Daacish oo “Dilal ka fulisay MUQDISHO iyo Afgooye”

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda khilaafada islaamiga ee Daacish ayaa sheegatay inay ka danbeysay falal khaarijin ah oo ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Warbaahinta Daacish ee Acmaaq ayaa shaacisay in shalay ay isgoyska Black Sea ciidamadeeda toogasho ku dileen askari ka tirsan ciidamada canshuurta qaada ee  dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxay sheegteen inay magaalada Afgooye ku dileen Askari ka tirsan Booliska.

Daacish oo marar badan sheegata dilal ka dhaca magaalada Muqdisho iyo Afgooye oo howlgalkooda Koonfurta Soomaaliya u badan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com