Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin oo faahfaahisay qorshihii Boosaaso looga hor istaagay

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar oo maanta diyaarad ay gargaar ku waday Boosaaso laga soo celiyey ayaa faahfaahin ka bixisay sidii ay wax u dhaceen.

Guddoomiye Sacdiyo ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Puntland ay ka war qabeen diyaaradda mucaawinada sidda ka hor tegitaankeeda, isla markaana si ku talagal ah loo hor istaagay wafdigeeda.

Xildhibana Sacdiya ayaa VOA u sheegtay inay la xiriirtay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) ka hor inta aysan diyaaraddu tegin, ayna ku wargelisay mucaawimada ay keenayaan. 

Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa isagu beeniyey inuu ogaa mucaawinada iyo inuu la hadlay Xildhibaan Sacdiya oo maanta laga soo celiyey magaalada Boosaaso.

Waxaa kale oo Xildhibaan Sacdiya ay sheegtay in kadib markii ay diyaaraddu degtay uu la soo hadlay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaaash, isagoo amray in mucaawinada laga dejiyo diyaaradda. 

Xildhibaan Sacdiya oo sidoo kale ah ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka war-heshay intii ay diyaaraddu kusii jirtay hawada in telefoonka loogu sheegay duuliyaha in aanay diyaaraddu soo degin, hase yeeshee uu duuliyuhu sheegay inuu u baahan yahay inuu shidaal qaato.

Sidoo kale Xildhibaan Sacdiya ayaa sheegtay inay horay ula xiriirtay odayaasha dhaqanka deegaanka, si ay mucaawanada ugala wareegaan. Waxay sheegtay in mucaawinadan loo waday Boosaaso ay ahayd toddoba tan oo iskugu jira bur, bariis, saliid iyo weliba cuntooyinka nafaqada.

Xildhibaan Sacdiya ayaa intaas ku dartay inay mucaawino gaysay magaalada Garoowe muddo hadda laga joogo saddex toddobaad, laguna wareejiyey maamulka, balse ilaa haatan aan la qaybin mucaawinadaas.

Iska horimaadkii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaa ku dhintay 10 qof, sida ay noo xaqiijiyeen ilo dhinaca amniga ah.

Diyaaradda sidday Xildhibaan Sacdiya iyo mucaawinadii ayaa galabta si nabad ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin u hadashay maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan ka warqabin diyaaradda mucaawinada siday ee maanta laga soo celiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in loo baahan yahay in mar walba xiriir iyo iska warqab ay yeeshaan dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maamul goboleedka Puntland ay diyaar u yihiin wada shaqayn la xiriirta ka jawaabidda dhibaatooyinka abaaraha iyo amniga. Wuxuuse sheegay in aysan dhicin “is gacan dhaaf” isagoo intaas ku daray inuu rajaynayo inaanay mar kale dhicin tii maanta oo kale.