Olivier Giroud: Waxaan doonayaa inaan la ciyaaro Thierry Henry.

Weeraryahanka kooxda Arsenal Olivier Giroud ayaa ku qalqaalinaya Thierry Henry inuu mar kale u saxiixo Gunners inta lagu jiro bisha Janaayo.

Henry ayaa tababarka la qaadanaya kooxda ka dhisan waqooyiga London inta uu xiran yahay Horyaalka Mareykanka MLS, tababare Arsene Wenger ayaana diiday inuu meesha ka saaro inuu mar kale soo dhaqaajiyo halyeeyga Arsenal.

35-jirka, weerarka uga ciyaara New York Red Bulls, ayaa laba mar shabaqa soo taabtay intii lagu jiray Todobo kulan oo uu amaah kulan joogay kooxdaan sanadii hore, marka lagu daro guulkii guusha ee uu kooxda Leeds ka dhaliyey kulan FA Cup ah, wuxuuna ninka reer France kooxdaan usoo xamaalayey 1999 ilaa 2007dii.

Wenger ayaa sheegay inuu go’aan ka qaadanayo soo ceshasada Hanry ee Janaayo wuxuuna qirtay inay kooxdiisu ku darsaneyso liiska weerarka iyadoo uu furmaayo Africa Cup of Nations.

Xidiga dhowaan galka ah ee Gunners Giroud ayaana qirtay inuu jelaan lahaa inuu mar uu Emirates kula ciyaaro ninka ay isku kooxda yihiin.

“Hanry wuu u hiloobay xiisaha Premier League” ayuu yiri Giroud. “Laakiin iima uusan sheegin hadii uu kusoo laabanayo. Waxay ii noqon laheyd farxad weyn hadii aan la ciyaari lahaa.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.