Rajadii 13-ka kursi ee gobolka Banaadir ‘oo u muuqata inay meesha ka baxday ‘

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka, kana mid ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hadlay ‘balan uu sheegay inuu madaxweyne Farmaajo uga baxay dadka gobolka Banaadir’.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa sheegay in Farmaajo uu balan ka baxaasi ku cadeeyay shirkii dhawaan lagu soo afmeeray magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo lagu gaaray go’aamo aan loo dhameyn.

Cosoble ayaa ku doodaya in madaxweynaha aysan dhab ka aheyn xuquuqdii uu sheegayay inuu u raadinayo gobolka Banaadir, isla markaana uu balan uga baxay shacabka, maadaama uu weli saxiixi la’yahay 13-ka kursi ee gobolka loo ogolaaday.

“Maqaamka gobolka Banaadir haddii ay dhab kaa tahay (madaxweyne)  waxaad kusoo dari laheyd heshiiiskii doorashada Dhuusamareeb oo adiga aad diyaarastay. Waxaa muuqata inaysan daacad kaa aheyn dhabna kaa aheyn xuquuqda gobolka Banaadir ee aqalka sarre” ayuu yiri.

Xildhibaankan oo kamid ah mudaneyaashii sida weyn ugu ololeynayay in 13-kursi aqalka sarre laga siiyo gobolka Banaadir ayaa madaxweynaha ku eedeyey inuu ka been sheegay balantiisi.

“Maxaa yeelay ilaa hadda sharcigii golaha shacabka ansixiyey miiskaada ayuu saaran yahay, waana saxiixi la’dahay” ayuu sidoo kale yiri Xildhibaanku.

Ugu dambeyntiina waxa uu xildhibaanku ugu baaqay Farmaajo inuu ka run sheego oo uu fuliyo balankii uu u qaaday dadka gobolka Banaadir, kaasi oo ku saleysnaa sidii ay dadkaasi xuquuqdooda u heli lahaayeen.