Odowaa oo amaro culus dul dhigay ciidamada kadib arrin kusoo badatay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xooga, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa amarro culus dul dhigay Askarta hubka ku dhex wadata caasimada dalka ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha oo ka qeyb-galay munaasibad ka dhaceysay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegay in looga baahan Askarta ku labisan dareeska ciidanka xooga inay iska soo dhigaan dharka ciidanka iyo qoryaha marka ay soo galayaan magaalada iyo marka ay doonayaan inay booqdaan reerahooda.

“Marka ay soo galaan Ciidanka waa in aysan aadin xaafadahooda, taliska Xamar ugu yaala waa in ay yimaadaan, waa in ay Hubka iyo dareeska dhigaan ka dib waa in ay xaafadahooda aadaan,” ayuu yiri Jeneraal Odowaa.

Taliyaha Ciidanka Xooga ayaa ku saleeyay amaradaan cusub in looga dan leeyahay si loo yareeyo amni darada magaalada ka socota.

“Si loo yareeyo Amni darrada magaalada ka socota, si loo ilaaliyo sharafka dareeska Ciidanka si loo dhis kalsnoonida ay Bulshadeena ku qabi karaan Ciidanka,” ayuu yiri isaga oo la hadlayay Saraakiisha ciidanka oo ay goob ka aheed maxkamadda ciidanka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Askarigii lagu arko isaga oo magaalada ku dhex wata dareyska Ciidanka in uu lamid yahay kii wax dhacaayay, sida uu hadalka u dhigay.

Awaamiirtan cusub ayaa imaneysa xili ay muddooyinkii dambe ku soo bateen magaalada Muqdisho Askar ku labisan dharka ciidank xooga, kuwaasi oo u geysta dhac bulshada ku dhaqan magaalada.