24.9 C
Mogadishu
Saturday, July 5, 2025

Maamulka G/Banaadir oo soo saaray go’aano culus

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saarayo go’aano adag oo ku socdo dugsiyada Waxbarashada ee ku yaalo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa lagu amray dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee ku yaalo Muqdisho inay iska diiwaan geliyaan xafiiska agaasinta waxbarashada ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Dugsiyada ayaa lagu amray inay isticmaalaan hab maamulka xogta iyo tirakoobka “EMIS” oo lagu keydiyo Xogta Ardayda, Macalimiinta iyo Shaqaalaha Dugsiyada.

Dugsiyada ayaa sidoo kale lagu amray inay si wadajir ah u fuliyaan una isticmaalaan manjadka 1-aad illaa 12-aad ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Soomaaliya iyadoo la fulinayo go’aanada kasoo baxay Wasaaradda.

Qodobka 7-aad ee qoraalka kasoo baxay Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in arday kasta oo doonayo inuu dugsi ka badasho ay lagama maarmaan tahay inuu codsi usoo gudbisto xafiiska Agaasinta waxbarashada ee Gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso amarka ku socda Dugsiyada Gobolka Banaadir

 

- Advertisement -

Read more

Local News