Bashiir Goobe oo ugu dambeyn maca-salaameyay wasaaraddii lagu weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka ayaa maanta si rasmi ah xilkii u wareejiyay, kadib muddo si weyn loogu weerararay xilkaas.

Munaasabadda ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu maanta ra’iisul wasaadaha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu xilalka ugu kala wareejiyey wasiirrada wasaaradaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada iyo qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ay kaalin muhiim ka qaadanayso dedaalka adduunyadu ugu jirto in xal waara loo helo saameynta isbeddelka Cimilada iyo wax-ka qabashada iyo maareynta dhibaatooyinka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu xusay in wasaaradda qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka ay fure u tahay ilaalinta xuquuqda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

Mudane Xamza ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta wasaaradaha, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka Xukuumadda ee ku saleysan horumarinta deegaanka, isbeddelka cimilada, kobcinta xuquuqda aadanaha, iyo taageerada bulshada nugul.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa labada wasiir uga mahad-celiyey shaqadii muhiimka ahayd ee ay soo qabteen, wuxuunna kula dardaamay inay shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan si hufan.

Si kastaba, wasiirkii hore ee qoyska Bashiir Goobe ayaa kahor inta aan laga beddelin wasaaradda wuxuu dhalleeceyn xooggan kala kulmayay qaar kamid bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay tahay wasaarad si gaar ah u metesha haweenka.