Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay dhoola-tus ay sameeyeen ciidanka ku sugan Eritrea

Asmara (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta dowladda Eritrea Yemane G. Meskel ayaa shaaciyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan Eritrea uu goobjoog ka ahaa dhoola-tus heer sare ah oo Ciidamada Soomaaliyeed ee tobabarka uga socday dalkaas ay ka sameeyeen badda Eritrea.

Yemane ayaa sidoo kale sheegay in dhoola-tuska ciidamada uu kormeerka ku wehlinayay madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayada oo sidoo kale soo indha-indheeyay dekedda magaalada Massawa iyo nawaaxigeeda.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa maanta booqday Dekedda magaalada Massawa iyo nawaaxigeeda. Madaxweyne Xasan ayaa kormeeray dhoolatus ciidan oo ay ku soo bandhigayeen doomo dheereeya oo ay wateen ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddo tababar ku qaadanayay dalka Eritrea,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Labada madaxweyne ayaa sidan oo kale kormeer guud kusoo sameeyay cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalka Eritrea.

“Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyadan oo si gaar ah loo tababbaray, waxa uuna u kuur-galay xaaladdooda nololeed, isagoona warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Madaxweynaha oo la hadlay ciidamada uu uga warbixiyey qorshaha dowladda ee sugidda amniga guud ee dalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo cadow ku ah horumarka iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladda Eritrea uga mahadceliyay tababbarka ciidamadan oo qayb ka qaadan doona xasilinta Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay.