Booliska Muqdisho oo soo rogay bandow habeenkii ah oo saameynaya laba dhinac

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo shaaciyey in lasoo gabagabeeyey wajigii koowaad ee howlgallada amni ee mudooyinkaan ka socday magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay hub, maandooriye iyo kooxihii lagu soo qabtay, intii ay howlagalladu socdeen.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga booliska ee degmada Xamarjajab ayaa sidoo kale ku dhawaaqay amarro ka soo baxay booliska, kuwaas oo ku socda Bajaj-ta ka dhex shaqeysa Muqdisho iyo ciidamada qalabka sida.

Ugu horeyn Afhayeenka ayaa sheegay in la go’aamiyey in wixii ka dambeeya 12:00 AM saqda dhexe ee habeenkii aan magaalada lagu dhex arki karin Bajaaj shaqeyneysa, isagoo ku goodiyey in cidii u hoggaansami weysa amarkaan ay ciqaab ku muteysa doonto.

Sidoo kale booliska ayaa shirkaan jaraa’id uga dhawaaqay amar ku socda dhamaan ciidamada qaranka, kaas oo ah in habeenkii aan magaalada lagu dhex arki karin askari qori wata.

“Waxaan soo qabanay tuugadii dhaceysay moobeellada, kuwii guryaha jabsa jiray, kuwii watay Bajaajyada, waxaan soo afjarnay wajigii koowaad ee howlgalka, waxaana loo gudbi doonaa jawiga labaad,” ayuu yiri Cabdifitaax Aadan.

Saldhigga booliska degmada Xamarjajab ayaa galabta warbaahinta loogu soo bandhigay maan-dooriye nooc kasta leh oo aad u badan, hub u badan qoryo AK 47 ah, midiyo iyo agab kale oo dadka lagu dhici jiray iyo rag lasoo qabtay.

Habeenadii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho ka socday howlgallo horay loo sii shaaciyey oo lagu baacsanayey tuugada, wuxuuna afhayeenku sheegay in lasoo gabagabeeyey wajigii koowaad, isla markaana la bilaabi doono jawiga labaad.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/ADUIEbR9V4I?t=117