ONLF oo dagaal ku weysay xubin miisaan culus u lahaa (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal ka dhacay meel u dhow xadka Somalia iyo Ethiopia oo lagu magacaabo Ceel-Gaabta, ayaa waxaa lagu khaarijiyay Xoghayihii Gaashaandhigga ONLF.

Xoghayaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheekh Deeq Maxamed waxaana la dhintay laba xubnood oo kale oo ka tirsan ciidanka ONLF, sida aan ku sheegnay warbixinadeena horay u baxay.

Caddaani Hirmooge oo kamid ah Saraakiisha ugu sareysa ONLF ayaa idaacada VOA laanteeda Afka Somaliga u sheegay in xoghayaha uu ku dhintay dagaalkaasi.

Caddaani Hirmooge waxa uu sheegay in afar xubnood oo kale la qabtay, waxana uu sheegay in dagaalka lagu dilay mas’uuliyiinta ururka ay ka qayb galeen ciidamo kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan.

Sidoo kale, Xubin kale oo ka mid ah mas’uuliyiinta ONLF ay maleeshiyada ururka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca waxa ay ku qabteen magaalada Matabaan xubintaasi oo loo gacan galshay dowlada Itobiya.

Dilka Xoghayihii Gaashaandhigga ONLF, ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay Ururka ONLF, inkastoo Saraakiisha Ururka ay ku goodiyeen inay aargudan doonaan.

Geesta kale, ONLF ayaa dagaal xoogan kula jirta dowlada Itobiya dagaalkaasi oo saameynta ugu badan ku yeeshay ONLF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com