SIR XASAASI ah: Maxamed BIN SALMAN oo ISRAEL ka dhigtay “dal walaal ah”

Riyadho (Caasimada Online) – Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan waxa uu ka shaqeynayaa in uu “Reer Galbeed” ka dhigo boqortooyada iyo maskaxda dadka Sacuudiga, marka ay timaaddo la macaamilka Israel,” waxaa sidaas warisay shabakadda Mujtahid oo adeegsata Twitter-ka.

“Bin Salman waxa uu hadda u arkaa Israel dal walaal ah, oo ay tahay in lala macaamil” ayaa lagu yiri qoraalka.

Akoonkan Twitter—ka ah oo la aaminsan yahay in ay ka soo warranto gudaha qoyska xukuka haya ee Sucuudi Careebiya, ayaa qortay: “Waxyaabaha ay qorsheynayaan Imaaraadka, Masar, Sacuudi Careebiya iyo Baxreyn waa wax ka gudo ballaaran filashooyinkeenna. Dadka xiriirka la leh Israel, iyoi Trump ayaa ku lug leh.”

“Qorshaha waa la dhammeeyey. Waxa uu salka ku hayaa mideynta ammaanka, saxaafadda, dhaqanka, warbarashada, waxaa ku jira diinta, Masar iyo dhammaan wadamada khaliijka marka laga reebo Cumaan.”

Qorsha, sida laga soo xiganayo Mujtahid, waxaa laga soo min guuriyey Egypt “Waxaa dhaqangalin doona xubno ka shaqeyn doonaa arrimaha saxaafadda, ammaanka, dhaq dhaqaaqyada Islaamiyiinta, manaahiijta waxbarashada iyo machadyada diimaha.”

Sida laga soo xiganayo Mujtahid, arrimahan waxa ay bartilmaameedsanayaan in ay “Iska fogeeyaan wax la xiriira siyaasadda, dhaqanka, dhaqaalaha iyo diinta oo saameyn ku yeesha dadka Egypt iyo wadamada gacanka Khaliijka si loo gaaro heer si qotodheer caadi looga dhigo la macaalika Israel.”

Sidoo kale waxa ay warbixinta sheegtay dejinta qorshahan in uu ka bilowday Sacuudi Careebiya, Egypt, UAE iyo Israel kahor intii aan la calleemo saarin Donald Trump, xilli warbixintu xustay in madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama uusan qorshan ku biirin sababo la xiriira cabsi uu ka qabay dowladahan iyo mas’uuliyad daradda amiirka dhaxal sugaha ah Maxamed Bin Salmaan.

Mujtahid oo ka hadlaysa Trump waxa ay qortay, in uu taageeray qorsha taas oo dhiirigalisay Bin Salmaan iyo dhaxal sugaha Abu Dhabi Maxamed Bin Zeyed si loo bilaabo fulinta waqti kahor xiliggii la qorsheeyey. Qorshaha waxaa ku jira in la shaqaaleysiiyo boqolaal mas’uuliyiin reer Egypt ah si ay gorjoogto uga ahaadaan wadamada gacanka Khaliijka oo ay ula socdaan ammaanka, ciidamada, saxaafadda, diinta iyo waxbarashada.

Mujtahid waxa ay intaas ku dartay in qorshaha ay qeyb ka tahay xir xiridda boqolaal wadaado diimeed ah, waxbixinta intaas waxa ay raacisay in Bin Salmaan uu aad ugu faraxsanaa fulinta qorshaha sababo la xiriira ballantii Israel ee ahayd in ay ka caawin doonto sidii ay Trump uga dhaadhicin lahayd in uu ku garab istaago rabitaankiisa ah I uu noqdo boroqka Sucuudi Careebiya.

Warbixinta Twitter-ka waxa ay intaas raacisay in qorshaha la fuliyey iyada oo ku dartay “Adeegsiga baraha bulshada si bulshada looga horkeeno guud ahaan Islaam-ka iyo gaar ahaan siyaasadda Islaamka iyo in ay ogolaadaan in Israel tahay  dowlad walaal ah.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com