‘Farmaajo wuxuu raadina ra’isul wasaare madax uga noqda ololaha doorashadiisa’

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa raadinaya qof madax uga noqda ololahiisa doorashada sida uu qabo Xuseen Macalin Maxamuud oo mar lataliye kasoo noqday Villa Soomaaliya.

Xuseen Macalin Maxamuud oo hadda ah madaxa Hay’adda Cilmi baarista Hiraal, si dhawna ula soo shaqeeyay madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhawaajiyay in madaxweynaha uu dadka ka dhex raadinayo qof uu ra’isul wasaare ka dhigto balse madax uga noqday ololahiisa doorashada marka la gaaro waqtigeeda.

“Madaxweyne musharax Madaxweyne Farmaajo wuxuu bil dhan raadinayaa maamulaha ololahiisa doorashada uu title-ka ra’isul wasaare u huwin lahaa” ayuu war qoraal ah ku yiri Xuseen Macalin.

Sidoo kale wuxuu talo guud siiyay musharaxiinta sugaya in loo magacaabo xilka ra’isul wasaaraha, isagoo u sheegay iney CV-gooda ku darsadaan khibradda ay u leeyahiin ololaha siyaasadda si ay u muuqato inta ay xilka u qalmaan.

Waxaa dhammaad ku dhow waqtiga 30-ka maalmood ah ee uu madaxweyne Farmaajo siinayo dastuurka si uu usoo magacaabo ra’iisul wasaaraha dalka, balse illaa hadda ma muuqato in lagu soo magacaabi doono mudaddaas.

Madaxweynaha Soomaaliya oo haatan magacaabdida ay ku qaadatay muddo 29 cisho ah ayaa laga yaabaa inuu baarlamanka weydiisto waqti dheer ah, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha ayaa qorsheynaya inuu ra’iisul wasaaraha magacaabo marka heshiis buuxa laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka. Inkasta oo heshiis lagu soo gaaray shirkii Dhuusamareeb 3, haddana waxaa weli heshiiskaas qeyb ka ahayn Puntland iyo Jubaland.

Ma cadda sababta uu madaxweynaha magacaabista ra’iisul wasaaraha ula sugayo arrimaha doorashooyinka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay tahay isku day uu ku xaqiijinayo in ra’iisul wasaaraha cusub aanu wax kaalin ah ku yeelan go’aan ka gaarista arrimaha doorashooyinka.