Militariga oo dagaalyahano badan ka dilay Al-Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay degaan lagu magacaabo Bukure oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo Al-Shabaab looga dilay dagaalyahano badan.

Taliyaha guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkaas ay Al-Shabaab uga dileen 15-xubnood.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in kooxda ay ka furteen hub u badan qoryaha AK47 iyo BKM, deegaankiina ay ka qabsadeen, halkaasna ay ka qaateen dhaawacyo aad u badan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee militeriga Soomaaliya ay maanta ka baxeen degmada Maxaas, kadibna ay weerareen fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Bukure.

Dagaal culus ayaa ka dhacay deegaankaas sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka, waxayna militeriga Soomaaliya ka sheegteen guulo iyo inay Al-Shabaab ku jebiyeen, balse Al-Shabaab weli kama hadlin dagaalkaas.

Ciidankaan ayaa la sheegay in mudooyinkii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab ku baacsaneyeen deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Maxaas, Matabaan iyo Beledweyne, wuxuuna howlgalkaan socdaa mudo bil ah.