CC Shakuur oo lagu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey xildhibaano, wasiiro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Dhuusamareeb.

U jeedka socdaalka hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa la xiriira kulamo uu la qaadan doono madaxda sare ee Galmudug iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bushada.

Sidoo kale wuxuu booqan doonaa deegaanada maamulkaasi, sida magaalada Guriceel oo degmooyin kale oo ku yaalla Galmudug.

Safarka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku soo aadayaa, xilli todobaadkii la soo dhaafay Dhuusamareeb lagu soo gaba-gabeeyey wejiga saddexaad shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee dhaceysa.

Si kastaba ha’ahaatee siyaasigan oo mucaarad ku ah dowladda federaalka ayaa soo dhoweeyey heshiiskii Dhuusamareeb, balse wuxuu ka diga dib u dhaca doorashada.