27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Congress-ka Mareykanka oo maanta sharciyeynaya doorashadii Trump

Washington (Caasimada Online) – Congress-ka Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay kulmaan Isniinta maanta si ay u sharciyeeyaan doorashadii madaxtinimada ee Donald Trump uu kaga guuleystay madaxweyne ku-xigeenka dalka Kamala Harris.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa mas’uul ka ah guddoominta tirinta natiijooyinka mid kasta oo ka mid ah 50-ka gobol ee dalka, taasi oo Harris gelinaysa marxalad ay ku xaqiijiso guul-darradeeda.

Habraacan ayaa muddo dheer si caad ah uga dhacayey dalka, balse afar sano ka hor waxa uu isku bedelay fowdo kadib markii taageerayaasha Trump ay gudaha u galeen xarunta Congress-ka, halkaasi oo ay ku dhaawaceen ilaa 140 askari oo boolis ah, ayna ku qasbeen sharci-dejiyayaasha in ay badbaado raadsadaan.

Muuqaalo kuwaas la mid ah lama filayo Isniinta maanta ah, iyadoo Harris ay qiratay guuldarrada, islamarkaana madaxweyne Joe Biden uu muujiyay baahida loo qabo hannaan nabadeed.

Mas’uuliyiintu ayaa si kastaba isu diyaariyey xaaladdaas haddii ay dhacdo, iyagoo biro dhaadheer ka taagay kuna xiray aagga dhismaha Capitol.

Isagoo ka hadlayay Axaddii Aqalka Cad, Biden wuxuu ugu yeeray wixii dhacay Jan. 6, 2021 “mid ka mid ah maalmaha ugu adag taariikhda Mareykanka.”

“Waa inaan ku soo laabanaa aas-aaska, xil wareejinta caadiga ah ee awoodda,” ayuu yiri Biden.

Waxa uu intaa ku daray in hab-dhaqankii Trump afar sano ka hor, oo ay ku jireen sheegashooyin been abuur ah oo soo noqnoqday oo ahaa in uu ku guulaystay doorashada, “ay khatar dhab ku aheyd dimoqraadiyadda.”

“Waxaan ku rajo weynahay inaan hadda ka gudubnay,” Biden ayaa yiri.

In ka badan 1,500 oo qof ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta inay xoog ku galeen xarunta madaxtooyada. Trump ayaa ballan qaaday inuu si degdeg ah dadkaas ugu soo saari doono cafis kadib markii uu xafiiska la wareego 20-ka Janaayo.

Maamulka Puntland oo bilaabay abaabulka qabaa’ilada + Ujeedka

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa bilaabay abaabulka qabaa’ilada ku dhaqan gobolka Bari, gaar ahaan dhulka ku teedsan deegaanka buuraleyda Calmiskaad.

Ujeedka abaabulkan ayaa salka ku haya dagaalka ka dhanka ah Daacish. Kooxdan oo muddooyinkii dambe culeys amni ku haysay maamulka Puntland ayuu haatan go’aansaday maamulku inuu ku qaado dagaal culus oo lagu ciribtirayo Daacishta saldhigatay buuraha maamulkaasi.

Qabaa’ilada ku nool tuulooyinka bariga fog ee gobolka Bari ayaa la sheegay in ay saamayn ku yeelatay joogitaanka iyo galaan-galka Daacish ee deegaannada qaar.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland oo dhawaan ka badbaaday weerar ay Daacish ku qaadday tuulada Dharjaalle, ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka ee qabaa’ilada.

Kulamadaas ayaa looga hadlay doorka qabaa’ilku ku yeelan karaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haya bulshada ee baneystay xoolahooda iyo dhiigoodaba.

Maxamed Baari Shire ayaa sheegay in gobolka Bari uu noqday bahalo galeen ay sabab u tahay galaan-galka iyo saamaynta kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ku yeesheen bulshada deegaanka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu xoojiyay baahida loo qabo in shacabka iyo qabaa’ilka iska kaashadaan sidii looga sifeyn lahaa kooxahaasi deegaanadooda.

Laamaha amniga Puntland ayay ku adkaatay inay xog ka helaan deegaanada Daacishtu ku sugan yihiin, iyadoo dhawaan weerarkii u dambeeyay ee Daacish uu muujiyay fashilka sirdoon ee ciidanka Puntland, maadaana kooxda weerarka soo qaaday ay soo jareen boqolaal Kiilo-mitir, iyagoo soo maray dhowr tuulo oo ay dad reer miyi ah degan yihiin.

Sababta la iskugu mari la’yahay heshiiska Xamaas iyo Israel

Gaza (Caasimada Online) – Isar’il iyo Xamaas ayaa Axaddii isku mari waayay wajiga koowaad ee heshiis xabbad joojin ah oo ka hirgala Gaza iyo sii deynta qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta u afduubaan Xamas.

Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa Axaddii sheegay in kooxdu ay ansixisay sii deynta liis ka kooban 34 Isra’iiliyiin ah oo ka mid ah la heystayaasha, taas oo ay Xamaas ku baddalaneyso heshiis ugu danbeyntii ka hirgala Gaza.

Hase yeeshee, war kasoo baxay xafiiska ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay, in Xamaas aysan soo gudbin liiska la heystayaasha.

Laakin goor danbe oo Axaddii shalay aheyd, ayay Xamaas nuqul ka mid ah magacyada liiska ay sii deyn rabto tusisay wakaaladda wararka ee Reuters, sida ay ku warrantay wakaaladdan.

Wada-hadallada heshiiska xabbad joojinta labada dhinac ayaa maalmihi lasoo dhaafay dib uga billowday magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo soo afjaro dagaalka 15-ka bil ka socda Gaza.

Waxaana hadafku yahay in xalka kama danbeysta ah la gaaro ka hor 20-ka January markaas oo uu xafiiska Aqalka Cad ku soo laaban doono madaxweynaha dooran ee Mareykanka Donald Trump.

XAMZA oo ku dhaqaaqay dhismaha xarun marjac u noqonaysa Soomaalida + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha xarun muhiim ah oo ay yeelan doonaan Golaha Culimada Soomaaliyeed oo loogu magacan daray Daarul Iftaa.

Xamza oo uu dhinac taagnaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa goobta ka sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan.

“Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid tahay xaruntan Daarul Iftaa, waxaanna rajeynayaa in uu mashruucani uu noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeed”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre  ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka hirgelinta xaruntan, isaga oo xusay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibedeed ah oo lagu maalgelinayo.

Munaasabadda dhagax-dhigga xaruntan cusub waxaa sidoo kale goobjoog ahaa qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay in golahooda loo dhiso xarun u gaar ah.

Soomaaliya oo loo uruurinayo LACAG iyo waxa lagu qabayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga QM ee Soomaaliya, George Conway iyo wakiillo kale oo ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay, iyada oo kulanka lagu soo qaaday sidii lacag loogu uruurin lahaa Soomaaliya.

Ujeedka kulanka labada dhinac ayaa ahaa mid looga hadlayay xaaladda abaaraha ee dalka, qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini’aadannimo ee 2025, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha.

Inta uu socday kulanja ayaa dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in la qabto shir guud oo loogu talagalay sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa dadka nugul ee u baahan caawimaadda.

Maxamuud Macallin oo ka hadlay madasha ayaa ka qeyb-galayaasha si wey ugu boorriyay dhammaan hay’adaha gargaarka iyo ururada caalamiga ah in ay si wadajir ah u xoojiyaan dadaallada kaalmeynta danyarta, si gaar ah dadka ay sida daran u wax-yeelleeyeen abaaraha.

Sida ay muujinayaan warbixinnadii u dambeeyay, in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah, 3.2 million oo dadkaas nugul ka mid ah ayaa wajahaya xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen, sida lagu sheegay warbixin horay uga soo baxday SoDMA.

Dhowaan dowladda federaalka ayaa ku dhowaaqday in dalku galay marxalad abaar oo adag, loona baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii Dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November.

Si kastaba, ayaa waxaa kusoo noq noqday abaaraha, waxaana ugu wacan roobabkii la filayay oo baaqday, iyada oo ay sii dheertahay colaado sokeeye oo ka jira gudaha dalka.

Shariif, Khayre iyo CC oo loo soo jawaabay kadib weerarkii ay ku qaadeen XASAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isla markaana taabacsan Villa Soomaaliya ayaa si kulul ugu jawaabay xubnaha mucaaradka oo shalay eedeymo culus u jeediyay madaxweyne Xasan.

Cagaweyne ayaa ka falceliyay qoraal ay soo soo saareen Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo digniin culus kasoo saaray boob ay sheegeen in lagu hayo dhulalka danta guud iyaga oo dowladda ku eedeeyay inay ka iibineyso ay ganacsato ah.

“Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan” ayay xubnaha mucaaradka ku yiraahdeen warsaxaafadeedkooda.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa dhankiisa sheegay in wax laga xumaado ay tahay tallaabada ay qaadeen madaxdii hore, wuxuuna tilmaamay in ay caadeysteen mar kasta aflagaadada madaxdii xukunka uga dambeysay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa wax aad looga xumaado ah in madax dalkaan soo hogaamiyay rabana bari in ay hogaamiyaan ay madaxdii xukunka uga danbeysay caadeysteen in ay maalin walba aflagaadeeyaan, inbadan ayaa la idinka aamusay laakin wixii hada kadanbeeya waa la idin jawaabayaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cagaweyne.

Sidoo kale wuxuu xildhibaankan si weyn u difaacay Villa Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay in guullo waa wayn uu soo hooyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

“Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Hassan Sheikh waxa ay ku guuleysatay sugida Amniga Caasimadda, xoreynta deegaano badan oo dalka ah, dayntii mudada dheer jirtay oo Soomaaliya laga cafiyay, kubiirista bulshada Bariga Afrika, khayraadkii dalka oo lasoo saarayo, dhameystirka dastuurka, shuruucdii ugu mihimsanaa oo la meelmariyay iyo midnimada dalka” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Ugu danbeyn 56 sano kadib dowladda Soomaaliya waxay ku guuleysatay in dalka uu u dhaqaaqo doorasho dadweeyne oo dadka ay ku dooranayaan hogaankooda heer Maamul gobaleed iyo heer Federaal waxaan leeyahay madaxdii hore ku kalsoonaada dadkiina una diyaar garooba doorashada dalka kadhaceysa”.

 

Xiisadda guriga hooyooyinka oo ka dartay kadib tallaabo uu qaaday R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda ka taagan guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho ayaa kasii dartay, taas oo u dhexeyso xukuumadda iyo ururka haweenka qaranka oo isku haysto dhismaha gurigaas oo ku yaalla agagaarka xeyndaabka madaxtooyada.

Xiisadda ayaa waxaa dab kusii shiday ra’iisul wasaare Xamza, kadib tallaabo uu shalay qaaday, isaga oo mar kale ku celiyay in haweenka ay isaga baxaan gurigaas oo uu tilmaamay inay leedahay wasaaradda haweenka, looguna shaqeynayo qaranka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in ay jiraan gabdho weli isku dhajinayo guriga hooyooyinka, balse ay siinayaan fursad kale oo dheeri ah, si ay uga guuraan dhismaha.

“Gabadhaha waa ay isku dhajiyeen guriga hooyooyinka, annaga waxaan diidnay inay booliska jiid jiidaan ,guriga haka baxaan” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxaa kale oo uu yiri “Xaruntii wayneyd ee hooyooyinka la oran jiray waxaan rajeynayaa inay ku shaqeyso wasaaraddu iyadaa iska leh inay ku shaqeyso ayaana la rabaa”.

Dhanka kale, guddoomiyaha ururka haweenka qaranka, Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo shir jaraa’id qabatay ayaa u jawaabtay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxayna ka hortimid amarka uu bixiyay, iyada oo sheegtay in aanay ka guuri doonin dhismahan oo ay tilmaamtay inay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed.

“Waxba nooma dhexeeyaan ra’iisul wasaare daris ayaa nahay gurigaaga waa naga sii jeedaa annaga dhinaca kale ayaan ka daganahay noo soo lugey ee kaalay na jiid oo naga saar guriga haweenka kama aadan xishooninee” ayay tiri Batuulo Axmed Gaballe.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waxaan ka xumahay aniga oo xor ah oo Soomaali ah oo hooyo Soomaaliyeed ah in maanta ra’iisul wasaarihii qaranka nagala cel-celinaayo oo uu leeyahay haweenka soo jiida, waa nasiib darro aad u wayn”.

MASAR oo dib u xaqiijisay mowqifkeeda Soomaaliya

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa xaqiijiyay mowqifka taageero ee Masar ee ku aadan Soomaaliya, mar uu khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. 

Baaqan ayaa ku soo beegmaya laba toddobaad uun ka dib booqashadii Fiqi ee Qaahira, halkaas oo Masar iyo Soomaaliya ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo Hawlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee billowday 1-dii Janaayo 2025.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdelatty iyo Fiqi ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal. 

Badar Abdelatty waxa uu xaqiijiyey taageerada adag ee Masar, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, ee ku aaddan qarannimada, madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, si loo helo nabad iyo xasillooni. 

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Qaahira ay sii wadi doonto taageerada ay siiso hay’adaha qaranka Soomaaliyeed, iyo bixinta kaalmada farsamo si ay u habeeyaan shaqadooda si loo gaaro himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowda ee AUSSOM.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa ku warramay in Qaahira ay toos ugada geleyso qorshaheeda, isla markaana ay xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay inay joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Ciidanka Masar ayaa beddali doono kuwa Itoobiya oo laga reebay howlgalka AUSSOM, sababo la xiriira isku dhicii Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka dhashay heshiiskii badda.

Madaxweyne Sarkozy oo loo maxkamadeynayo €50 milyan oo uu ka qaatay Qadaafi

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa Isniinta maxkamad la soo taagayaa isaga oo lagu eedeyay in uu lacag dhan 50 milyan oo Euro ka aqbalay hogaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi oo uu ololaha doorashada ku galay.

Sarkozy, oo horey loogu xukumay labo jeer kiisas kala duwan tan iyo markii uu xafiiska ka tagay, ayaa Isniinta maxkamad lagu soo taagayaa dacwad ah in uu qaatay lacag olole sharci darro ah oo la sheegay in uu heshiis la galay kaligii-taliyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi.

Sarkozy waxaa hareeyay dhibaatooyin xagga sharciga ah tan iyo markii uu ku guuldarreystay doorashadii madaxtinimada ee 2012-kii. Laakiin waxa uu weli yahay shakhsi saamayn ku leh siyaasada dalkaas.

Maxkamadeyntan ugu dambeysa ayaa ah natiijada toban sano oo baaritaanno ah oo lagu eedeynayay in Sarkozy uu aqbalay maalgelinta ololaha sharci darrada ah – oo lagu soo waramayo in 50 milyan oo Yuuro – uu ka helay Qadaafi si uu ugu caawiyo ololihii doorashada ee 2007-dii ee uu ku guuleystay.

Taas beddelkeeda, waxaa lagu eedeeyay Sarkozy iyo madax sare ay ballan qaadeen in ay ka caawin doonaan Qadaafi dib u habeynta xiriirkiisa reer galbeedka.

Sarkozy ayaa iska fogeeyey eedeymaha loo soo jeediyay oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin shirqool ka dhan ah isaga, isagoo ku adkeystay inuusan waligiis wax dhaqaale ah ka helin Qadaafi, isla markaana aysan jirin wax cadeyn ah.

Farmaajo oo war culus ka soo saaray dagaalka ay Puntland ku qaaday Daacish

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray dagaalka Puntland ay ku qaaday Khawaarijta Daacish, isagoo maamulkaas ku bogaadiyey taallabada uu qaaday, farriina u diray dowladda federaalka.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay uga sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Daacish oo halis jiritaan ku ah dowladnimada iyo isirka Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo:

Howlgalka geesinimada leh ee ciidamada ammaanka Puntland ay ku qaadeen argagixisada waa tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee lagaga sifeynayo dalka argagixisada gumaadka ku haya dadkeenna, kana soo horjeeda horumarka dalkeenna.

Shacabka Soomaaliyeed oo idil waxaan ku boorrinayaa in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada duullaanka ina ku ah, garab istaagaan ciidamada, kana fogaadaan dagaallada sokeeye oo ah qorshaha kaliya ee argagixisadu ay ina ku dhex joogi karto.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay ku sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Daacish oo halis jiritaan ku ah dowladnimada iyo isirka Soomaaliyeed.

Dawladda Puntland waxaan ku bogaadinayaa isku duubnida ku aaddan howlgalkan ee ay muujiyeen ciidanka iyo shacabka oo garab taagan, aniga oo guul u rajaynaya geesiyaasha ciidamada ammaanka Puntland ee hoggaaminaya howlgalka, iyaga oo ku sugan furimaha dagaalka ka dhanka argagixisada.

Gaadiidleyda Muqdisho oo kashiftay Dalad toos ula shaqeysa Al-Shabaab oo shati ka heysata DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Kiis culus ayaa soo galay daladda Gaadiidleyda Gobolka Banaadir, kadib markii lagu eedeeyey inay la shaqeeyaan Al-Shabaab oo weliba la keenay cadeymo muujinaya xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa daladda Gaadiidleyda iyo kooxda Al-Shabaab.

Guddi gaadiidley ah ayaa go’aansaday in sirtaan ay banaanka keenaan, kadib markii lagu dhibaateeyey wadooyinka oo xogtooda lala wadaagay Al-Shabaab, guddigaas oo wata cadeymo rasmi ah ayaa hadda doonaya inay la kulmaan oo xogtaan la wadaagaan madaxda qaranka.

Gadiidleyda wajahday culeyska Al-Shabaab uga yimid ayaa warbaahinta u sheegtay inay cadeymo u hayaan in boonada ay daladaasi u jarto ay Shabaab u soo diraan, kadibna ka qaataan lacag badan, xili dowladdu ay mamnoocday in Shabaab dhaqaale la siiyo.

Marar badan ayaa horay Shabaab inay la shaqeeyaan loogu eedeeyey xubnaha daladaas, halka Al-Shabaab ay gaadiidleyda toos ugu sheegeen in maskax iyo dhaqaale badan uu uga baxay dhismaha daladaas, sidaas darteedna aysan ogoleyn in la kashifo.

Gaadiidleyda ayaa loo hanjabay, muddo dheer ayey aamusnaayeen, balse hadda waxay sheegeen inay go’aansadeen in gumeysiga Al-Shabaab iyo daladaas la shaqeysa aysan ku sii hoos jirin.

Gaadiidleyda warbaahinta la hadashay waxay sheegeen in dowladda ay u ogolyihiin lacag ka badan canshuurta ay hadda ka qaado, balse waxay codsadeen in la burburiyo dalladaan xogtooda la wadaagta cadowga Al-Shabaab oo dhaqaale xad dhaaf ah ka qaata, hanjabaad joogto ahna ku haya.

Sidoo kale gaadiidleyda la hadashay warbaahinta, waxay sheegeen rasaakiisha hey’adaha amniga ay la wadaageen xogtaan, balse ay waxaba ka qaban waayeen, waxayna hadda codsanayaan in madaxda qaranka ay la kulmaan, si cadeymaha kiiskaan ay ula wadaagaan.

Daladda laga cabanayo ee gaadiidleyda gobolka Banaadir ayaa la dhisay 2020 xiligaas oo lagu eedeeyey inay Shabaab ku soo dhiseen gobolka Sh/Hoose, xiligaas waxaa Agaasimaha NISA ahaa Fahad Yaasiin, waxaa la xiray xubnihii guddiga, balse is faham dhacay ayaa lagu fasaxay guddigaas oo iska sii wata shaqadiisa.

Daladaan laga cabanayo ee Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ayaa shati ka heysata maamulka Gobolka Banaadir, waxayna ka shaqeysaa oo waajibaadkeeda kamid ah, Xakameynta jaamka ama saxmadda gaadiidka magaalada Muqdisho, yareynta xamuulka xad-dhaafka ah iyo ka shaqeynta dhismaha wadooyinka muhiimka ah ee caasimada Muqdisho.

Somaliland oo dib u eegis ku sameynaysa heshiiskii Itoobiya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu haatan hoggaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa shaacisay inay dib u eegis ku sameynayso heshiiskii is-afgarad ee xukuumaddii hore la gashay dowladda Itoobiya.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay in is-afgaradkaas ay sii wadi doonaan ka xukuumad ahaan haddii uu isku dheeli-tirayo danaha labada dhinac, haddii kalena ay ka fiirsan doonaan.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir oo maanta la kulmay guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii mucaaradka ee kasoo horjeeday is-afgaradkaasi kahor inta aysan ku guuleysan madaxtinimada Somaliland.

“Mou-ga waxaan uga soo horjeeday mad-madow badan ayaa ku jiray, waxaa Itoobiya sheegayso iyo waxa madaxweynuhu sheegayo ayaa kala duwanaaday,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa intaas kusii daray “Itoobiya waxay tidhi, marka badda nala siiyo kadib ayaannu ka fikiraynaa ictiraafka, halka madaxweynihii hore uu sheegayay wax ka duwan taas.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka shaqayn doonaan sidii Somaliland ay dal madax-bannaan u noqon lahayd, xiriiro laga wada faa’iidaystana ay adduunka ula yeelan lahayd.

“Haddii uu ina anfacayo oo ictiraafkeenu ku jiro, annaga ayaa ka jecel cid walba in aanu ogolaanno. Waanu eegi doonaa, waanu ka balansannahay. Itoobiyana intaa ayaannu u sheegnay, way inoo fududaanaysa haddii dalalka jaarku ina ictiraafaan,” ayuu yiri.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa imanaya sanad kadib iyadoo is-afgaradka Itoobiya aan loo beddelin heshiis rasmi ah, islamarkaana uu heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya ee Ankara markale sii xumeeyay rejada laga qabo hirgelinta is-afgaradkaasi.

Xogta duqeyn culus oo maanta ka dhacday aagga Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah kasoo saartay duqeyn culus oo ka dhacday deegaan u dhow magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Howl-galkan oo ay wadajir isaga kaashadeen ciidanka qaranka Soomaaliya iyo ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa ka dhacay deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 35 KM waqooyi galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galkan ayaa lagu bur-buriyay koox ka tirsan Al-Sjabaab oo isoo abaabushay, islamarkaana damacsanaa inay soo qaadaan weerar qorsheysan, sida lagu sheegay bayaan kasoo wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Howlgalka ayaa waxaa looga hortagey waxyeeladii ay doonayeen inay geystaan kooxda ka tirsan Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Xogta khasaaraha horudhaca ah ee gaaray maleeshiyaadka la duqeeyay ayaa inta la xaqiijiyay gaareysa illaa 10 dhimasho ah.

Mana jirto wax khasaare ah oo duqeyntan kasoo gaaray dadka rayidka, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Ciidanka qaranka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo ciidanka Mareykanka ay qeyb weyn ka yihiin waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta iyo ka hortagga weerarrada abaabulan ee kooxdu ku doonayso in ay ku dhibaatayso shacabka Soomaaliyeed,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka dowladda.

Bashiir Goobe oo ugu dambeyn maca-salaameyay wasaaraddii lagu weeraray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka ayaa maanta si rasmi ah xilkii u wareejiyay, kadib muddo si weyn loogu weerararay xilkaas.

Munaasabadda ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu maanta ra’iisul wasaadaha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu xilalka ugu kala wareejiyey wasiirrada wasaaradaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada iyo qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ay kaalin muhiim ka qaadanayso dedaalka adduunyadu ugu jirto in xal waara loo helo saameynta isbeddelka Cimilada iyo wax-ka qabashada iyo maareynta dhibaatooyinka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu xusay in wasaaradda qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka ay fure u tahay ilaalinta xuquuqda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

Mudane Xamza ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta wasaaradaha, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka Xukuumadda ee ku saleysan horumarinta deegaanka, isbeddelka cimilada, kobcinta xuquuqda aadanaha, iyo taageerada bulshada nugul.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa labada wasiir uga mahad-celiyey shaqadii muhiimka ahayd ee ay soo qabteen, wuxuunna kula dardaamay inay shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan si hufan.

Si kastaba, wasiirkii hore ee qoyska Bashiir Goobe ayaa kahor inta aan laga beddelin wasaaradda wuxuu dhalleeceyn xooggan kala kulmayay qaar kamid bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay tahay wasaarad si gaar ah u metesha haweenka.

Wararkii ugu dambeeyay ee foolkaanaha iyo dhul gariirka ka dhacay Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Daad-gureyn ayaa ka socotay dalka Itoobiya kadib markii ay dhaceen dhul-gariiro dhowr ah, oo kii ugu xoogganaa uu cabbirkiisu ahaa 5.8, kaasi oo ku dhuftay waqooyiga fog ee Itoobiya.

Dhul-gariirka ayaa waxa xuddun u ahaa dhulka miyiga ah ee gobollada Afar, Oromiya iyo Amxaara ka dib bilo uu jiray dhaq-dhaqaaq dhul oo xooggan.

Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Adeegga isgaarsiinta ee dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ku dhawaad 80,000 oo qof ay ku nool yihiin gobollada ay dhibaatadu saameysey, islamarkaana kuwa ugu nugul loo rarayo hoy ku meel gaar ah.

“Dhul gariiradu waa ay sii kordhayaan marka loo eego baaxadda iyo soo noq-noqoshada,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen, iyagoo intaasi ku daray in loo diray khubaro soo qiimeeya khasaaraha.

Guddiga Maareynta Khatarta Musiibooyinka Itoobiya ayaa sheegay in 20,573 qof loo daad-gureeyay degaannada nabdoon ee Afar iyo Oromiya, tiradaas oo mid ah illaa 51,000 qof oo ah “dad nugul”.

Waxaa sidoo kale socday qorshayaal lagu rarayo in ka badan 8,000 oo qof oo ku nool Oromiya “maalmaha soo socda”, ayay hay’addu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Dhul-gariirkii ugu dambeeyay oo cabirkiisu ahaa 4.7 ayaa ku dhuftay wax yar ka hor 12:40 pm meel qiyaastii 33 kiiloomitir waqooyi ka xigta magaalada Metehara ee gobolka Oromiya, sida ay sheegtay Xarunta European-Mediterranean Seismologic.

Dhul-gariirka ayaa waxyeelo u geystay guryo wuxuuna abuuray halis ah in folkaano uu ka qarxi karo Buurta Dofan ee u dhow Segento ee waqooyi bari gobolka Afar.

Dhul-gariirada ayaa ku badan Itoobiya sababo la xiriir halka ay ku taallo ee ku teedsan Great Rift Valley, oo ah mid ka mid ah meelaha ugu firfircoon dhul-gariirrada.

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabadii ay qaadeen mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabadii ay xalay qaadeen xubnaha mucaaradka oo bayaan ay soo saareen uga hadlay muranada dhulalka ee ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan barakicinta dhulalka danta guud.

Qoraalka oo ay si wadajir usoo saareen Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa digniin culus loogu diray ganacstada “sida sharcidarrada ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in ay ku kadsoomaan milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda,” sida loo dhigay qoraalkaan.

Saddexda nin ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay wax ay ugu yeereen “booli qaran” oo hantida danta guud ah.

“Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Haddaba sidee looga fal-celiyay?

Cali Malaas ayaa yiri “Ganacsato inta aad faa’iido doonaysaan dalkiinna bur bur ha u horseedina”.

Xasan Xaaji Cadow “Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed dalka amni iyo cadaalad ayuu baahi daran ugu qabaa waxaa aaminsanahay in talada dalkaan adiga ku baahantahay , si aan yoolkaas u gaarno”.

Siyaad Maxamed Dool ayaa isna ku jawaabay “Waa muhiim in la difaaco hantida shacabka”.

Cabdullaahi Barakaad “Waaa cawaaqib xumo ka dhalan karto milkilaha beentaa iyo dowlada Soomaaliya 2026”.

Bulxan Goley “War caano daatay dabadood baa la qabtaa ee bal dhulka danta guud halaga gaaro”.

AMNESTY oo Israel ku eedeysay inay ku kacday xasuuq daran

London (Caasimada Online) – Warbixin ay maanta soo saartay Hey’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa waxay ku eedeysay Isra’il in ay xasuuq u geysatay dadka reer Falastiin ee ku nool Marinka Gaza.

Kooxdan xuquuqda aadanaha ee xaruntoodu tahay London ayaa sheegay in gabagaba warbixintoodu ay ku saleeyeen, kaddib bilooyin ay falan-qeynayeen dhacdooyinka Gaza iyo hadallada saraakiisha dowladda Isra’il.

Warbixinta ayaa ku eedeysay Isra’il in ay si ula kac ah u burburineyso Falastiiniyiinta iyada oo adeegsaneyso weeraro lagu hoobtay, burburin ay u geysaneyso kaabayaasha muhiimka ah ee Gaza, iyo in ay si ula kac ah u hor istaageyso in Gaza la geeyo cunto, dawo iyo agabyada kale ee aasaasiga ah.

Amnesty waxay sheegtay in xadka sharciga ah ee lagu qeexo danbiyada xasuuqa la gaaray muddada inta uu socday dagaalka wali ka taagan Gaza.

Israa’iil ayaa si joogto ah u diiday eedaymo kasta oo xasuuq ah, iyadoo sheegtay inay ixtiraamayso sharciga caalamiga ah, ayna xaq u leedahay inay is difaacdo ka dib weerarkii ay Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il todobadi bishi Ocober ee sannadki 2023-ki.

Wali wax jawaab deg deg ah kama aysan bixin saraakiisha Isra’il, warbixinta saakay kasoo baxday Amnesty.

Israa;iil ayaa Gaza ku qaadday dagaal cirka, dhulka iyo badda ah, kaddib weerarki Xamaas ee bilowgi October ee sannadki hore. Weerarkaas ayay Isra’il sheegtay in ay Xamaas ku dishay ilaa 1,200 oo qof, isla markaana afduubtay 250 Isra’iliyiin ah.

Hase yeeshee, duqeymaha cirka ah ee ay Isra’il ka waddo Gaza ayaa la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 45,000 oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

Daawo: Askartii lagu laayay SH/DHEXE oo maanta lagu aasay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta aas loogu sameeyay todobadii askari ee dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii loo beegsaday aano qabiil darteed.

Maydadka askartan oo maalmo yaalay ayaa ugu dambeyn maanta la aasay, kadib markii is-afgarad hordhac laga gaaray kiiskan oo xiisad culus ka abuuray HirShabelle.

Dadaallada lagu gaaray aaska iyo xal u helidda dhacdadan waxaa ku baxay odayaal ka tirsan Beesha Abgaal oo uu hoggaaminayo Imaamka Muddulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ka baxay Muqdisho, kuna sugan magaalada Beledweyne.

Odayaasha Xamar ka tegay ayaa wada-hadallo aan loo kala kicin la yeeshay odayaasha dhaqanka Beesha Xawaadle oo ay ka dhasheen wiilasha lagu laayay Shabeelaha Dhexe, waxayna isku raaceen in marka hore la aaso askarta, kadibna laga war sugo go’aanka dowladda Soomaaliya oo la wareegtay kiiskaasi.

Sidoo kale waxaa Beledweyne ku sugan taliyaha NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku howlan xal u helida dhacdadaan, isaga oo odayaasha ku qanciyay inay arrinta ug dambeeyay dowladda dhexe, maadaama ay la wareegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Dhacdadan ayaa dad badan ay ka xumaadeen, maadaama askar Soomaaliyeed oo ku howlanaaa difaaca qarankooda waddada loo galay, kadibna la laayay.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Wafdi culus oo ka socda TURKIGA oo kusoo wajahan Muqdisho + Qorshaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dalka Turkuga ayaa lagu wadaa inay dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan dhaq-dhaqaaqyo ku aadan sii xoojinta xiriirka labada dowladood.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdigan oo ah mid sare ayaa hordhac u ah safar la filayo in Muqdisho uu ku yimaado madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo isku mari doono Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhowaan ku guuleystay inuu heshiis dhex dhigo labada dal.

Wafdiga ka imaanaya Turkiga ayaa ka shaqeyn doono qaban-qaabada safarka madaxweynahooda oo dhowaan shaaciyay in uu horraanta bishaan ku imaanayo Soomaaliya, sida ay horay u shaacisay dowladda Turkiga.

Sidoo kale wafdiga Turkiga ayaa kulamo hordhac ah a qaadan doono madaxda sare ee dowladda federaalka iyo howlwadeennada ku sugan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo mas’uuliyiinta Turkiga uu soo dirayo ay isla shaqey doonaan guddiga ka imaanaya dowladda federaalka ee soo dhaweynta Erdogan u xilsaaran, waxayna isla dejin doonaan hab maamuuska loo diyaarinayo madaxweynaha.

Dhanka kale,  Recep Tayyip Erdogan ayaa marka uu safar ku yimaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho sidoo kale sii mari doonna magaalada Addis Ababa ee Itoobiya sida uu ku sheegay qoraal uu kol hore soo geliyay Bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo saaxibtinimo, iyada oo haatan Ankara ay Muqdisho ka taageerto dhinacyo muhiim ah, sida bani’aadanimada iyo milatariga, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka iyo qalabeyntooda,.

Si kastaba, Erdogan ayaa safarkiisii ugu horreeyay Soomaaliya ku yimid bishii August ee sanadkii 2011-kii isaga oo ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga, xiligaas oo xaalad adag oo dhanka abaaraha ah ay ka jirtay dalka, Muqdishana ay ku sugaayeen baracakayaal badan.

Tallaabadii ugu horreysay ee Soomaaliya ay qaaday kadib kursiga Golaha Ammaanka

New York (Caasimada Online) – Soomaaliya oo dhowaan xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka QM, ayaa fadhiggii ugu horreeyey ee ay ka qeyb-gasho ugu baaqday Israa’iil inay joojiso dagaalka Gaza, ayna ixtiraamto shuruucda bani’aadannimada iyadoo u oggolaanaysa in gargaarka la gaarsiiyo malaayiin rayid ah oo dhibaataysan ka hor cimilada qabowga. 

Baaqan ayaa waxaa jeediyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan “Baali”, isagoo warbixintii ugu horeysay siiyay Golaha Ammaanka. 

Abuukar ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Golaha Ammaanka yeeshay oo looga hadlayay Gaza iyo Bariga Dhexe, iyadoo xubnaha Goluhu ay warbixin ku saabsan xaaladda dagaalka Gaza ka heleen Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee QM, Volker Türk.

Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalkiisu uu ka walaacsan yahay xaaladda nololeed ee dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta, oo ay dhibaato ka soo gaartay dagaallada iyo macluusha ay Israa’iil ku hayso.

Waxa uu ku booriyay maamulka Israel in ay joojiyaan weerarada ay ku hayaan isbitaallada ayna sameeyaan dadaal dheeri ah si loo xaqiijiyo in gargaarka nafta lagu badbaadiyo uu gaaro dadka rayidka ah ee gaajaysan ee ku nool dhulka la haysto ee Falastiin.

“Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda sii xumaanaysa ee Gaza iyo dhibaatada sii socota ee dadka reer Falastiin, taas oo ay ugu wacan tahay colaadda daba dheeraatay ee hadda socota in ka badan 14 bilood,” ayuu Abuukar Baalle ku yiri warbixintiisa.

Soomaaliya ayaa sheegtay in tirakoobkii ugu dambeeyay ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee Falastiin uu ahaa mid naxdin leh oo 94 boqolkiiba xarumaha caafimaadka ee Gaza ay waxyeello u geysatay ama burburisay Israa’iil, kaliya 17 isbitaal ayaa ka soo haray 36 isbitaal oo shaqeynaya. 

Soomaaliya ayaa sheegtay in Falastiiniyiinta aysan haysan waxyaabaha aas-aasiga u ah nolosha sida cunno, biyo, hoy iyo dawo, taasi oo ay sabab u tahay go’doominta gargaarka ee Israel ay ku hayso Gaza. 

Waxay sheegtay in mid ka mid ah isbitaallada ugu cusub uguna weyn ee la beegsaday uu yahay Kamal Atwan Hospital, oo agaasimihiisa, Dr. Hossam Abu Safiya, ay xireen ciidamada Difaaca Israel.

Soomaaliya ayaa ka digtay in weerarrada joogtada ah ee isbitaallada lagu qaado ay ka dhigan yihiin isir sifeyn lagu sameeyo Falastiiniyiinta. 

“Weerarada si ula kac ah loo geystay Cisbitaalka Kamaal Atwan iyo xarumo kale oo caafimaad iyo shaqaale ayaa ah nooc ka mid ah isir sifeyn iyo ciqaab wadareed oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee Gaza,” ayuu yiri danjiraha Soomaaliya. 

Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, iyadoo sheegtay in dhibaatada Israel iyo Falastiin aan lagu xalin karin qaab ciidan oo kaliya, balse ay ku dhamaan karto oo kaliya in la helo dowlad Falastiiniyiin ah oo ay caasimad u tahay magaalada Qudus, sida ku cad go’aanadii hore ee Golaha Ammaanka.