Odinga oo jawaab ka bixiyey go’aankii ay Maxkamadda Sare guusha ku siisay Ruto

Nairobi (Caasimada Online) – Musharaxa looga adkaaday doorashadii madaxweynaha Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inuu ixtiraamayo go’aanka Maxkamada Sare ay ku ayidday guushii William Ruto, balse wuxuu intaas ku daray inuusan ku raacsaneyn.

“Waxaan mar walba u taagneyn sarreynta sharciga iyo dastuurka. Marka ay noqota arrintan, waxaan ixtiraameynaa aragtida Maxkamadda Sare inkasta oo aan si xooggan ugu diidannahay go’aanka maanta,” ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray.

Waxay aheyd markii shanaad oo Odinga oo 77 jir ah looga adkaado doorashada madaxweynaha, inkasta oo uu doorashadii 9-kii August haystay taageerada madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta oo ay mar xifaaltami jireen.

“Qaraanadeena waxay soo bandhigeen caddeymo aan la diidi karin, xaqiiqooyinkana annaga ayey nala jireen, nasiib darro garsoorayaasha si kale ayey wax u arkeen,” ayuu yiri Odinga. 

“Go’aankan kama dhigna dhammaadka dhaq-dhaqaaqeena. Dhab ahaantii waxay nagu dhiiri-gelineysaa inaan laba laabno dadaallada aan ugu beddeleyno dalkan mid baraaqo iyo dimoqraadi ah,” ayuu yiri isaga oo intaas ku daray in kooxdiisa ay dib kasoo sheegi doonto qorshahooda mustaqbalka. 

Dhammaan garsoorayaasha Maxkamadda, oo ay hoggaamineysay guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome, ayaa maanta isku raacay in la tuuro codsiga isbahaysiga Azimio la Umoja ee Odinga, oo ku dooday in ku dhowaaqista Ruto ee madaxweynaha Kenya ay tahay mid aan waxba ka jirin. 

Odinga ayaa codsiga ugu gudbiyey Maxkamadda Sare bishii tagtay, isaga oo ku dooday inuu hayo “caddeymo ku filan” oo uu ku muujiyo inuu dhab ahaan isaga ku guuleystay doorashada.

Hase yeeshee, guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome ayaa sheegtay in teknoolajiyadda ay adeegsadeen guddiga madaxa-banaan ee doorashada ee IEBC ay kasoo baxeen heerkii “Sharaf, xaqiijin, amni iyo daah-furnaan” ee looga baahnaa.

Waxay intaas ku dartay inaysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya inay doorashada ka dhaceen khaladaad beddeli karay natiijada. 

“Khaladaadku uma baaxad weyneyn heer ay saameyn ku yeeshaan natiijada kama dambeysta ah ee doorashada madaxweynaha,” ayey tiri guddoomiye Koome.

“Kani waa go’aan loo wada dhan yahay. Dhammaan codsiyadii waa lagu gacan sayray, sidaas darteed, waxaan halkan uga dhowaaqeynaa in Ruto uu yahay madaxweynaha la doortay,” ayey tiri guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome.

Ruto oo 55 jir ah, islamarkaana ah madaxweyne ku-xigeenka Kenya ee iminka, ayaa lagu wadaa inuu xilka madaxweynaha la wareego 13-ka September.

Ruto iyo Odinga ayaa labaduba horey u ballanqaaday inay aqbali doonaan xukunka Maxkamadda Sare.