ONLF oo beenisay in ay wadahaddal kula jirto dowladda Ethiopia

Addis Ababa (Caasimada Online) War saxaafadeed ay soo saartay jabhadda ONLF ee ka dagaalanta waddanka Ethiopia, ayaa lagu beeniyay in uu jiro wadahaddal u socda jabhadda iyo xukuumadda Addis Ababa.

Cadaani Hirmooge oo ah afhayeenka ONLF ayaa sheegay in been uu yahay wararka qaar ay baahiyeen warbaahinta, kaasoo ah in uu wadahaddal u socdo iyaga iyo dowladda Ethiopia.

“Dowladda Ethiopia waxa ay rabtaa in ay ku hoggaamiso siyaasadeeda, kaloba shuruud ay keeneysaa markii ay ku guul dareesatay dagaalkii iyo kii siyaasiga, marka ma jirto wax garab ah oo ka tirsan ONLF oo wadahaddal kula jirta Ethiopia, warkaas waa been” ayuu yiri Hirmooge.

Wuxuu kaloo sheegay in ONLF uusan ahayn ururo badan ee uu yahay hal urur oo isku mooqif ah, kuwaasoo doonaya in ay ka dhabeeyaan halgankii ay soo wadeen.

Wuxuu kaloo sheegay in markii loo eego ONLF uu yahay urur mideesan oo aad u uruursan oo ka fiican kuwa Soomaaliya ka jira sida uu hadalka u dhigay.

War-saxaafadeedka ONLF ayaa lagu sheegay in uusan jirin nin xil haya oo wadahaddal kula jira dowladda Ethiopia.

Ugu dambeen ONLF ayaa sheegtay in ay diyaar la tahay dhex-dhexaadin laga dhex-sameeyo iyaga dowladda Ethiopia, kuwaasoo ay qabanayaan dowladda dariska ah sida Kenya.

Si kastaba, ONLF ayaa u kala jabtay garabyo badan, waxa horrey garab ka mid ah uu heshiis la galay dowladii Milas Zanawigii geeriyooday, kuwa kale hadda ay wadahaddal kula jiriaan dowladda hadda jirta.

Garab ka mid ah ONLF ayaa hadda ku sugan Addis Ababa, si ay dib u soo celiyaan wadahaddalka nabadda, kaddib markii labada dhinac ay ku guul dareesteen heshiis bishii October sannadkan.

Kooxda ayaa diidday in ay ku dhaqanto dastuurka qaranka waddanka Ethiopia, laakin Cabdinur Cabdulaye Faraax uu sheegay in ay diyaar la yihiin in qaataan dastuurka si ay nabad u la noolaadaan dowladda Ethiopia.

Kooxdan ayaa dagaalo kula jirtay dowladda Ethiopia tan iyo sannadkii 1984,,markaas oo la dhisay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa