Booliska oo digniin adag u diray ganacsatada Muqdisho, kadib arrin la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray digniin adag oo ku socota ganacsatada la macaamisha Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa loo yeero ee ugu taga deegaanada ay ku sugan tahay kooxdu.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamadii howlgalka ka fuliyey degaanka Basra ay halkaas ugu tageen ganacsato ay u yeertay kooxdu.

“Waxaan uga digayaa umadda Soomaaliyeed in aysan ku haligmin amarrada Al-Shabaab, yaan la aadi goobaha ay joogaan Al-Shabaab, sababtoo ah mar kasta ayaa la beegsa karaa kooxdaas, howlgallo culus ayaa ku bilowday,” ayuu yiri Jeneraal Xijaar.

Sidoo kale Taliyaha booliska ayaa u balan qaaday ganacsadihii looga yeero goobaha ay maamulaan Al-Shabaab, hadii uu soo sheego inay ammaankiisa sugi doonaan.

“Ninkii aada ee aan ku ogaano talaabaan ka qaadi doonaa, waxaan ognahay kuwo badan oo xiriir la leh, xitaa ninkii gaari ka ijaara ama ay gaarigiisa ku adeegtaan, ahyaga dagaalamaya iyo isagu waa isku mid, waana la iska dhicinayaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Xijaar.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan Duufaan iyo booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa saakay fuliyey howlgalkii ugu horeeyey ee noociisa ay waayahaan fuliyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Howlgalkaas oo ka dhacay degaanka Basra oo dhaca inta u dhaxeysa Afgooye iyo Balcad, jihada koonfur galbeed uga beegan magaalada Muqdisho ayaa lagu beegsaday fariisinkii canshuurta looga qaadi jiray dadka reer Muqdisho.

Halkaas Al-Shabaab waxay ku lahaayeen maxkamad ay ku kala saaraan dadka reer Muqdisho ee kala dacwoonaya, sida muranada dhulalka, sidoo kale waxay u aheyd fariisin weyn oo ay canshuurta uga uruuriyaan ganacsatada Muqdisho, waxaana gacanta lagu soo dhigay boonooyinkii ay Al-Shabaab canshuurta ku qaadi jireen.