Pompeo iyo Netanyahu oo waxba kama jiraan kasoo qaaday rajo ay Imaaraadka ka lahaayeen Mareykanka

Tel-Aviv (Caasimadda Online) – Mike Pompeo oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayay maanta booqasho uga bilaabatay magaalada Tala’biib ee xarunta u ah maamulka Yahuudda wuxuu halkaas kula kulmay Bin Yamiin Netenyahu Ra’isulwasaaraha Yahuudda iyo wasiirkiisa Difaaca.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa sheegay ka dib kulan uu la yeeshay  Netanyahu in Washington ay ka go’an tahay inay ilaaliso awoodda Militari oo ay Israel ku leedahay Bariga Dhexe.

Pompeo oo shir jaraa’id ay wada qabteen madaxda Yahuudda ayaa shaaciyey in Mareykanka uu marnaba ogolaan karin in dowladaha Bariga Dhexe ku yaal ay awood ahaan ka sare maraan Israa’iil.

“Mowqifka Mareykanka waa mid cad, ma doonayno in Israa’iil dhanka awoodda looga sare maro bariga dhexe” ayuu yiri Mike Pompeo.

Hadalka kasoo yeeray Pompeo ayaa la rumeysan yahay inuu jawaab u yahay hadalhaynta ah in Washington ay hub casri ah ka iibin doonto Imaaraatka Carabta.

Dhankiisa, Netanyahu ayaa sheegay in aysan wax xiriir ah ka dhaxeeyn dayuuradaha dagaalka ee F-35 ee uu Mareykanka ka iibinayo Imaaraadka Carabta iyo heshiiskii ay Imaaraadka ku ogolaatay inay Israa’iil u aqoonsato wadan.

” Heshiiska aan la galnay UAE kuma jirin ogolaashaha Israel ee heshiis hub, heshiiska noocaan oo kale ah waa mid laga yaabo in la tixgeliyo, Laakiin diidmadeeda ku aadan arrintaan waa mid aan marnaba is badalin” ayuu yiri Netanyahu oo uu muuqday inuu meesha ka saarayo in Mareykanka uu hub casri ah ka iibinayo Imaaraadka Carabta, isagoo sii raaciyey inuusan isaga ka war qabin heshiis noocaas ah oo dhex maray Mareykanka iyo UAE.

Pompeo ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka uu dadaal badan ku bixinayo sidii loo diyaarin lahaa wadamo badan oo Muslimiin ah oo xiriir diblomaasiyadeed la yeesho Israa’iil kadib xiriirkii dhex maray Imaaraadka iyo Israa’iil.

Ugu dambeyntii Pompeo ayaa la filayaa inuu safarka Israa’iil kadib uu tago wadamo badan oo Carbeed sida Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Suudaan si uu uga mahad celiyo xiriirka ay la yeesheen Yahuuda, sidoo kalana waxaa la filayaa inuu dowladahaas kala hadlo sidii wadamada kale ee Islaamka ah ay u aqoonsan lahaayeen Israa’iil.

Boqorka dowladda Baxrayn iyo dhaxal sugaha wadankaas ayuu kulamo laqaadan doonaa, xukuumadda Suudaan ayaa iyana dhowaan sheegtay in ay cilaaqaad lasamaysan doonto Yahuudda si dhaqaale uga hesho Mareykanka.