26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabadii ay qaadeen mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabadii ay xalay qaadeen xubnaha mucaaradka oo bayaan ay soo saareen uga hadlay muranada dhulalka ee ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan barakicinta dhulalka danta guud.

Qoraalka oo ay si wadajir usoo saareen Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa digniin culus loogu diray ganacstada “sida sharcidarrada ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in ay ku kadsoomaan milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda,” sida loo dhigay qoraalkaan.

Saddexda nin ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay wax ay ugu yeereen “booli qaran” oo hantida danta guud ah.

“Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Haddaba sidee looga fal-celiyay?

Cali Malaas ayaa yiri “Ganacsato inta aad faa’iido doonaysaan dalkiinna bur bur ha u horseedina”.

Xasan Xaaji Cadow “Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed dalka amni iyo cadaalad ayuu baahi daran ugu qabaa waxaa aaminsanahay in talada dalkaan adiga ku baahantahay , si aan yoolkaas u gaarno”.

Siyaad Maxamed Dool ayaa isna ku jawaabay “Waa muhiim in la difaaco hantida shacabka”.

Cabdullaahi Barakaad “Waaa cawaaqib xumo ka dhalan karto milkilaha beentaa iyo dowlada Soomaaliya 2026”.

Bulxan Goley “War caano daatay dabadood baa la qabtaa ee bal dhulka danta guud halaga gaaro”.

AMNESTY oo Israel ku eedeysay inay ku kacday xasuuq daran

London (Caasimada Online) – Warbixin ay maanta soo saartay Hey’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa waxay ku eedeysay Isra’il in ay xasuuq u geysatay dadka reer Falastiin ee ku nool Marinka Gaza.

Kooxdan xuquuqda aadanaha ee xaruntoodu tahay London ayaa sheegay in gabagaba warbixintoodu ay ku saleeyeen, kaddib bilooyin ay falan-qeynayeen dhacdooyinka Gaza iyo hadallada saraakiisha dowladda Isra’il.

Warbixinta ayaa ku eedeysay Isra’il in ay si ula kac ah u burburineyso Falastiiniyiinta iyada oo adeegsaneyso weeraro lagu hoobtay, burburin ay u geysaneyso kaabayaasha muhiimka ah ee Gaza, iyo in ay si ula kac ah u hor istaageyso in Gaza la geeyo cunto, dawo iyo agabyada kale ee aasaasiga ah.

Amnesty waxay sheegtay in xadka sharciga ah ee lagu qeexo danbiyada xasuuqa la gaaray muddada inta uu socday dagaalka wali ka taagan Gaza.

Israa’iil ayaa si joogto ah u diiday eedaymo kasta oo xasuuq ah, iyadoo sheegtay inay ixtiraamayso sharciga caalamiga ah, ayna xaq u leedahay inay is difaacdo ka dib weerarkii ay Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il todobadi bishi Ocober ee sannadki 2023-ki.

Wali wax jawaab deg deg ah kama aysan bixin saraakiisha Isra’il, warbixinta saakay kasoo baxday Amnesty.

Israa;iil ayaa Gaza ku qaadday dagaal cirka, dhulka iyo badda ah, kaddib weerarki Xamaas ee bilowgi October ee sannadki hore. Weerarkaas ayay Isra’il sheegtay in ay Xamaas ku dishay ilaa 1,200 oo qof, isla markaana afduubtay 250 Isra’iliyiin ah.

Hase yeeshee, duqeymaha cirka ah ee ay Isra’il ka waddo Gaza ayaa la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 45,000 oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

Daawo: Askartii lagu laayay SH/DHEXE oo maanta lagu aasay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta aas loogu sameeyay todobadii askari ee dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii loo beegsaday aano qabiil darteed.

Maydadka askartan oo maalmo yaalay ayaa ugu dambeyn maanta la aasay, kadib markii is-afgarad hordhac laga gaaray kiiskan oo xiisad culus ka abuuray HirShabelle.

Dadaallada lagu gaaray aaska iyo xal u helidda dhacdadan waxaa ku baxay odayaal ka tirsan Beesha Abgaal oo uu hoggaaminayo Imaamka Muddulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ka baxay Muqdisho, kuna sugan magaalada Beledweyne.

Odayaasha Xamar ka tegay ayaa wada-hadallo aan loo kala kicin la yeeshay odayaasha dhaqanka Beesha Xawaadle oo ay ka dhasheen wiilasha lagu laayay Shabeelaha Dhexe, waxayna isku raaceen in marka hore la aaso askarta, kadibna laga war sugo go’aanka dowladda Soomaaliya oo la wareegtay kiiskaasi.

Sidoo kale waxaa Beledweyne ku sugan taliyaha NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku howlan xal u helida dhacdadaan, isaga oo odayaasha ku qanciyay inay arrinta ug dambeeyay dowladda dhexe, maadaama ay la wareegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Dhacdadan ayaa dad badan ay ka xumaadeen, maadaama askar Soomaaliyeed oo ku howlanaaa difaaca qarankooda waddada loo galay, kadibna la laayay.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Wafdi culus oo ka socda TURKIGA oo kusoo wajahan Muqdisho + Qorshaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dalka Turkuga ayaa lagu wadaa inay dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan dhaq-dhaqaaqyo ku aadan sii xoojinta xiriirka labada dowladood.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdigan oo ah mid sare ayaa hordhac u ah safar la filayo in Muqdisho uu ku yimaado madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo isku mari doono Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhowaan ku guuleystay inuu heshiis dhex dhigo labada dal.

Wafdiga ka imaanaya Turkiga ayaa ka shaqeyn doono qaban-qaabada safarka madaxweynahooda oo dhowaan shaaciyay in uu horraanta bishaan ku imaanayo Soomaaliya, sida ay horay u shaacisay dowladda Turkiga.

Sidoo kale wafdiga Turkiga ayaa kulamo hordhac ah a qaadan doono madaxda sare ee dowladda federaalka iyo howlwadeennada ku sugan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo mas’uuliyiinta Turkiga uu soo dirayo ay isla shaqey doonaan guddiga ka imaanaya dowladda federaalka ee soo dhaweynta Erdogan u xilsaaran, waxayna isla dejin doonaan hab maamuuska loo diyaarinayo madaxweynaha.

Dhanka kale,  Recep Tayyip Erdogan ayaa marka uu safar ku yimaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho sidoo kale sii mari doonna magaalada Addis Ababa ee Itoobiya sida uu ku sheegay qoraal uu kol hore soo geliyay Bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo saaxibtinimo, iyada oo haatan Ankara ay Muqdisho ka taageerto dhinacyo muhiim ah, sida bani’aadanimada iyo milatariga, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka iyo qalabeyntooda,.

Si kastaba, Erdogan ayaa safarkiisii ugu horreeyay Soomaaliya ku yimid bishii August ee sanadkii 2011-kii isaga oo ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga, xiligaas oo xaalad adag oo dhanka abaaraha ah ay ka jirtay dalka, Muqdishana ay ku sugaayeen baracakayaal badan.

Tallaabadii ugu horreysay ee Soomaaliya ay qaaday kadib kursiga Golaha Ammaanka

New York (Caasimada Online) – Soomaaliya oo dhowaan xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka QM, ayaa fadhiggii ugu horreeyey ee ay ka qeyb-gasho ugu baaqday Israa’iil inay joojiso dagaalka Gaza, ayna ixtiraamto shuruucda bani’aadannimada iyadoo u oggolaanaysa in gargaarka la gaarsiiyo malaayiin rayid ah oo dhibaataysan ka hor cimilada qabowga. 

Baaqan ayaa waxaa jeediyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan “Baali”, isagoo warbixintii ugu horeysay siiyay Golaha Ammaanka. 

Abuukar ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Golaha Ammaanka yeeshay oo looga hadlayay Gaza iyo Bariga Dhexe, iyadoo xubnaha Goluhu ay warbixin ku saabsan xaaladda dagaalka Gaza ka heleen Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee QM, Volker Türk.

Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalkiisu uu ka walaacsan yahay xaaladda nololeed ee dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta, oo ay dhibaato ka soo gaartay dagaallada iyo macluusha ay Israa’iil ku hayso.

Waxa uu ku booriyay maamulka Israel in ay joojiyaan weerarada ay ku hayaan isbitaallada ayna sameeyaan dadaal dheeri ah si loo xaqiijiyo in gargaarka nafta lagu badbaadiyo uu gaaro dadka rayidka ah ee gaajaysan ee ku nool dhulka la haysto ee Falastiin.

“Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda sii xumaanaysa ee Gaza iyo dhibaatada sii socota ee dadka reer Falastiin, taas oo ay ugu wacan tahay colaadda daba dheeraatay ee hadda socota in ka badan 14 bilood,” ayuu Abuukar Baalle ku yiri warbixintiisa.

Soomaaliya ayaa sheegtay in tirakoobkii ugu dambeeyay ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee Falastiin uu ahaa mid naxdin leh oo 94 boqolkiiba xarumaha caafimaadka ee Gaza ay waxyeello u geysatay ama burburisay Israa’iil, kaliya 17 isbitaal ayaa ka soo haray 36 isbitaal oo shaqeynaya. 

Soomaaliya ayaa sheegtay in Falastiiniyiinta aysan haysan waxyaabaha aas-aasiga u ah nolosha sida cunno, biyo, hoy iyo dawo, taasi oo ay sabab u tahay go’doominta gargaarka ee Israel ay ku hayso Gaza. 

Waxay sheegtay in mid ka mid ah isbitaallada ugu cusub uguna weyn ee la beegsaday uu yahay Kamal Atwan Hospital, oo agaasimihiisa, Dr. Hossam Abu Safiya, ay xireen ciidamada Difaaca Israel.

Soomaaliya ayaa ka digtay in weerarrada joogtada ah ee isbitaallada lagu qaado ay ka dhigan yihiin isir sifeyn lagu sameeyo Falastiiniyiinta. 

“Weerarada si ula kac ah loo geystay Cisbitaalka Kamaal Atwan iyo xarumo kale oo caafimaad iyo shaqaale ayaa ah nooc ka mid ah isir sifeyn iyo ciqaab wadareed oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee Gaza,” ayuu yiri danjiraha Soomaaliya. 

Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, iyadoo sheegtay in dhibaatada Israel iyo Falastiin aan lagu xalin karin qaab ciidan oo kaliya, balse ay ku dhamaan karto oo kaliya in la helo dowlad Falastiiniyiin ah oo ay caasimad u tahay magaalada Qudus, sida ku cad go’aanadii hore ee Golaha Ammaanka. 

Howlgalkan AUSSOM ma ahan sida loo moodo – Cawad oo ka hadlay waxa ay yihiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee la magac baxay AUSSOM ayaa Arbacadii si rasmi ah u howlgalay, waana kan la wareegay hoggaanka ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, inkastoo aan la hubin liiska ugu dambeeya ee dalalka ay ciidamada ka joogayaan Soomaaliya. 

Axmed Ciise Cawad oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo BBC-da la hadlay ayaa ka fallooday waxa howlgalkan AUSSOM uu kaga duwanaan karo kuwii hore iyo waxqabadkoodii.

“Wax badan oo farqi ah uma dhexeeyaan is beddelka, balse anigu waxa aan qabaa in wax badan ay na tareen ciidamada nabad-ilaalinta u jooga dalka marka ay noqoto dagaalka lagula jiro al-Shabaab ilaa wagii ay yimaadeen, muddada dheer ee ay joogeen mas’uuliyaddeeda waxaa iska leh gaabiska dowlad-dhiska Soomaaliya balse iyagu howlihii loo diray wey qabteen,” ayuu yiri Cawad. 

Dhinaca kale Cabdiweli Gurey oo isna ah siyaasi ka fallooda arrimaha Soomaaliya horayna ugusoo tartamay hoggaanka Puntland ayaa isagu qaba aragti taasi ka duwan waxaana uu ka hadlay wixii laga filayay taxanihii hore ee ciidamada nabad ilaalinta.

“Waxa aad mooddaa arrintan taxanaha ah oo soo bilaabatay 2007-dii, in dareenkii dadku rabay ay ka arkaan ama dowladnimada Soomaaliya lasoo celsho, waxa aad mooddaa in arrkinkaas lagu fashilmay oo aysan suura gelin,” ayuu yiri Cabdiweli. 

“Waddamada ka qayb galayay nabad ilaalinta waxa aad mooddaa in ay lahaayeen danahooda gaarka ah, waxyaabihii lalahaa ha qabteen waxa aad mooddaa in aysan wax badan ka qaban sida in la isku dayo in Soomaaliya ay yeelato ciidan isku filan, kuwa hadda cusubna waa la arki doonaa waxa ay falaan,” ayuu sii raaciyay siyaasi Cabdiweli Gurey.

Cawad oo mar kale arrintaasi ka hadlay ayaa yiri, “Ma aha in la isku khaldo mas’uuliyaadka Soomaalida iyo tan caalamiga ah, dabcan dal waliba ciidankiisa isaga ayaa dhista, amni xumaduna waxa ay ka mid tahay dhibaatooyinka siyaasadeed ee ina haysta.” 

Howlgalka ciidamada nabad-ilaalinta ayaa ah mid aan gaarsiineyn guud ahaan dalka, waxaa sidoo kale is weydiin mudan sababta adduunku uusan ugu firfircooneyn maal-gelinta ciidamo Soomaaliyeed. 

Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo DIGNIIN u diray ganacsato arrin halis ah kala shaqeysa madaxda DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen qaar kamid ah hoggaamiyaasha ugu sareeya mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa digniin culus loogu diray ganacstada “sida sharcidarrada ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in ay ku kadsoomaan milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda,” sida loo dhigay qoraalkaan.

Warkaan oo si wadajir ah ay u soo saareen Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ganacsatada uga digay wax ay ugu yeereen “booli qaran” oo hantida danta guud ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedkaan oo dhameystiran:

DIGNIIN KU SOCOTA GANACSATADA DHULKA DANTA GUUD LAGA IIBIYO:

Waxaa xawli ku socda xaraashka dhulkii danta guud ee dowladda, waxaa joogto noqday barakicinta danyarta, ku dul habsiga xarumo waxbarasho iyo kuwo daryeel caafimaad, iyadoo dhulka badankiis si xaraash ah looga iibinayo ganacsato, halka qaar la siiyo qoysas gaar ah, qaar kalana lagu laaluusho siyaasiyiin.

Waxaa si bareer ah loo jebiyey godobbo dastuuri ah iyo dhammaan sharciyada la xariiray bixinta, iibinta, bedelidda dabeecadda hantida danta guud, waxaana qodobbadaas ka mid ah;

Qodobka 26aad iyo qodobka 43aad ee dastuurka oo qeexaya mabaadiida guud oo ay tahay in ay u hoggaansamaan xeerarka iyo siyaadaha quseeya dhulka iyo hantida guud, farayana xukuumadda dejinta siyaasad qaran ee hantida guud.

Qodobbada 50aad, 51-aad ee sharciga maareynta maaliyadda guud Sharci Lr.

17, December 2019 ee qeexaya hantida danta guud.

  • Qodobbada 87aad, 681 (3)aad, 723 (l)aad, 730aad ee xeerka madaniga Soomaaliyeed Xeer Lr. 37, 1973 ee xeerinaya hantida guud iyo badelidda dabeecada hantida danta guud.
  • Qodobka 6aad ee Xeer Ir 41 soo baxay 13 September 1973 (Urban Land Distribution) oo mamnuucaya iibinta iyo wareejinta hantida danta guud iyadoo xeer gaar ah uusan jirin.

Waxaa kaloo si bareer ah loo hareer maray;

• U sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa.

  • Dammaanad-qaadista xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta.
  • Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyada oo aan dhibaato loo geysan.
  • Xallinta khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida.
  • Xadeynta dhulka qof ama shirkadi yeelan karaan.
  • Nidaaminta dhaqdhaqaaqa suuqa ka-ganacsiga dhulka, si looga hortago ku-takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.

Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan;

  1. In milkiyadda hanti aan lagu heli karin qof saxiixiis ee dastuur iyo sharci lagu hantiyo.
  2. In sifo sharci ah oo keli ah lagu milki karo dhulka dowladda, diiwaanka danta guudna looga saari karo.
  3. In cid kasta oo hanti qaran sifo sharci darri ah looga iibiyey, hibeeyey, qaanbaxay, ama lagu laaluushay ogaato, waxay haysataa waa BOOLI QARAN.
  4. In qof waliba oo ku lug yeesha si sharci darri ah iibinta, wareejinta, gadashada, iyo bedelidda dabeecadda hantida guud uu danbiile yahay, lalana xisaabtami doono iyadoo la marayo shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah intaba.
  5. Shariif Sheekh Ahmed
  6. Xasan Cali Khayre
  7. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Blinken oo booqashadiisi u dambeysay ku tagaya Yurub iyo Asiya

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykabka Antony Blinken ayaa maanta oo Axad ah ay u billaabmeysaa, booqashadi u danbeysay ee uu dal dibadda ah ku tago, ka hor inta uusan dhammaan muddo xileeda dowladda uu ka tirsanyahay 20-ka bishaan Jannaayo.

Blinken ayaa tagi doona dalalka Kuuriyada Koofureed, Japan iyo France. War kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arribadda uu madaxda dalalkaasi kula kulmi doono magaalooyinka Seoul, Tokyo iyo Paris laga billaabo maanta oo Axad ah.

Kuuriyada Koofureed ayaa waxaa hadda ka jira qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay xal ka qaadisti madaxweynihi hore Yoon Suk Yeol. Halka Japan uu Bilinken safarkiisa diiradda ku saari doono sii xoojinta xiriirka Washington iyo Tokyo.

Blinken ayaa socdaalkiisa ugu danbeeya ku soo xiri doona Paris, halkaas oo la filayo in uu madaxda Faransiiska kala hadlo horumarradi ugu danbeeyay ee xasaradaha Bariga Dhexe, iyo amniga Yurub gaar ahaan xaaladda Ukraine.

Wasiir Maareeye oo soo bandhigay ‘oraah uu Xasan Sheekh ka hor sheegay BFS’ oo hadda taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dadka dib u xusuusiyey hadal cajiib ahaa oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu Baarlamaanka ka hor sheegay, xilli uu codsanayey in laga qeyb qaato xalinta mushkiladaha gudaha dalka.

Arrintaan ayuu Wasiir Maareeye la xiriiriyey kursiga ay sanadkaan Soomaaliya ku fariisatay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, wuxuuna ugu horeyn umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey guushaan taariikhiga ah.

“Innagoo weli ka soo kabanayna burbur dawladnimo kii ugu xumaa, ka soo kabashadiisuna ugu dheerayd aduunka casriga ah soo mara xilliyadan dambe, waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Qaranka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha leeyahay Hambalyo guusha taariikhiga ah ee aad gaadhsiiseen Soomaaliya,” ayuu yiri Maareeye.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in sanadkaan adduunku xiiseynayo qadiyahada Soomaaliya ay codkeeda ku biirin doonto, maadaama bilo ka hor la isweydii jiray waxa golaha ammaanka ay ka dhaheen arrimaha Soomaaliya.

“Alxamdullilaah sanadkan bilowday cidna weydiin meyno oo dhihi mayno “muxuu ka yidhi Golaha ammaanku arimaha Soomaaliya” laakiin aduunka ayaa isweydiinaya maxay Soomaaliya ka tidhi arimaha caalamka, tusaale ahaan arimaha Suudaan ama Qassa oo kale,” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa bulshada xusuusiyey oraahdii Madaxweyne Xasan Sheekh ee aheyd “dibadda waa xali karnaaye gudaha nala xaliya.”

“Horay ayuu Madaxweynuhu Golaha Barlamaanka uga yidhi wax-kasta oo Caalamka nooga xidhan waanu dhameyn karnaa, laakiin waxaan la dhameyn karin waxa Soomaali iskaga xidhan ee danta dalkooda iyo dadkooda ku jirto, Illaahay amuuraha noo sahlo oo umadda Soomaaliyeed fidmada qabiilka ha ka saaro, Aamiin” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Oraahdii Madaxweynaha iyo dib u xusuusinta Wasiirka ayaa ku soo aadeysa iyadoo Soomaaliya ay dunida ka cayaareyso diblomaasiyad heer sare ah, laakiin gudaha dalka ay isku dilayaan qabaa’il aan la garaneyn wax weyn oo ay isku heystaan, ficillo argagixiso iyo khilaafaad maamul oo muujinaya dib u dhac aan xiligaan loo baahneyn ama laga maarmi karo.

Daawo: DF oo shaacisay in qiimaha sanadkaan lagu soo xajinayo uu qaaliyoobay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS ayaa shaacisay qiimaha adeegga Xajka ee sanadkaan 1446 H/2025, waxaana Xaaji kasta loogu adeegi doonaa lacag dhan $4604 oo dollar.

Qiimahaan ayaa ka badan qiimihii ay dadka Soomaaliyeed ku sii xajiyeen sanadkii hore, waxaana la shaaciyey sababta wasaaradda iyo guddiga ay dowladdu u xil saartay howshaan ku kaliftay qiimo kororkaan.

Guddiga adeegga Xajka ee xukuumaddu magacowday iyo shirkadaha ku guuleystay inay sanadkaan xujeyda u adeegaan ayaa galabta isugu yimid shir ay ka soo saareen war-saxaafadeed ay ku shaaciyeen qiimaha lagu soo xajinayo sanadkaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta Ibraahim Nadaara oo kulanka shir guddoomiyey ayaa warbaahinta u akhriyey qodobadii ka soo baxay kulankooda.

Agaasimaha ayaa sheegay in adeegyada ay u baahantahay xujeyda Soomaaliyeed lasoo qiimeeyey, isla markaana ay maanta go’aamiyeen qiimaha lagu soo xajinayo sanadkaan.

“Kororka qiimaha sanadkaan waxaa u sababa ah sare u kac ku yimid Tikidhada iyo adeegyada Hoteellada Maka iyo Madiina,” ayuu yiri Agaasime Nadaara.

Sidoo kale wuxuu balan qaaday hadii dhanka Sacuudiga ay ka soo kordhaan wax qiimo dhimis ah in wasaaraddu ay dib ula soo wadaagi doonto umadda Soomaaliyeed.

Qarashka sanadkii hore uu xaaji kasta oo Soomaali ah ku soo xajiyey ayaa ahaa $4434.6 halka sanadkaan uu yahay $4604 oo dollar, qiimaha sanadkaan waxaa ku korortay lacag ku dhow 200 oo dollar.

Hoos ka daawo

Cumar Cabdirashiid oo dalab la xiriira dagaalka PUNTLAND u gudbiyay DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan dagaalka ay ku qaaday kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore madaxda Puntland iyo ciidamada ku boggaadiyay dagaalka ay la galayaan kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo dhulka buuraleyda ah.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in maamul goboleedyadala dagaalamaya kooxaha argagixisada ah ay siiso taageero deg-deg ah, si meesha looga saaro.

“Dowladda federaalku waa inay u muujisaa taageero siyaasadeed iyo mid amni oo ku wajahan dhammaan Maamul Goboleedyada si meesha looga saaro khataraha argagixisada ka hor inta uusan dhammaan 2025” ayuu yir ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo haatan ciidamada Puntland ay howlgallo culus ka wadaan aagga deegaanka Dharjaale oo ay ku xoogan yihiin xubnaha kooxda Daacish.

Waxaa howlgallada sidoo kale barbar socda duqeymo diyaaradeed oo ay fulinayaan saaxibada caalamiga ah, kuwaas oo hawada ka taageerayo ciidamada Puntland.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii kooxda ay weerar culus kusoo qaaday xerada lagu diyaarinayo ciidamada Puntland ee ka qayb-galaya howlgallada, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Wiil iyo abtigiis oo lagu dilay Shabeelaha Dhexe

0

Balcad (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday deegaan hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe kadib markii halkaasi lagu dilay wiil iyo abtigiis.

Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Cadayga oo u dhow Balcad, waxaana ka dambeeyay maleeshiyaad hubeysan oo goobta ka baxsaday.

Wiilka iyo abtigiis ayaa ahaa ganacsatoo, si weyn looga yaqaanay deegaanka, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo dilay.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna sheegay in marxuuminta loogu tegay gurigooda, kadibna la dilay.

“Kooxo hubeysan ayaa waxa ay soo weerareen wiil iyo abtigiis waxay ahaayeen dad gurigooda joogay waxaa u yimid baabuur bagaash u waday, kadib markii ay dajiyeen ayay qabsatay dhacdada”  ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii saray Ragga dilka gaystay waxay ku amreen inay bannaanka usoo baxaan, wayna dileen maleeshiyaadka”.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhacdadaan oo ku aadan laamaha amniga iyo madaxda HirShabelle oo ku aadan dilka dadkaasi shacabka ah.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ugu dambeeyay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf.

Mareykanka oo Soomaaliya ku bixiyay $3 bilyan – Xaggee la geeyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Richard H. Riley oo qoraal soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan taageerada kala duwan ee ay dowladdiisu siiyo Soomaaliya.

Richard H. Riley ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu kordhiyay kaalmada uu siiyo Soomaaliya, si wax looga qabto xaaladaha bani aadamnimo ee ka jira gudaha dalka.

Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaamay in saddexdii sano ee lasoo dhaafay Mareykanka uu Soomaaliya ku bixiyay saddex bilyan oo dollar, taas oo lagu fuliyo howlo gargaar oo muhiim ah.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in caawinaaddaasi ay wax badan ka tartay Soomaaliya, ayna lagama maarmaan u tahay in la kordhiyo garab istaagga Soomaaliya.

“Munaasabadda Daah-furka labo barnaamij oo cusub oo ay si deeqsinimo leh u maalgeliyaan shacabka Maraykanka si ay uga faa’iideystaan saaxiibadeenna Soomaaliya, saddexdii sano ee lasoo dhaafay Maraykanka waxa uu bixiyay in ka badan $2 bilyan oo gargaar naf badbaadin ah si looga jawaabo baahiyaha bani aadamnimo dalka oo dhan,” ayuu yiri safiirka Mareykanka ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Kaalmadaan waxa ay badbaadineysaa kumanaan ku nool Soomaaliya, waxa ay yareeneysaa cunno la’aanta & nafaqo darrada”.

Dhanka kale, Maraykanka ayaa sanadkaan cusub Soomaaliya u ballanqaaday in uu siinayo dhaqaale gaareyso illaa $29 Milyan oo doollar, taas oo lasoo marin doono Hay’adda USAID.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada kala duwan siiyo dowladda federaalka, isaga oo ka caawiya dhanka dhaqaalaha iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo lagu xiray Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xarig maanta magaalada Muqdisho loogu gaystay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax oo laga qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa mas’uulkan xiray ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda oo watay laba gaari, waxayna ka kaxeeyeen garoonka Aadan Cadde.

Cabdifitaax ayaa kahor inta aan la xirin kusii jeeday magaalada Beledweyne, balse waxaa laga hor istaagay safarkiisa, sida uu ku sheegay qoraal uu goor sii horeysay soo saaray.

“Anigoo ah guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Abdifatah Hassan Afrah waxaan saaka ku socday safar aan ku aadayay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, saraakiisha amaanka gaar ahaan hay’adda nisa waxey igu wargeliyeen in uu yaallo amar ah inaan safarkeyga sii wadan karin ee leydiiday inaan safro” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu arrintiisa la wadaagay Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, isaga oo hoosta ka xariiqay in si shaqsi ah ay ugu xad-dubtay dowladda Soomaaliya.

“Haddaba waxaan la wadaagayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, caalamka iyo cid kasta ay khudeyso in ay tahay xadgudub qaawan iyo colaadin iga dhan ah ee ay ku kacayso dowladda soomaaliyeed, waana wax ka baxsan sharciga iyo qaanuunka dalka islamarkaana gaf ku ah sharaftayda iyo muwaadin kasta ee Soomaalieed” ayuu sii raaciyay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xarigiisa uu amray taliyaha NISA, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo haatan ku sugan Beledweyne, una jooga xallinta xiisaddii ka dhalatay askarii dhawaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, laamaha amniga dowladda weli kama hadli xarigga mas’uulkan iyo is hortaagga lagu sameeyay safarka uu ku aadi lahaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cali Guudlaawe iyo Macallimuu oo ay ka dhex-tafatay – Maxay isku hayaan?

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ay deegaan doorashadiisu tahay HirShabelle iyo madaxweynaha maamulkaas Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayay ka dhex-tafatay, iyadoo maanta dagaalkooda uu bannaanka usoo wada baxay.

Ugu horreeyn Macallimuu oo qoraal soo saaray ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha, wuxuuna ku eedeeyay hoggaan xumo iyo inuu la dagay HirShabelle.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in HirShabelle aanu ka socon wax hormar ah, sidoo kalena ay kala qaybsan yihiin dadkeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Hirshabelle waxaa la haray hogaan xumo eber ka hooseeysa, horukac la’aan heer kastamiyo dadkeedii oo qeybsan oo aan hishiis aheyn” ayuu yiri xildhibaan Macallimuu.

Intaasi kadib waxaa soo jawaabay afhayeenka Cali Guudlaawe oo lagu magacaabo Daa’uud Xaaji Cirro, kaas oo naqdiyay hadalka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu, isaga oo xasuusiyay doorashadii uu kusoo baxay iyo garabkii uu ka helay madaxweynaha.

“Xildhibaan Mohamed Ibrahim Moalimuu Galabtii geediga ahayd ee meel walba faashadaha kaaga duubnaayeen oo aad lahayd kursi ayaan rabaa ee Madaxweynaha Barakeysan Cali Guudlaawe ii geey ma i lowday. Soo ma ahayn qofkii habeen hore dhahayay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar qof ayaa loo magacaabay ee Madaxweynaha lacag ii qaad” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ina ibraahinow abaal dhaan waa jiraa waana mid meel kuu taal tankale Cali Kursigiisa waa ku fadhiyaa waana ku fadhidoonaa ee cidaad ka adag tahay baad ka qaado”.

HirShabelle ayaa haatan ku jirta xaalad adag oo ay ugu horreeyaan dagaal beeleedyada oo saameyn ku yeeshay deegaanada maamulkaasi, waxaana ugu dambeeyay dhacdadii askarta lagu laayay ee dhowaan ka dhacday deegaanka Ceel Baraf ee Shabeelaha Dhexe.

Macawiisleyda oo weeraray goob ay isku urursaneyeen Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in in gelinkii dambe Jimcihii ay gobolkaas isku fara saareen ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay aagga Buuloburde.

Ciidamada deegaanka oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Cadow Gureey oo kamid ah deegaanada hoos yimaada degmada Buuloburde.

Weerarka kadib ayaa waxaa meesha ka dhacay dagaal qaatay saacado badan, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Sarkaal u hadlay Macawiisleyda deegaanka ayaa guul ka sheegtay dagaalkaasi, wuxuuna sheegay inay la wareegeen deegaanka lagu dagaalamay, ayna ka saareen Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan halgankooda xoreynta gobolka Hiiraan oo ah halka uu kasoo billowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa maanta mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee guusha ka sheegatay Macawiisleyda.

Weerarkan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid looga hortagayo qulqulka Al-Shabaab oo inta badan kasoo talaaba wabiga Shabeelle ee mara deegaanada maamulka HirShabelle.

Soomaalidii ugu badneyd oo saf u gashay soo dhaweynta ABIY + Sawirro

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa saaka gaaray ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.

Soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa safaf dhaadheer u galay Soomaalida ku dhaqan magaaladaasi oo leh qaybahooda kala duwan, sida ay muujinayaan sawirro ka imaanaya jigjiga, kadib markii uu maanta ka dagay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Dowlad Deegaanka ayaa u diyaarisay soo dhoweyntii ugu weyneyd ee Abiy Axmed, taas oo noqotay middii ugu ballaarendy ee ay Soomaali u sameyso, sida laga arki karo muuqaalka.

Abiy ayaa booqasho ku maray deegaanka Soomaalida, isaga oo kormeer ku sameynayo magaaooyinka waa wayn, isaga oo la kulmayo waxgaradka iyo mas’uuliyiinta deegaanka.

Shalay ayuu Abiy Axmed booqday magaalada Godey, wuxuuna ka furay mashruuc waraab ah, si ay uga faa’iideystaan dadka shacabka ah ku dhaqan halkaasi.

Waxaa kale oo uu Soomaalida u sheegay inay iska dhaafaan khilaafka iyo colaadda, Soomaaliduna ay leedahay kheyraad ku filan Itoobiya oo dhan, sida uu hadalka u dhigay.

Booqashada Abiy Axmed ee Jigjiga ayaa kusoo aadeyso, xilli weli taagan tahay xiisaddii ka dhalatay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dacawaley oo ay dad badan ku dhinteen.

Laba gabdhood iyo darawal waday oo ku dhintay Muqdisho, kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil baabuur oo sababay khasaare leh dhimasho leh oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shilka oo ka dhacay waddada aada deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo laba kamid ah dumar yihiin, halka qofka kalena uu ahaa darawalka.

Labada gabdhood iyo darawalka ayaa xilligaas kasoo laabtay dhanka xeebta Jaziira, waxaana waddada ka baxay baabuurka ay wateen oo gebi ahaan burburay.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga inta uusan rogman kahor uu tartan kula jiray baabuur kale oo isna ku socday waddada Jaziira ee duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in darawalka gaariga waday uu ka tirsan yahay ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ee dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, sidoo kalena wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan TikTok.

Maydadka ayaa goobta laga soo qaaday, kadib markii ay goobta tageen ehellada iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku baxay meesha ay wax ka dhaceen.

Mararka qaar ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhaca shilalka baabuur, waxaana sababa darawallada oo xawli u kaxeeya gaadiidka iyo waddooyinka qaar oo weli burbursan.

Ciidanka Itoobiya oo loo ogolaaday howlgalka cusub ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi a Itoobiya ugu ogolaatay in ciidamadeeda ay ku biiraan howlgalka cusub ee AUSSOM oo Soomaaliya ka bilowdaan Arbacadii lasoo dhaafay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso codsiga ku aaddan inay Itoobiya ku biiriso ciidamo cusub oo qeyb ka noqda howlgalka cusub ee AUSSOM.

Ogolaanshan ayaa daba socda isku soo dhawaanshaha labada dal iyo booqashada ay Muqdisho kusoo gaareen wafdiga sare ee ay soo dirtay dowladda Itoobiya.

“Iyadoo la raacayo mabaadi’da baaqa Ankara, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa sida ay uga go’an tahay xaqiijinta fulinta heshiisyadii la gaaray. Waxay u aragtaa in mabaadi’da heshiisyadaasi ay aasaas adag u yihiin kobcinta iskaashiga wax ku oolka ah ee u adeega danaha labada dhinac,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Dhankeeda qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashiga howlgalka cusub ee AUSSOM, base qoraalkan laguma sheegin nooca iskaashiga labada dhinac.

Itoobiya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in labada dhinac ay isku afgarteen in kor loo qaado booqashooyinka iyo wada-hadallada la is waydaarsanayo, iyadoo la filayo in madaxda sare ee Soomaaliya ay dhawaan tagaan magaalada Addis Ababa.

Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xumaaday bilowgii sannadkii hore markii Itoobiya ay maamulka Somaliland la gashay is-afarad la xiriira galaangal ay Itoobiya u hesho badda Soomaaliya, talaabadaasi oo si weyn ay u diiday dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa bishii hore saxiixday heshiiska Ankara ee uu Turkigu ka soo shaqeeyay, waxayna u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay ka wada hadlaan xalinta khilaafka ka dhex-taagan.

Jubbaland oo qaaday tallaabo culus, una diyaar garowday dagaal

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa mar kale qaaday tallaabo uga sii dareyso xiisadda xooggan ee haatan kala dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya oo ay isku qabteen arrimaha doorashooyinka dalka.

Jubbaland ayaa mar kale ku dhowaaqday dagaal horleh oo ay la galeyso dowladda dhexe, sida uu ka dhawaajiyay madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maxamuud Sayid Aadan.

Qoraal uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa lagu magacaabay guddiga oo 7 xubnood ah, kana kooban heer gobol iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo loo xilsaaray inay isku daba ridaan ciidamada Jubbaland ee gobolka jooga, sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay in ciidamadaasi ay difaacaan deegaanka, sidoo kalena ay la dagaalamaaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland, Mudane H.E Mohamud Sayid Aden  ayaa magacaabay Guddi ka shaqeyn doona abaabulka, diiwaangelinta, iyo isku dubaridka qeybaha kala duwan ee Ciidanka Dowladda Jubaland ee ku sugan Gobolka Gedo, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo difaaca Dowladda Jubaland.” ayaa lagu yiri warqadda lagu magacaabay guddiga.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan dowladda dhexe ay dhankeeda dhaq-dhaqaaq culus ka wado gobolka Gedo, oo ay ku daabushay ciidamo dheeraad ah.

Jubbaland ayaa si buuxda loogala wareegay degmooyinka Garbahaarey, Baardheere iyo Doolow, kadib markii dowladdu kala furfurtay saaxiibadii Axmed Madoobe kulahaa degmooyinkaasi.