Maleeshiyaad ka cararayey duqeymaha dalka Nigeria oo WEBIGA ku qarqamay

Borno, (Caasimada Online) – Tiro ka mid ah maleeshiyaad Islaamiyiin ah ayaa ku qarqamay webi ku yaalla Nigeria xilli ay ka cararayeen duqeymaha ay ciidamada dalkaasi.

Ilo wareedyo dhanka amniga qaabilsan ayaa laga soo xigtay in dhacdadaan ay ka dhacday gobolka waqooyiga bari ku yaalla ee Borno, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ballaaran.

Ciidamada ayaa weeraray tuulooyin hoostaga keymaha Sambisa halkaas oo ay ku dhuumaaleystaan dagaalyahanada kooxda Booko Xaraam.

Wararka waxay sheegayaan in kooxda ay baxsadeen fariisimahooda isla markaana ay u jiheysteen dhinaca webiga mara halkaas.

Maleeshiyaad maxalli ah oo ka barbar dagaallamayo ciidamada dowladda ayaa sheegay in ka badan 100 meydad ah laga soo saaray webiga oo ay aaseen.

Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay halka 2 milyan oo qof ay guryahooda ka qaxeen kadib weerarrada maleeshiyaadka ee ka bilowday Nigeria tan iyo 2009-kii.