Hobyo (Caasimada Online) – Wafdi ka socdo Dowlada Soomaaliya oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa maanta gaaray degmada Hobyo ee gobolka mudug.
Wafdiga waxaa degmada Hobyo kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed oo maalmahaan ku sugnaa degmada Hobyo halkaasi oo uu kula kumayay odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda degmada iyo deegaanada ku xeeran.
Safarka Wasiir Odowaa uu ku tagay degmada Hobyo ayaa lahaa micno badan, waxaana wararka ay heleyso Caasimada Online sheegayaan inuu u tagay magaalada arinta ugu weyn oo ah in la furo dekada degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Wasiirka ayaa sheegay in wafdigiisa ay sidoo kale ka qeyb qaadanayaan dhismaha maamulka degmada Hobyo loo sameynayo kaasi oo ay soo dooranayaan shacabka ku dhaqan degmada.
Arinta furitaanka dekada degmada Hobyo ayaa dhabarjab ku noqoneyso maamulka Puntland oo deris la ah Galmudug, maadaama inta badan waxyaabaha ganacsiga ah laga soo dajiyo dekada magaalada Boosaaso, waxaana qorshaha Galmudug uu yahay in dekada Hobyo laga dhigo dekedweyn.
hCaasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

