XOG: Xaguu Qalbi-Dhagax ku wajahan yahay kadib sii-daysmadiisa xabsiga?

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah saraakiisha Jabhada ONLF, islamarkaana mudo hal sano ku dhow ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka Itoobiya kadib markii dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay, ayaa shalay la sii daayey.

Warar aan helnay waxa ay sheegayaan in Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax uu dhawaan uu aadi doono dalka Kenya kadib markii ay magangelyo siisay dowladda Kenya, islamarkaana halkaas uu ku noolaan doono.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ujeedada ugu weyn ee Qalbi-Dhagax uu u tagayo Kenya ay tahay inuu soo arko qoyskiisa, ayada oo xaas iyo caruurr ay ka joogaan magaalada Nairobi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Qalbi-Dhagax uu warbaahinta la hadli doono, islamarkaana uu bixin doono xog badan oo ku saabsan xarigiisa iyo sii deysmadiisa.

Arrinta sida aadka ah looga sugayo Qalbu-Dhagax ayaa ah inuu shaaca ka qaado qaabkii loogu gacan geliyey Ethiopia, iyo qaabka dowladda Ethiopia ay kusii daysay, iyo kaalimihii ay dowladda federaalka ah ku lahayd labada dhacdo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com