Orodyahan Mo Farah oo xil looga dhiibay dalka Jabuuti

London (Caasimadda Online) – Maxamed Faarah oo loo yaqaano (Mo Farah) ayey dowladda Jabuuti u magacowday Safiirkooda Maamulka Dekeddaha iyo aagga xorta ah (DPFZA).

Dowladda Jabuuti ayaa dib u qaabeyn ballaaran ku sameyneysa hanaankeeda ayaa marso taariikhi ah u rogtay degmo ganacsi, xafladii arintaas lagu maamuusayay ayey uga dhawaaqeen magacaabista Mo Farah.

Waxaan ku faraxsanahay inuu nagala soo qeyb galo Mo Farah xaflada lagu daah furayo dib u cusbooneysiinta Dekeda Jabuuti. DPFZA waxay ku faraxsan tahay in Sir Mo uu noqdo safiirkeenna, waxaana rajeyneynaa inaan iska kaashanno mashaariicda mustaqbalka” ayaa lagu soo qoray twitter-ka.

“Cilaaqaadka Jabuuti iyo Mudane Mo Faarax waa mid qoto dheer, waxaan ku faaneynaa in aan si wadajir ah uga shaqeyno si aan u soo bandhigno awoodaha aan la shaacin ee qaaradda Afrika” ayaa la raaciyay.

Ciyaariyahankaan dunida rikoorada ka dhigay ayaa ku dhashay Gabiley oo ka tirsan dhulka Somaliland, waxaana la ogyahay iney Jabuuti kula tartanto dhanka dekeddaha, taasna waa sheeko xiiso leh.

Ismaaciil Cumar Geelle oo qudbad laga siiyay furitaanka munaasabadda ayaa sheegay iney dowladiisa bilowday hiigsigooda 2035, wuxuuna doonayaa in dalkiisa noqdo xarun udub dhexaad u ah ganacsiga dunida.