com