Xog: Arrinta ay qorsheynayaan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo uu si weyn ugu soo dhaweeyay dhigiisa Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa shir xasaasiya wada-yeelanaya, kaasi oo diirada lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xog ay helayso Caasimada Online, ayaa sidoo kale sheegaysa in labada madaxweyne ay qorsheynayaan sidii ay gor-gortan ula gali lahaayeen xubnaha Beesha Caalamka ee ku cadaadinaya aqbalidda heshiiskii dhawaan kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb-3.

Shirkaasi oo ay qaadaceen labada madaxweyne ayaa waxa laga soo saaray go’aamo laga gaaray Nooca doorasho ee dalka ka qabsoomeysa, taasi oo muddooyinkii dambe jahwareer siyaasadeed dhalisay.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa hore uga wada socday qaadacaadii ay ku sameeyen shirkii Dhuusamareeb-3, iyagoona ganafka ku dhuftay 17-kii qodob ee laga soo saaray shirkaasi.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa inay soo saaran war-saxaafadeed ay ku shaacinayaan shuruudo cusub oo ay ku aqbali karaan heshiiskii ay wada saxiixeen Madaxweynaha DFS, Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho.

Waxaana la filayaa in kulamada labada madaxweyne ay qeyb ka noqdaan wafdi ka socda beesha caalamka oo lagu wado inay tagaan magaalada Garoowe, si ay madaxdaasi ugula hadlaan cabashada ay ka qabaan arrimaha doorashooyinka iyo weliba shirarkii wada-tashi.