Warar been-abuur ah miyaa sababay in Soomaalidu jejibiso tarmuusyadooda?

Gaarisa (Caasimadda Online) – Soomaalida ku xirirta baraha bulshada ayaa si aad ah iskula wadaagayay muuqaallo ay ku burburinayaan tarmuusyada shaaha iyagoo sheegaayo in ay ku jiraan saddex kaniin oo laga qaado cudurka Kansarka iyo cudurro kale oo halis ah.

Dadka qaar ayaa jejibiyay tarmuusyadooda iyagoo muuqaallo iska duubaayo kaddibna soo dhigay baraha bulshada, dadkaasi ayaa badankooda ku nool gobolka Soomaalida ay degto ee waqoyi bari Kenya.

Ka gudub Facebook daabacaad W.Q Abuu Dhammaadka Facebook daabacaadda qore Abuu

Wasirka wasaarada caafimaadka ee Ismaamulka Garissa Axmed Nadir Cumar oo BBC la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin wax cudur ah oo laga qaadaayo tarmuusyada.

Waxa uu sheegay in dadweynaha ay xaq u leyihin inay caafimaadkooda ilaashadaan, balse waxaa uu leeyahay wax walbo oo dalka Kenya soo galaaya baritaan ayaa lagu sameeyaa.

Weriyaha BBC ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa goob joog u ahaa qaar ka mid ah dadka markii ay tarmuusyadooda jabinayeen, waxayna u sheegeen in hadda wixii ka dambeeyo aysan adeegsan doonin tarmuus balse jalmad ama kirli ay isticmaali donaan.

”Waxaan arkay gabdho deriskeyga ah oo tarmuusyadooda jabiyay oo sheegaya in ay ku arkeen saddex kaniin oo cudurka kansarka laga qaado, aniga keyga hadda ayaan jabin rabaa oo waxaan fiirin rabaa waxa ku jiro, saaka shaah kuma shubanin” sidaasi waxaa tiri Xariiro Xassan oo magaalada Garisso ku nool.

Dadka ku nool deegaanadaas ayaa sheegaya in ula jeedada flaska loo soo geliyay kaniiniga ay tahay in “iyaga lagu laayo”, waxayna ku doodayaan in cudurka Kansarka uusan xilliyadii hore jirin oo haddana soo batay.

Xariiro Xassan ayaa sheegtay in wiilkeeda yar uu saaka ku yiri ” Hooyo wixii hadda ka dambeeyo, shaaha waan iska dhaafayaa, subixii canjeerada waxaan ku cabi doonaa biyo”.

Hadda dadka qaar ayaa baraha buulshada soo dhigaaya sawirro muujinaayo iyagoo shaaha ka shubanaaya jalmad ama kirli.

Si kastaba ha’ahaatee, wasiirka wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Garissa ayaa ku baaqaya in ay dadka is dajiyaan madaama uusan waxaasi oo dhan waxbo ka jirin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com