ONLF oo war kasoo saartay sii daynta Qalbi Dhagax iyo arrin ay hoggaamin karto

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo ay bishii August ee sannadkii hore dawladda Soomaaliya u gacan gelisay dawladda Ethiopia ayaa iminka laga sii daayey xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Deysmada Qalbi-dhagax kadib Ururka la magacbaxay xaq u dirirka ONLF ayaa war cad kasoo saaray sii deynta Sarkaalka C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo ah Afhayeenka Ururka ONLF oo la hadlay Idaacada VOA-da ayaa wuxuu sheegay in C/kariin uu ahaa siyaasi u xirnaa Ethiopia.

Afhayeenka waxa uu sheegay in Qalbi dhagax hada  uusan u qalmin in kolba meel lagu qariyo, muhiimna ay tahay in xoriyad dhameystiran la siiyo marba haddii la sii daayay.

Afhayeenka Ururka ONLF, waxa uu sheegay in xaalada Qalbi dhagax ay tahay mid iska caadi ah isla markaana deysmadiisa 20 maalin ka hor laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad.

Waxa uu tilmaamay in mudada uu ku jiray xaafada uu u dhexeeyay maxbuus iyo nin xoriyad heystay, hase yeeshee iminka uu helay xoriyad buuxda.

Waxa uu carab dhabay in deysmada Qalbi dhagax ay horseedi doonto isku soo dhawaanshi labada dhinac, maadaama Xukuumada hadda jirta ay dhab ka tahay isbedel muuqda.

Nuqul kamid ah haddalka afhayeenka ayaa ahaa “C/kariin wuxuu ahaa siyaasi u xirnaa dowladda Itoobiya, in odayaal uu magan u ahaado ma ahan, in sii deyn iyo heyn uu u dhaxeeyo arrimahaasi waa wax ka baxsan nidaamka maxaabiista, labaatan maallmood kahor ayaa laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, C/kariin waa inuu helaa xoriyadiisa siyaasiga ah.”

‘’Sii deyntiisa aad ayaan usoo dhaweyneynaa waxa ay meesha ka saari kartaa culeusyo badan oo markii hore jiray’’

Afhayeenka waxa uu sheegay inay doonayaan in Qalbi dhagax la geeyo meel uu ammaan ku helayo oo reerkiisa uu waqti kula qaadan karo.

Waxa uu intaa raaciyay inaanay markale dooneyn in Qalbi dhagax uu ku laabto Soomaaliya oo uu tilmaamay in markii horeba ay iibsatay dowladda.

Sidoo kale, arrinta sii deynta Qalbi dhagax ayaa aad u saameeyay baraha bulshada kadib markii lasoo dhigay sawirada C/kariin oo ku labisnaa dhar cusub oo la taagan dad odayaal ah oo ehelkiisa ah.

Dhinaca kale, Qalbi dhagax ayaa shacbiyad weyn ku dhex leh Soomaalida oo kaalin weyn ka qaadatay siideyntiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com