Xog: Dagaalka Boosaaso oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor-imaad ka dhacay garoonka diyaaradaha Boosaaso, kaasi oo dhaxmaray ciidamada badda ee PMPF ee garoonka amnigiisa gacanta ku haya iyo ciidamo kale oo ka tirsan kuwa la-dagaalanka argagixisada ee loo yaqaan PSF.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, iska hor-imaadkan ayaa yimid kadib markii la maamulka Puntland isku dayay celinta diyaarad ay la socotay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya, ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Diyaarada oo ay la socotay Sacdiyo Samatar ayaa siday mucaawino, taasi oo markii hore kasoo baxday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa ka dhacay bar-kontorool oo laga galo garoonka, kaasi oo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa doonayey inay galbiyaan Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen Ilo-wareedyo ku sugan goobta waxa dagaalka ka dhashay khasaare kala duwan, ayada oo uu sababay dhimashada 11 ruux oo dhimasho ah iyo tiro kale oo dhaawac ah.

Diyaaradda ayaa sidday gargaar bani’aadanimo oo loogu tala-galay dadka ay saameeyeen abaaraha, waxaana ay ka duushay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Diyaaradda iyo Sacdiya ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Illaa hadda majiro wax hadal ah oo kasoo baxay Puntland iyo dhanka dowladda federaalka oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba, Marwo Sacdiya Yaasiin ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland oo lagu soo doortay, balse is hortaagga lagu sameeyey ayaa kusoo aadaya, iyada oo horey Deni ugu hungoobay xilka madaxweynaha, kadibna uu waayey inuu helo xilka ra’iisul wasaaraha, isaga oo sidoo kale markii la magacaabay Xamza Cabdi aad ugu dhaliilay madaxweynaha.