Odinga oo caqabad kala kulmaya murashaxnimada Fowziya Yuusuf ee xilka AU

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa billowday ololaha ay ku dooneyso in wasiirkii hore arrimaha dibada Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ku noqoto murashaxa u tartama guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee muddo xileedkiisu yahay 2025-2028.

Soomaaliya iyo murashaxeeda ayaa caqabad ku noqon kara hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga horayna usoo noqday ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya oo isna ku dhawaaqay 15-kii bishaan in xilkaan uu u tartamayo, isagoo taageera ka filaayo dalalka Bariga iyo Bartamaha ee EAC oo dhawaan Soomaaliya ay ku biirtay.

Fowziyaoo hadda ah xildhibaan ayaa sheegtay in iyadoo kaashaneysa awooda dowladeeda iyo dadaalka madaxweynaheeda Xasan Sheekh ay dooneyso inay kor u qaado cododka Afrika iyo horumarinta ajandeyaasha qaarada.

Waxay sheegtay Fowziyo Yuusuf in ay jaceyl qoto dheer ah u hayso Afrika iyo inay ka qeyb qaadato horumarka qaarada.

“Anigoo u tartamaya guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaan hiigsanayaa inaan xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Afrika oo aan ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa qaarad mideysan oo isku dhafan iskuna filan,” ayey tiri Fowziya oo Khamiistii Muqdisho ugu dhawaaqday si rasmi ah ololaheeda.

Waxay kaloo sheegtay in ay awoodeeda isugu geyn doonto toddobada qodob ee ku aadan midnimada Pan-Afrika ee kala ah, Horumar waara, nabadda iyo amniga, awood siinta dhalinyarada iyo sinnaanta jinsiga, sidoo kale isbadalka cimilada iyo maamul wanaaga.

Daud Aweys oo ah afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ahna wasiirka warfaafinta ayaa mar sii horreysay tilmaamay in dowladdu ay taageereyso musharrax Fowsia, maadaama uu waddankiisa u soo jeestay marxaladda caalamiga ah.

“Kadib guulo diblumaasiyadeed oo muhiim ah sida qaadista cunaqabateynta hubka, cafinta deymaha, iyo ku biirista EAC, Soomaaliya hadda waxay meel fiican u mareysaa inay kaalin weyn ku yeelato caalamka,” ayuu yiri Daa’uud Aweus goor sii horeysay oo xanta ay bilaabatay.

Tartanka Fowziya ayaa caqabad ku ah hamiga hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga isagoo u ololeynayay inuu noqdo musharaxa dalalka Bariga iyo Bartamaha ee EAC ay taageerto. 

Fowziya Aadan waxay noqon doontaa marka ay guuleysato haweeneydii labaad oo madax ka noqoto Midowga Afrika, kadib Nkosazana Dlamini-Zuma ee Koonfur Afrika.

Sida ku cad xeerarka wareegtada ee la sameeyay sanadkii 2018, gobolka Bariga Afrika waa inuu noqdaa kan ku xiga ee soo saaraya Guddoomiyaha AUC. Laakiin xeerarka doorashada ayaa ogolaanaya in tiro badan oo musharraxiin ah ay ka yimaadaan gobolka, taasoo sii hurinaysa tartan degdeg ah oo loogu jiro doorashada sanadka soo socda ee Febraayo.