Kulan xasaasi ah oo hadda Muqdisho uga socda Xasan Sheekh iyo Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhaxeeya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha hey’adda Nabad sugidda Fahad Yaasiin ayaa hadda ka socda hoyga Xasan Sheekh uu ka deganyahay Muqdiaho.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in kulankan uu soo bilowday galabta makhrinimadii, kadib markii Fahad Yaasiin uu madaxweynaha ugu tegay hoygiisa.

Sidoo kale wararku waxay intaas ku darayaan in labada masuul ay ka wadahadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka.

Kulanka Xasan Sheekh iyo Fahad Yaasiin ayaa ku soo aadaya iyadoo saacado kooban ay madaxweyne Farmaajo uga harsantahay mudada 30-ka cisho ah ee dastuurku u ogolaanayo in uu Ra’iisul wasaare ku soo magacaabo.

Fahad ayaa la aaminsanyahay in uu talo ku leeyahay soo magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusub, waxaana si rasmi ah loo ogeyn in kulankooda uu ku qotomo la tashiyo la xariira soo magacaabidda ra’iisul wasaare cusub.