Xog: Xiriirka Xasan iyo Faarax oo laba sabab dartood u xumaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxaaya warar sheegaya in xiriirka Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Xildhibaan Faarax C/qaadir uu gaaray heer gaabis ah, kadib markii Faarax uu xakameyn waayay siyaasada Xassan Sheekh.

Xiriir xumida labada mas’uul ayaa timid kadib markii Madaxweyne Xassan Sheekh uu ka dul talaabay Faarax C/qaadir oo liijaanka u hayay tan iyo markii xilkaasi loo doortay.

Madaxweyne Xassan oo siyaasad ahaan ka talla qaadan jiray ayaa iminka muujiyay isku filnaan waxa uuna meel cidla ah uga dhaqaajiyay saaxiibkii Faarax.

Madaxweyne Xassan oo gabalkiisa sii dhacaaya ayaa Xildhibaan Faarax ka diiday inuu ku wehliyo safarada dibadda, isaga oo baqdin ka qaba in Faarax uu la dheelo siyaasad ay ku jirto hagar-daamo.

Ilo ku dhow dhow labada mas’uul ayaa xaqiijiyay in ku dhawaad Seddex bil uu xiriirka labada mas’uul ahaa mid sii liidanaaya, waxa ayna intaa ku dareen in gaabiska uu yahay mid ka imaaday dhanka Xassan Sheekh.

Ilo wareedka ayaa intaa raaciyay in Xassan Sheekh uu dhowr safar iska reebay Xildhibaan Faarax C/qaadir isaga oo ka gaashamanaaya in xogta doorashadiisa ay banaanka aado.

Faarax C/qaadir ayaa isna la sheegay inuu sabab u noqday inuu xumaado xiriirka Xassan Sheekh iyo dowlada Ethiopia, kadib markii Xassan uu xumeeyay xiriirka.

Sababta ugu weyn ee Faarax C/qaadir uu xiriirka ugu jaray Xassan ayaa ah La-tashi la’aan, halka sababta labaadna ay tahay in Madaxweyne Xassan uu si bareer ah u diiday inuu xil u magacaabo laba shaqsi uu Faarax C/qaadir watay.

Arrintaani ayaa sabab u noqon karta in Xildhibaan Faarax C/qaadir uu doorashada garab kusiiyo Musharaxiinta kale, si Xassan mar kale usoo laaban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com