ONLF oo ku dhawaaqday arrin dowladda Ethiopia aan u cuntami doonin.!!

Jigjiga (Caasimada Online) – Afhayeenka Ururka ONLF, C/ Qaadir Xassan Hirmooge (Caddaani), oo la hadlay warbaahinta ayaa si guud uga hadlay rajooyinka ay ka qabaan Heshiisyada ay la galeen dowlada Ethiopia iyo maamulka DDS.

Afhayeenku waxa uu sheegay in mar waliba ay qabaan rajooyin wanaagsan isla markaana dowlada Ethiopia laga doonaayo inay ka miro dhaliso Heshiiska Asmra.

Caddaani , waxa uu saxaafada meel fagaaro ah ugu cadeeyay in ONLF ay ku adkaan doonto inay ka tanaasulan mowqifkeeda ku aadan ka go’ida dalka Ethiopia.

Caddaani, waxa uu sheegay in ONLF ay leedahay Mowqifkii ay dhowr sano usoo dagaalameysa, sidaa aawgeed ay ku adkaaneyso inay ka laabtan ujeedooyinka qaarkii oo ay ku dagaalamayeen.

C/Qaadir Cadaani Hirmooge, ayaa sheegay iney u codeeyeen garabka kale ee maamulka DDSI mowqifkooda ku aadan ineysan dooneyn kasii mid ahaanshaha Ethiopia, taa badalkeedna ay doonayaan iney ka go’aan Ethiopia oo idil, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Afhayeenka sheegay in shirka Asmara uu dawo u yahay in laga gudbo colaadihii Ururka kala dhexeeyay maamulka Jigjiga iyo Ethiopia, balse aysan aqbali doonin in laga gudbo qodobada qaar.

Caddaani Hirmooge oo ah afhayeenka ONLF ayaa wuxuu sheegay “heshiis iyo is-afgarasha kasta oo dhacda iney ururka ONLF uu amarnaba ka tanaasuleyn hadafki aaya ka talinta ee ay ONLF muddo u soo halgameysay”.

Waxa uu intaa raaciyay in dhamaadka shirka kadib lagu balamay in lawada qaato kulamo kale oo lagu sii amba qaado wadahadalka qodobada harsan, si loo soo afjaro colaada mudada sanadaha dheer socotay ee Ismaamulka Soomaalida.

Waxa uu arrin muhiima ku sheegay in shacabka dhulka Soomaalida ay ka tashtaan aayahooda, waxa uuna arrin aan macquul aheyn ku sheegay in Umad dhan ay ku feelan dowlad aan tooda aheyn.

Sidoo kale, waxaan qodobka tanaasul la’aanta laga cabsi qabaa inay u cuntami weyso dowlada Ethiopia oo muddo sanado ah ku taameysay sida ay dusha sare uga maamuli laheyd guud ahaan Somalia.

Haddalka Cadaani ayaa u muuqanaaya mid ONLF ay ku dooneyso inay kaga madax-banaanaato Siyaasada iyo hoos jooga Ethiopia, waxaana sidoo kale adkaan doonta in Ethiopia ay aqbasho inay ka go’do Soomaalida.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com