Riyadh (Caasimada Online) – Wadamada Khaliijka waxay aaminsan yihiin in ay jiraan laba guuldarrayste oo ka dhashay iska horimaadka u dhexeeya Israel iyo Iran, sida ay falanqeeyayaal iyo mas’uuliyiin Carbeed u sheegeen shabakadda Middle East Eye.
Hoggaamiyeyaasha dalalka Khaliijka ee hodanka ku ah tamarta, oo si dirqi ah uga badbaaday iska horimaadyadii dhacay iyagoon wax khasaare weyn ah la kulmin, ayaa hadda waxay u muuqdaan inay diyaar u yihiin inay ka faa’iideystaan fursadaha cusub ee ay heleen marka loo eego Israel iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
In la arko qiiqa ka baxaya Tehran waxay isbeddel ku ahayd hoggaamiyeyaasha Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo dhawr sano ka hor uun iska difaacayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo gantaallo ay ku soo tuurayeen xulafada Iran ee Xuutiyiinta Yemen.
Diyaaradaha dagaalka ee Israel waxay si sahal ah u jebiyeen difaaca hawada ee daciifka ahaa ee Iran. Waxaa la dilay jeneraallo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (Islamic Revolutionary Guard Corps), waxaana la burburiyay gantaallada ballistic-ga ah iyo warshado hubka sameeya. Dagaalka ayaa ugu dambeyntii horseeday in Mareykanku uu duqeeyo xarumaha Nukliyeerka Iran ee Fordow, Natanz iyo Isfahan.
Saddex mas’uul oo Carbeed ayaa u sheegay Middle East Eye in dhinacaas uu yahay kan ay mas’uuliyiinta Mareykanka iyo Israel ku adkeynayaan marka ay ka hadlayaan colaadda.
Laakiin markii ugu horreysay muddo fac ka badan, hoggaamiyeyaasha Carabta waxay fursad u heleen inay arkaan sida ay Israel ula tacaali karto ciidan rasmi ah.
Xadgudubkii Israel oo la joojiyay
“Reer Israel waxay muujiyeen niyad adag oo ay ku taageerayaan ciidankooda… Geesiyaal ayey ahaayeen. Si kastaba ha ahaatee, awoodda gudaha ee Israel ma xamili karin wax ka badan laba toddobaad oo gantaallo lagu garaacayay,” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta Carabta oo Middle East Eye la wadaagayay qiimeyn dagaal oo lagu sameeyay mid ka mid ah caasimadaha waa weyn ee Carabta.
Middle East Eye waxay maqaalkan awgiis ula hadashay mas’uuliyiin matalayay saddex caasimadood oo Carbeed. Dhammaantood waxay sheegeen in falanqeynta ka socota xarumaha awoodda ee dalalkooda ay tahay in Israel ay ahayd tii ugu horreysay ee muujisay inay diyaar u tahay xabbad-joojin, ka dib markii ay dhamaystirtay liiskii bartilmaameedyadeeda militari ayna aragtay in Jamhuuriyadda Islaamiga ahi aysan qarka u saarnayn burbur.
“Benjamin Netanyahu wuxuu ku jiray xaalad guul ah ilaa hadda,” ayuu yiri Bader al-Saif, oo bare ka ah Jaamacadda Kuwait oo la hadlay Middle East Eye. “Dabcan, Israel waxay muujisay awood militari oo ay kaga sarraysay hawada Iran. Laakiin Iran waxay joojisay horusocodkii Israel wayna ka jawaabtay. Sawirkii ahaa Israel aan la jabin karin ee leh difaac hawo oo aan cillad lahayn ayaa burburay.”
Fikradan ah in Israel ay nugushahay ayaa muhiim u ah in la fahmo sida ay xulafada Carabta ee Mareykanku ula macaamili doonaan Israel mustaqbalka, sida ay khubaradu sheegeen. Waxay siin kartaa saameyn dheeraad ah oo ay ku yeeshaan Israel, oo ay ku jiraan dalalkii xiriirka la caadiyeeyay sannadkii 2020-kii ee hoos yimaada Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords).
Si la mid ah waa Tehran, sida ay mas’uuliyiinta Carabtu u sheegeen Middle East Eye. Waxay filayaan in hoggaamiyeyaasha Khaliijku ay maalgelin u fidin doonaan Tehran, mana saarayaan suurta-galnimada booqashooyin heer sare ah bilihii soo socda.
Bishii Abriil, wasiirka difaaca ee Sacuudi Carabiya, ahna walaalka Dhaxal-sugaha Mohammed bin Salman, ayaa booqasho ku tagay Tehran.
Inkastoo uu sheegay in barnaamijka Nukliyeerka ee Iran “si buuxda loo burburiyey,” Madaxweyne Donald Trump wuxuu sheegay in maamulkiisu uu dib u bilaabi doono wada-hadallada Iran. Dhankeeda, Iran waxay sheegtay in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu soo gaaray “khasaare ba’an.”
Si kastaba ha ahaatee, dalalka Khaliijku waxay taageereen wada-hadallada Nukliyeerka, waxaana laga yaabaa in saameynta ay ku leeyihiin Tehran ay hadda sii kororto, sida ay mas’uuliyiinta Carabtu u sheegeen Middle East Eye.
“Khaliijka waa laga dhageystaa Washington. Ugu dambeyntii, taasi waa awoodda weyn ee ay ku leeyihiin Iran – inay Trump taleefan ku soo wacaan saq dhexe oo uu ka qabto,” ayuu yiri mid ka mid ah diblomaasiyiinta Carabta oo la hadlay Middle East Eye.
Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Sacuudi Carabiya waxay heshiisyo boqolaal bilyan oo dollar ah la galeen Mareykanka markii uu Trump booqday gobolka bishii Maajo. Waqtigaas, waxay u muuqdeen inay heleen tanaasulaad. Sida ay Middle East Eye kashiftay, cadaadis kaga yimid Sacuudiga awgiis, Trump wuxuu joojiyay weerarradii Mareykanka ee ka dhanka ahaa Xuutiyiinta Yemen. Wuxuu sidoo kale cunaqabataynta ka qaaday Suuriya.
Dalalka Khaliijku may awoodin inay joojiyaan weerarkii Israel ee Iran. In muddo ah, xaaladdu waxay u muuqatay mid halis ah.
Inkastoo Imaaraadka, Sacuudiga iyo Qatar ay leeyihiin kala-horayn kala duwan, khubaradu waxay sheegeen in midkoodna uusan doonayn in Mareykanku si toos ah ugu biiro duullaanka Israel.
Ugu dambeyntii, dhammaan mas’uuliyiintii Carbeed ee la hadashay Middle East Eye waxay ku tilmaameen duqeyntii Mareykanka ee xarumaha Nukliyeerka ee Iran mid “xaddidan” ama “aad u yar.”
Middle East Eye waxay hore u soo warisay in weerarkii aargoosiga ahaa ee Iran ay ku qaadday saldhigga ciidan ee al-Udeid ee Qatar si wanaagsan horay loogala kaashaday dalalka Khaliijka.
“Xiisaddani waxay si dhab ah kor ugu qaadday hoggaanka dalalka Khaliijka,” ayuu yiri Ayham Kamel, oo ah madaxweynaha Bariga Dhexe ee Edelman Public and Government Affairs, oo la hadlay Middle East Eye.
“Waxay awoodeen inay ciyaaraan door diblomaasiyadeed oo daaha gadaashiisa ah ayna ka fogaadaan weerar kasta oo weyn oo dhulkooda lagu soo qaado. Waxay iskaashigooda u maareeyeen si ay u wada koobaan dalalka muhiimka ah ee gobolka ballaaran, gaar ahaan Iran, Turkiga iyo Israel,” ayuu raaciyay.
Dareen loo hayo Iran?
Sannado badan, Mareykanku wuxuu isku dayay inuu dalalka Khaliijka ku qanciyo inay isbahaysi la galaan Israel si ay uga hortagaan Iran.
Markii ay Xisbullah-da Lubnaan awoodda lahayd, Bashar al-Assad uu Suuriya xukumayay, Xuutiyiintuna ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerarayeen Sacuudi Carabiya – soo jeedintaasi waxay ahayd mid soo jiidasho leh. Waxay gaartay heerkii ugu sarreeyay ka hor weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023-kii ee koonfurta Israel, markaasoo Taliska Dhexe ee Ciidanka Mareykanka (U.S. Central Command) uu isku dayay inuu abuuro “NATO-da Bariga Dhexe” oo isku xiraya difaaca hawada ee Israel, dalalka Khaliijka iyo Masar.
Laakiin markii ay Israel iyo Iran isku dhaceen, halkii ay kaga biiri lahaayeen duullaanka Israel, xulafada Carabta ee Mareykanka waxay cadaadis ku saareen Trump inuu joojiyo dagaalka.
Israel iyo Iran waxay si toos ah rasaas isku weydaarsadeen laba jeer sannadkii 2024. Mareykanku wuxuu helay xoogaa taageero ah oo Sacuudiga iyo Qatar ay siiyeen difaaca Israel sannadkii hore. Laakiin Iran waxay markaas si habaysan u soo abaabushay duqeymaheedii gantaallada.
Wareeggan wuxuu ahaa dagaalkii ugu horreeyay ee fool-ka-fool ah oo aan waxba la isku reebin, iyadoo diyaaradaha Israel ay garaaceen Tehran, Iran-na ay duqeysay magaalooyinka waaweyn sida Tel Aviv iyo Haifa.
Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga dhammaantood waxay cambaareeyeen weerarkii Israel ee Iran. Qatar taariikh ahaan waxay xiriir dhow la lahayd Jamhuuriyadda Islaamiga ah, qayb ahaan sababtoo ah waxay wadaagaan keydka gaaska dabiiciga ah ee ugu weyn adduunka.
Laakiin colaaddan waxay keentay in Imaaraadka iyo Sacuudigu ay si fagaare ah iyo si qarsoodi ahba ugu ololeeyaan xabbad-joojin, sida ay laba mas’uul oo Carbeed u sheegeen Middle East Eye.
“Mas’uuliyiinta Mareykanka iyo Israel waxaa laga yaabaa inaysan fileyn sida dhabta ah ee Khaliijku uga go’an tahay xiisad-dajinta. Hadda way ogyihiin. Sacuudi Carabiya ayaa liiskaas ugu sarreeya,” ayuu yiri Patrick Theros, oo ah diblomaasi hore oo Mareykan ah oo danjire ka soo noqday Qatar iyo mas’uul sare oo Imaaraadka ka soo shaqeeyay, oo la hadlay Middle East Eye.
“Hadda, xitaa dadka talada haya, oo ay ku jirto Sacuudi Carabiya, waxaa jira dareen loo hayo Iran oo ka badan kii jiray muddo dheer,” ayuu yiri Theros.
Waqti aan sidaas u fogeyn, Israel waxaa laga yaabaa inay ku qancin lahayd Sacuudiga inuu ku biiro weerarkeeda. Sannadkii 2018, Dhaxal-sugaha Mohammed bin Salman wuxuu Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ku barbar dhigay Hitler wuxuuna sheegay inuu isku dayayo “inuu qabsado adduunka.”
Kadib, Sacuudi Carabiya waxay ku mashquushay la dagaallanka xulafada Iran ee Yemen. Sannadkii 2019, waxaa la weeraray laba xarumood oo saliidda ah oo Sacuudigu leeyahay. Waqtigaas, Madaxweyne Trump wuu iska indha tiray weerarkaas, oo ka yimid dhinaca Iran. Sannadihii xigay, Sacuudi Carabiya waxay u dhaqaaqday inay hagaajiso xiriirka ay la leedahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Sannadkii 2023, Shiinuhu wuxuu dhex-dhexaadiyay heshiis isu-soo-dhowaansho ah oo dhexmaray Riyadh iyo Tehran. Tani waxay u shaqeysay cid walba intii uu dagaalku socday. Marinka Hormuz, oo Shiinuhu uu ugu tiirsan yahay shixnadaha saliidda, wuxuu ahaaday mid furan. Dhoofinta saliidda Iran ayaa kor u kacday inkastoo ay jireen weerarro Israel, xarumihii saliidda ee Sacudigana way nabad galeen.
“Khaliijku maanta ma joogo halkii uu joogay 2019,” ayuu yiri Saif, oo ka tirsan Jaamacadda Kuwait, oo la hadlay Middle East Eye. “Annaga [Khaliijka] waxaan dareemeynaa in go’aankeenu uu sax ahaa markii aanan ku biirin dagaalka.”
Xabbad-joojinta Gaza iyo caadiyaynta xiriirka
Diiradda ugu weyn ee dalalka Khaliijku waa inay yareeyaan ku tiirsanaanta dhaqaalahooda ee dakhliga saliidda. Sacuudi Carabiya waxay hirgelisay isbeddello bulsho oo xorriyad ah waxayna waddaa ajandaha hamiga leh ee Himilada 2030 (Vision 2030) oo ay ku jirto dalxiis qaali ah oo Badda Cas ah. Riyadh iyo Abu Dhabi labaduba waxay doonayaan inay dhisaan xarumo xogeed oo ku shaqeeya sirdoonka macmalka ah (AI).
Hal arrin oo la iska indha tiray oo isbeddelka qayb ka ah, sida uu Theros u sheegay Middle East Eye, ayaa ah in xiisadihii mad-habiga ahaa ee hurin jiray loollanka u dhexeeya Sacuudiga iyo Iran ee saamaynta gobolka sida Yemen iyo Suuriya ay yaraadeen, iyadoo Dhaxal-sugaha Mohammed bin Salman uu wado isbeddello bulsho oo casriyeyn ah.
“Hadda oo uu Mohammed Bin Salman uu Sacuudiga ka fogeeyay aragtidii Wahaabiyada, hadalladii culimada ee ka dhanka ahaa Shiicada waa la xakameeyay,” ayuu yiri Theros. “Taasina waxay ku adkeyneysaa Israel inay Sacuudiga soo raaciso.”
Haddii ay wax jiraan, ra’yiga dadweynaha Khaliijka ayaa si xun uga soo horjeestay Israel dagaalkeedii Gaza, halkaasoo lagu dilay in ka badan 56,000 oo Falastiiniyiin ah. Ra’yi ururin uu soo saaray Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga dhow (The Washington Institute for Near East Policy) bilihii ugu horreeyay ee dagaalka Gaza ayaa muujisay in 96 boqolkiiba dadka Sacuudi Carabiya ay ka soo horjeedaan caadiyaynta xiriirka Israel.
Trump wuxuu Arbacadii muujiyay inuu doonayo inuu xabbad-joojintiisa jilicsan ee u dhaxaysa Israel iyo Iran uu ku ballaariyo Gaza, halkaasoo uu sheegay in “horumar weyn laga sameynayo” si loo soo afjaro dagaalka.
Soo afjaridda colaaddaas ayaa shardi u ah wada-hadal kasta oo ku saabsan caadiyaynta xiriirka u dhexeeya Sacuudiga iyo Israel. Cadaadis Sacuudiga kaga yimid awgiis, Trump wuxuu ka fogaaday inuu boqortooyada ku cadaadiyo inay heshiis la gasho Israel intii uu booqanayay Riyadh bishii Maajo, laakiin wuxuu Sacuudiga ku yiri, “sharaf weyn ayaad ii samayn doontaan” haddii aad sidaas yeeshaan.
Sacuudi Carabiya waxay sheegtay inay u baahan tahay inay aragto Israel oo qaadaysa tallaabooyin aan laga noqon karin oo lagu aadayo dawlad Falastiini ah si loo caadiyeeyo xiriirka. Diblomaasiyiintu waxay sheegayaan in dagaalkii Israel iyo Iran ka dib, qiimaha uu Sacuudigu dalban doono uu sii kordhayo.
“Sacuudi Carabiya si fiican ayey u dareensan tahay halka ay shacabka Carabtu u socdaan,” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta Carabta oo la hadlay Middle East Eye. “Waxay ku adkaysan doontaa wax dhab ah.”