PUNTLAND oo war kasoo saartay dagaalkii Boosaaso iyo celintii xildhibaan Sacdiya

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa ka hadlay iska hor-imaadkii ciidamo ka wada tirsan kuwa Puntland ku dhexmaray magaalada Boosaaso.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay qaabilaadda diyaarad mucaawino sidda oo ka timid magaalada Muqdisho, taasi oo ay la socotay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose ee baarlamaanka Sacdiya Yaasiin Samatar.

Dagaalka ayaa ka dhacay bar kontorool oo laga galo garoonka. Ilo-wareedyo ku sugan goobta ayaa u sheegay Caasimada Online in mas’uuliyiinta garoonka Boosaaso ay amreen inay dib u laabato diyaaradda sidday mucaawinada oo si nabad ah ku degtaya garoonka. 

Wasiirka ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ay yimaadeen ciidamo ka tirsan kuwa PSF, iskuna dayeen inay gudaha u galaan garoonka, taasi oo ay ka biyo diideen ciidamada ilaalida ka haya garoonka.

“Anaga oo wax war ah hayn ayaa waxa soo dhacday saaka macluumaad sheegaya in diyaarad sida gargaar ay kasoo degayso garoonka Boosaaso, kadib markii xogtaas timid waxa garoonka yimid ciidamada amniga Puntland waxay yidhaahdeen diyaarad ayaa imaneysa waxa rabna in kasoo dejino alaab iyo masuuliyiin la socota,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Puntland aan lagu soo wargelin imaatixinta diyaaradda siday guddoomiye ku-xigeenka baarlamanka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Waxa uu xusay in Puntland ay mamnuuday in ciidamo lala galo dhamaan garoomada diyaaradaha, islamarkaana isaga ilaaladiisa markii uu alayo Garoonka uu banaanka kaga tago.

Iska hor-imaadka maanta ayaa waxa uu eedeynteeda dusha ka saaray ciidamada PSF oo uu sheegay inay hubka la galeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Wasiirka ayaa ku dooday inay jirtay wargelin la’aan ku saabsan in garoonka magaalada Boosaaso laga soo dejiyo gargaar, sidoo kalena aan lagu soo warelin Hay’adaha kala duwan ee Puntland, hase yeeshe markii dambe laga ogaaday ciidamada PSF ee garoonka tegay inay diyaaradaas imaneyso.

Ugu dambeyntiina wuxuu ku baaqay tallaabo kasta iyo waxkasta oo la keenayo degaanada Puntland lala soo wadaago hay’adaha ay quseyso, maadaama ay dalka ka jirto xaalad adag.