25.7 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xogta shir kale oo xasaasi ah oo Soomaaliya iyo Masar ay ku yeelan doonaan Qaahira

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Masar ayaa ku balansan wadahadallo kale oo 15 ilaa 17-ka bishaan ka dhici doona magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana looga tashanayaa qorshaha ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya.

Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in tashigaan uu yahay kii ugu dambeeyey, maadaama horay loo go’aamiyey in ciidamada Masar lasoo geliyo Soomaaliya.

Ciidamada Masar ayaa ka qeyb qaadan doona howlgalka cusub ee Midowga Afrika  ee AUSSOM, wadahadallada Qaahira ka dhacaya waxaa lagu cayimi doonaa goobaha ay ka howlgelayaan ciidankaas iyo qodobo kale oo quseeya howlgalka ciidanka Masar ay ka bilaabi doonaan Soomaaliya.

Ciidamada Masar ayaa laga yaabaa inay wax ka bedelaan dhaq-dhaqaaqa awoodeed ee Geeska Afrika, maadaama Itoobiya ay halis weyn u aragto in Masar ay awood militeri la timaado Geeska Afrika.

Heshiiska Militeri ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku yimid siyaasad xumada Itoobiya iyo daandaansi ay Addis Ababa ku bilowday Muqdisho, waxayna Itoobiyaanku cod dheer ku sheegeen, kuna celceliyaan in militeriga Masar oo yimaada Geeska Afrika uu khatar weyn geli karo amnigooda.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa 6-dii bishaan xaqiijiyay mowqifka taageero ee Masar ee ku aadan Soomaaliya, mar uu khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.

Baaqan ayaa ku soo beegmaya laba toddobaad un kadib, booqashadii Fiqi ee Qaahira, halkaas oo Masar iyo Soomaaliya ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo Hawlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee billowday 1-dii bishaan Janaayo 2025.

Wadahadalada hadda la iclaamiyey kadib, Masar ayaa qorsheyneysa in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneysa dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowda ee AUSSOM.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa ku warramay in Qaahira ay toos ugada geleyso qorshaheeda, isla markaana ay xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya, aadna ay u daneyneyso, maadaama ay kula loolameyso Itoobiya.

Daawo: Sanbaloolshe oo beeshiisa ka codsaday inay ka tiraan CEEBTA ka taagan deegaankiisa

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda NISA Cabdullahi Sanbalooshe oo magaalada Beledweyne ku sugan tan iyo markii uu Ceelbaraf ka dhacay falkii xanuunka badnaa ee lagu dilay 6 kamid ah ciidanka xoogga dalka oo aano qabiil loo dilay ayaa maanta hadlay, wuxuuna ku guuleystay inta xalinta khilaafkii maamul ee ka taagnaa Hiiraan.

Sanbaloolshe ayaa u gardhigtay qaar ka mida waxgaradka magaalada Beledweyne, isagoo si cad ugu sheegay in amni darrada Beledweyne ka jirta ay isaga si gaar ah caqabad ugu tahay, maadaama mar kasta la weydiiyo sida uu wax uga qaban karo amniga guud ee dalka, isagoo xal u heli waayay magaaladii uu ka soo jeeday.

Sanbaloolshe ayaa maanta sheegay in mudadii uu joogay Beledweyne uu ku guuleystay xalinta inta badan mushkiladihii jiray, isagoo dadkiisa ka codsaday in laga tiro ceebta faaftay ee ah “deegaankii aad kasoo jeeday ayaa nabad aheyne ma dalkaan ayaad amnigiisa sugi kartaa?”

“Maanta waxaan hortiina keenay Cabdullahi Fanay iyo raggii kale ee sheegtay Hiiraan State, kuwaas oo awoodoodii aniga igu soo wareejiyey, waxaan idinka rabaa in maleeshiyaadka iyo isbaarooyinka laga qaado magaaladaan,” ayuu yiri Taliyaha NISA oo Beledweyne ku sugan.

Sidoo kale Taliyaha NISA ayaa waxgaradka beeshiisa u sheegay in waxa Hiiraan ka jira ay boog gooni ah ku tahay isaga, wuxuuna yiri “Waa idin baryaa boogtaas iga tira,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sanbaloolshe.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugnaa madasha uu Sanbaloolshe kula hadlay waxgaradka reer Beledweyne ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Hiiraan oo hoggaan u aheyd xoreynta dalka uu maanta amnigeedii faraha ka baxay.

“Magaaladaan Baladweyne iyo guud ahaan Gobolkaan Hiiraan waxaan ognahay kalintii ay dadkiisu ku lahaayeen kacdoonkii Khawaarijta dalka looga xoreeyay, maanta in aan amnigeedii walaac ka muujinayno nasiib daro weyn weeye, waana wixii uu cadowgiina ku taamaayey ee sidaan wax ka bedela, sida Hiiraan maanta tahay wax loo sii dul qaada karo maaha,” ayuu yiri Taliye Odowaa.

Agaasimaha NISA ayaa sheegay in hadda kadib ay isaga toos u hoos imaa doonto talada gobolka Hiiraan, maadaama uu meesha ka saaray xubnihii u ololeynaayey Hiiraan State iyo in HirShabeelle la kala gooyo, kuwaas oo heshiis la galay Dowladda Federaalka, kana tanaasulay qorshahoodii.

Inkastoo Sanbaloolshe uusan cadeyn mowqifkiisa wadajirka HirShabeelle iyo waxa uga qorsheysan, hadana wuxuu doonayaa in awooda gobolkaas uu xasiiskiisa hoos keeno, isagoo amray in la qaado isbaarooyin, lagana saaro maleeshiyaadka hubeysan xeryaha dowladda ee lagu wareejiyey ciidamada qaranka.

Hoos ka daawo

Wasiir Fiqi oo qaadaya tallaabo la xiriirta siyaasadeynta deeqaha ay hesho Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay inay ka hortagi doonaan deeqaha bini’adaannimo ee la siyaasadeeyo.

Wasiirka ayaa shaaciyay in wasaaradda arrimaha dibadda ay qaadan doonto doorkeedii la xisaabtanka hay’addaha caalamiga ah ee deeqaha siiya Soomaaliya

Sidoo kale wuxuu si adag uga digay deeqaha la siyaasadeenayo, isagoo tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay la socoto kuwa falalkaasi gacanta kula jira.

Warka Wasiir Fiqi ayaa ku soo aadaya iyadoo reer Puntland ay maalmahaan muujinayeen cabasho weyn oo ay ka qabaan sida dowladda federaalka ay u qeybiso deeqaha dalku helo.

Kiiskii ugu dambeeyey ee Puntland ka carootay wuxuu ahaa qaabka loo qeybiyey gaadiid Cagaf ah oo dowladda Soomaaliya ay siisay dowlad goboleedyada, qeybinta gaadiidkaas ayaa lagu bahdilay Puntland.

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa qeybisay 26 Cagaf oo kuwa beeraha fala ah, waxaana dowlad goboleedyada loo siiyey min 5 Cagaf, halka Puntland la siiyey 2 kaliya.

Degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo Muqdisho u dhow iyo deegaanada ku xeeran ayaa sidoo kale loo qeybiyey 4 Cagaf oo ka dheeri ah kuwa la siiyey dowlad goboleedyada ay ka kala tirsan yihiin, maadaama aad loo maal-gashaday wax soo saarkooda.

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sida qeybinta gaadiidkaas beeraha fala loogu bahdilay Puntland oo diiday inay la shaqeyso dowladda federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale cayimtay deegaanka la gey doono labada Cagaf oo loo qoondeeyey Puntland, horay waxaa deegaanada maamulkaas uga taagnaa cabashooyin kale oo la xiriira mashaariicda dowlad goboleedyada loogu soo dhiibo dowladda Federaalka, sida dhismaha wadooyinka.

PUNTLAND oo go’aan ka gaartay ajaaniibta ku jirta Daacish

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Puntland Marine Police Force oo ka hadlay howlgallada ka socda gobolka Bari ayaa shaaciyay go’aan culus oo ka dhan ah kooxda Daacish oo haatan dagaal xooggan kula jirta Puntland.

Sarkaal sare oo u hadlay ciidanka PMPF ayaa ku dhowaaqay in haatan wixii ka dambeeya uunu wax cafis ah la siin doonin xubnaha ajaaniibta ee ka barbar dagaalama kooxda Daacish, kuna dhuumaaleysanaya dhulka buuraleyda ee gobolkaasi.

Waxa uu tilmaamay in ay yihiin rag soo duulay oo cadow ah, kana socda dalal shisheeye oo kala duwan, balse ay ka hortagi doonaan qorshahooda.

“Argagixisada ajaanibta ah ee ka timid dalal kala duwan looma fidin doono wax cafis ah,” ayuu yiri General Cabdiraxman oo ka tirsan saraakiisha ciidanka PMPF (Puntland Marine Police Force).

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in fursaddii ugu dambeysayay ay siiyeen xubnaha Soomaalida ah ee Daacish ka tirsan, si ay isu soo dhiibaan kahor inta aan la weerarin.

Go’aankan ayaa kuso aaday, kaddib markii dhawaan 12 xubnood oo ajaanib ah oo ka tirsan Daacish ay weerar ka geysteen deegaanka Dharjaalle ee gobolka Bari, halkaas oo uu khasaare kasoo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo loo diyaariyay howlgalka.

Ciidamada Puntland ayaa hadda isku fuliyay aagga buuraha Calmiskaas, halkaas oo ay ka wadaan guluf dagaal oo ka dhan ah Daacish oo halkaas ku leh fariisimo waa wayn.

Xildhibaanno ka digay qorshe culus oo ay DF ka wado xadka KENYA

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya, lagana soo doorto Jubbaland ayaa war culus oo xasaasi ah kasoo saaray xiisadda kasii dareyso ee u dhexeyso Axmed Madoobe iyo dowladda dhexe.

Xildhibaannadan oo gaaraya illaa 35 Mudane ayaa shaaca ka qaaday inay la socdaan dhaq-dhaqaaqyo ay sheegeen in dowladdu ka bilowday xadka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo ay tilmaameen in qalalaase looga abuurayo deegaannada Jubbaland.

Bayaankan ayaa waxaa digniin loogu diray xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ay xildhibaannadu ku eedeeyeen inay mas’uul ka yihiin qorshaha ka socda halkaasi.

Xubnaha soo saaray warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo maleeshiyaad ah iyo hub lagu diyaarinayo xadka labada dal, si qalalaase loo geliyo Jubbaland, iyaga oo xusay in wixii ka yimaada ay qaadi dooto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in hoggaanka dowladda federaalka ay uga digayaan in ay ka waantoobaan qorshahaas, isla markaana ay dib usoo celiyaan shakhsiyaadka ay hore u geeyeen deegaanada xuduudka ku teedsan.

Dhanka kale, waxa ay farriin u direen Jubbaland iyo Kenya oo ay ugu baaqeen inay ka feejignaadaan abaabulka ciidan ee ka socda deegaannada u dhow xuduuda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli halkeeda tahay xiisadda u dhexeyso Kismaayo iyo Muqdisho ee ka dhalatay dib u doorashadii Axmed Madoobe, taas oo isku rogtay gacan ka hadal, kadib markii ay labada dhinac ku dagaalameen Raaskamboobi iyo Doolow

JUXA oo ka horyimid xilka qaadista maamulka degmada Saaxo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo maanta war kooban soo saaray ayaa qaaday tallaabo culus, isaga oo ka horyimid xilka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii iyo ku xigeenkii degmada Saaxo ee gobolka Mudug.

Arrintan ayaa timid, kadib markii golaha deegaanka degmadaasi oo kulan yeeshay ay sheegeen in xilka ay ka qaadeen maamulka degmada, taas oo uu farogeliyay wasiirka.

Juxa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadistan ay sameeyeen golaha deegaanka degmada Saaxo, waxa uuna tilmaamay in weli ay aqoonsan yihiin guddoomiyaha iyo ku xigeenkisia, taas oo ka dhigan inay sii shaqeyn doonaan.

“Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdi Faarax Juxaa wuxuu go’aamiyey in aysan waxba ka jirin xilka qaadistii la sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyaha iyo guddoomiye Ku xigeenka degmada Saaxo ee gobolka Mudug” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Dhanka kale, qaar kamid ah golaha deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dooday inay kalsoonida kala noqdeen xubinihii maamulka oo ay u jeediyeen eedeymo culus.

Si kastaba, tallaabada deg-degga ah ee uu qaaday wasiir Juxa ayaa meesha ka saareyso go’aanka golaha, maadaama wasaaradda arrimaha ay iyada u xilsaaran tahaya arrimaha dowladaha hoose.

DF oo soo afjartay ‘Hiiraan State’ kadib tallaabo ay qaaday maanta + Video

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in lasoo afjaray khilaafkii muddada dheer ka taagnaa gobolka Hiiraan oo horay looga dhowaaqay maamul kasoo horjeeda HirShabelle oo la magac baxay ‘Hiiraan State’.

Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda,Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo indhowaanahan ku sugnaa Beledweyne ayaa heshiis la gaaray Cabdullaahi Cabdiraxmaan Ganey oo horay u sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka ‘Hiiraan State’, isaga oo dhaq-dhaqaaqyo ka waday gobolka, kadibna markii dambe aaday dhinaca dalka Itoobiya.

Sanbloolshe oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhammaaday khilaafkii, wada-hadalkoodana uu guul kusoo idlaaday.

“Muddo ayuu wada-hadal noo soo socday oo aan isku ognahay wadadalkaas illaa madaxda ugu sarreysa dowladda waa ku faraxsanahay in odayaasho ay wadahadalkaas ajiibeen, Soomaali ayaa nahay walaalow iyo walaalow ayaa ina deeqda” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan rabnaa in dib loo midoobo mad madowga jiro meesha laga saaro ammaankii gacanta lagu soo celiyo wadajirkii iyo walaalnimadii dadka ka dhexeysay dib loo soo celiyo”.

Dhinaca kale taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in wax dacwo ah aan loo haysan doonin Cabdullaahi Ganey, isla markaana uu meesha ka saari doono waaran soo qabasho ah oo ay dhowaan u jartay dowladda Soomaaliya.

“Waarankaas aniga ayaa Xamar tegi doono si loo hakiyo, nimankaana xeyndaabkii ayay dib ugu soo noqdeen wada-hadalkiina nabad ayuu ku soo dhammaaday” ayiuu mar kale yiri.

Arrintan ayaa ah guul wayn oo laga gaaray khilaafkii Hiiraan oo dib u dhigay HirShabelle, maadaama maamulka uu wajahay xaalad culus oo siyaasadeed.

Soomaalida oo ka maarmi doonta in ay DAL kale ka doontan VISA-ha Hindiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa soo gaaray wafdi ka socda safaaradda dalka Hindiya ee Kenya.

Wafdigan ayaa dalka u yimid sahminta qaabka ugu fudud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalaya dalkaas ay Visaha uga qaadan karaan magaalada Muqdisho.

Wafdigan ka socda Hindiya ayaa waxaaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi po ay ka wada-hadleen arrintaan oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ee inta badan arrimaha caafimaad u aada dalkaasi.

Shaqadan oo dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsanayd lixdii bilood ee u dambaysay ayaa la rajaynaynaa in ay mar dhow miradhal noqon doonto.

Tan ayaa ka dhigan in laga maarmi doono in bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka, gaar ahaan kuwa xanuunsan ay dalal kale u safraan si ay Visa-ha halkaas uga helaan.

Soomaalida ayaa ku jirta dadka ugu badan dunida ee arrimaha caafimaadka u taga dalka Hindiya, balse safaarad iyo qunsliyad toona kuma lahan Soomaaliya, taasi oo qofka Soomaaliga ah ku kaliftay in wadan kale uu dal ku galka Hindiya kasii qaato.

Dadka Soomaaliyeed ee caafimaadka u aadaya Hindiya ayaa badankood Visa-ha ka dalban jireen Addis Ababa, maadaama Soomaalida ay dalka Itoobiya ku tegi karto fiisa la’aan, halka Kenya qofka Soomaaliga ah laga doonayo inuu fiise ku galo.

Maxay yihiin arrimaha dib u dhigay gobolka Hiiraan ee laga qeyliyay?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Gobolka Hiiraan ayaa waxaa si weyn h ragaadiyay dhibaatooyinka saameynta yeeshay ee laga dhaxlay Isbaarooyinka iyo amni darrada, sida uu sheegay wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya.

Wasiir Daahir Shire oo arrimahan dib u dhigay gobolka ka qeyliyay ayaa la hadlay odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, isagok ku wargeliyay in loo baahan yahay in xal waara laga gaaro arrimahaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay qaar kamid ah ganacsatada ugu weyn ee gobolka, oo uu sheegay inay hoos u dhac weyn uu ku yimid badeecadihii iyo xoolihii ay iib geyn jireen sababo la xiriira lacagaha looga qaato isbaarooyinka.

“Waddadaan dheer dadka ayaa lagu dhibaa, taasna looma dulqaadan karo,” ayuu yiri wasiirka batroolka iyo macdanta XFS Daahir Shire.

Waxa uu intaas kusii daray “Halkaan waxaa igu yimid nin walaal ah oo ehelka ah, ahna dadka ugu horreeya ee qaaranka la weydiisto, waa gacmo deystay ayuu idhahay, waxa uu ii sheegay in uusan 8 bil neef rarin sabab la xiriirta in ammaan darrada iyo jidkaas lagu jiro.”

Wasiirka ayaa tilmaamay in haddii la rabo horumar iyo barwaaqo la gaarsiiyo gobolka in meel adag laga istaago dadka ka shaqeynaya dib u dhaca ee ku howlan amni darrada iyo isbaarooyinka.

Ugu dambeyntiina wuxuu dib ugu celiyay odayaasha dhaqanka ka fal-celinta arrintaan, maadaama qof kamid ah dadkaas burcadda ah haddii uu dhib geysto iyaga dib loogu soo celiyo, waxa uuna soo jeediyay in inta aysan daba dheeraan ama tallaabo kale qaadin laga hortagi arrintaasi.

Wax badan ka ogow fayraska ku faafaya Shiinaha ee dunidu ay ka walaacsan tahay

0

Beijing (Caasimada Online) – Caabuqa sii kordhaya ee fayraska neefmareenka ee loo yaqaanno metanemovirus (HMPV) ee Shiinaha ayaa walaac ku abuuray dad badan iyo waddamo badan, taas oo ay ugu wacan tahay isku ekaanshaha calaamadaha caabuqa faafa iyo hargabka caadiga ah.

Fayraskani waxa uu dadka soo xasuusiyay xanuunkii Corona ee mar saameeyay dunida oo dhan, kaas oo ka bilowday Shiinaha.

Marka laga hadlayo soo ifbaxa cusub ee fayriska ee Shiinaha, tani waxay muujinaysaa kor u kaca la socodka kiisaska, sida uu sheegay Dr. Dirar Al-Balaawi, oo ah bare sare iyo lataliyaha daaweynta cudurrada faafa.

Al-Balaawi oo u warramayay BBC-da laanteeda Carabiga ayaa sheegay in feyraskaan markii ugu horreysay laga helay dalka Holland sannadkii 2001-dii, balse waxa ay dadku aaminsan yihiin in uu muddo dheer ka hor jiray, inkasta oo uu cusub yahay daahfurkiisa.

Waxa uu intaa ku daray in fayraska loo tixgeliyo sababta labaad ee ugu badan ee cudurrada ku dhaca neefmareenka kuwaas oo si daran dadka u saameeya, cuduradaan ayaa aad u waxyeeleeyay carruurta da’doodu ay ka yar tahay shanta sano ee ku jira rugaha bukaan socodka ee Maraykanka, ka dib fayraskii syncytial breath (RSV), kaas oo ka tirsan isla qoyska.

Cilmibaarisyo la sameeyey ayaa tilmaamaya in caabuqa uu fido xilliyada gu’ga iyo jiilaalka, sida uu sheegay Dr. Al-Balaawi.

Dadka aadka ugu nugul caabuqa

Dr. Al-Balaawi waxa uu ku macneeyay in fayrasku uu ku dhaco da’ kasta, balse uu khatar weyn ku hayo carruurta yaryar, dadka da’da ah, dadka difaaca jirkoodu daciifka yahay iyo dadka qaba xanuunnada neefmareenka sida neefta, sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in qofka uu ku dhaco caabuqaan lagu arkayo calaamado fudud oo la mid ah hargabka, sida diif, qufac, cune xanuun iyo qandho, isaga oo intaa ku daray in mararka qaar uu cuduro halis ah ku keeno neefmareenka, sida oof-wareenka iyo burukiitada, oo u baahan kara, isbitaal, gaar ahaan kuwa ugu nugul.

Qaababka gudbinta iyo xawaaraha faafinta

Human metanemovirus (HMPV) waxaa lagu kala qaadaa, sida uu qabo Al-Balawi, iyada oo la soo marsiiyo dhibcaha neefsiga ee ka dhasha qufaca ama hindhisada, ama taabashada tooska ah ee meelaha fayraska wasakhaysan.

Waxa uu tilmaamay in xawaaraha faafitaanka fayraska aan si sax ah loo ogeyn, maadaama hadda la sameynayo daraasado si wanaagsan loogu fahmayo nooca gudbintiisa.

Siyaabaha looga hortagi karo

Waxa uu sheegay in fayrasku uusan hadda u muuqan mid leh khatar wayn oo caalami ah, balse ka warqabka astaamihiisa iyo siyaabaha looga hortagi karo ay muhiim u tahay in la xaddido fiditaankiisa iyo ilaalinta kooxaha halista ugu jira.

Waxa uu xusay in hababka looga hortagayo fayraska ay la mid yihiin kuwa loo isticmaalo ka hortagga caabuqyada iyo hargabka, oo ay kamid yihiin kuwaan;

  • Gacmaha si fiican ugu dhaq saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 ilbiriqsi
  • Ka fogow inaad ku taabato indhaha, sanka, iyo afka gacmo aan la dhaqin
  • Dabool afka iyo sanka adiga oo isticmaalaya maro ama shay nadiif ah marka aad qufacayso ama hindhisayso, ka dibna isla markiiba iska tuur
  • Nadiifi oo jeermiska ka qaad sheeyaasha inta badan la taabto
  • Guriga joog markaad jirran tahay si aad uga fogaato inaad dadka kale qaadsiiso.

Sida uu khatar u yahay iyo sida loo daweeyo

Mar la weydiiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la qaado tillaabooyin looga hortagayo faafitaankiisa, si la mid ah tillaabooyinka Corona, Al-Balaawi waxa uu sheegay in xilligan la joogo, aysan jirin cadeymo dhammaystiran oo muujinaya in ay lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabooyin adag, heerka socdaalka caalamiga ah.

Al-Balaawi waxa uu sheegay in aanay jirin dawo gaar ah oo lagu daweyn karo Metanemovirus-ka bini’aadamka, balse daawayntaasi ay inta badan ku xiran tahay in la yareeyo calaamadaha.

Dhakhtarku waxa uu ku taliyay in la nasto oo la cabo dareere badan, waxaa dheer in la isticmaalo dawooyinka aan farmashiyaha laga qorin si loo yareeyo xumadda iyo xanuunka.

Xaaladaha infekshanka daran, wuxuu aaminsan yahay in isbitaal dhigista laga yaabo inay lagama maarmaan noqoto, halkaas oo laga helayo daryeel, sida ogsijiinta.

Guud ahaan, khubaradu waxay carrabka ku adkeeyaan muhiimadda ay leedahay la socodka xaaladda iyo in si joogto ah loo cusboonaysiiyo macluumaadka iyada oo la samaynayo cilmibaaris ku saabsan horumarka metanemovirus (HMPV) ee aadanaha, sida uu qabo Al-Balawi.

Shiinuhu muxuu leeyahay?

Shir jaraa’id oo ay qabatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Mao Ning ayaa wax looga waydiiyay su’aalo ku saabsan mowduucan.

Waxa ay sheegtay in kiisas badan oo caabuqyada neefmareenka ah laga soo sheegay qaybta waqooyi inta lagu jiro jiilaalka.

Waxay xustay in “Xarumaha Qaranka ee Xakamaynta Cudurrada Shiinaha ay dhawaan qabteen shir jaraa’id si ay ugu dhawaaqaan tallaabooyin lagu xakameynayo cudurrada neefmareenka ee Shiinaha inta lagu jiro xilliga qaboobaha.”

Waxay intaas ku dartay, “Marka la barbardhigo sannadkii hore, cudurradani waxay noqdeen kuwo khatar yar oo aan fidin sannadkan, waxaan rabaa inaan kuu xaqiijiyo inay ammaan tahay inaad u safarto Shiinaha.”

Walaaca dalalka dariska la’ah Shiinaha

Waddamada deriska la ah Shiinaha ayaa si walaac leh ula socda xaaladda, iyadoo wasaaradda caafimaadka Indonesia ay maalmo ka hor soo saartay bayaan, iyadoo sheegtay in Indonesia ay “la soconayso gudbinta HMPV ee Shiinaha, iyo meelaha laga soo galo waddanka, waxaana ka mid ah tallaabooyinka sida karantiilinta rakaabka ka imanaya dibadda ee ay ka muuqdaan calaamadaha hargabka oo kale.

Wakaaladda wararka ee Indonesia ee Antara ayaa sheegtay in afhayeenka wasaaradda caafimaadka Vidya Vathi ay ku amartay dadka deegaanka in ay ka taxadaraan isticmaalka wajixirka iyo in gacmaha lagu dhaqo saabuun.

Si ka duwan Indonesia, Dr. Atul Goyal, oo ah agaasimaha guud ee Adeegyada Caafimaadka Hindiya, ayaa sheegay in aan loo baahnayn in laga walwalo.

Bayaan uu soo saaray Jimcihii, Goyal wuxuu ku sheegay inaysan jirin kiisas badan oo fayraska gudaha Hindiya.

Waxa uu intaa ku daray, “Waxaan si joogto ah ula soconaa xaaladda, sannadkii hore, ma jirin koror tirada cudurrada bishii December.”

Xarunta Shiinaha ee Xakamaynta iyo Kahortagga cudurrada ayaa daabacday xog muujinaysa koror muuqda oo caabuqyada neefmareenka intii lagu jiray Disembar gaar ahaan taariikhdu marka ay ahayd 16 ilaa 22, sanadkii hore ee 2024.

Isha: BBC

Somaliland oo sheegtay in aysan cadaab u galeyn ictiraaf dartiis

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ictiraafka ay sanadaha badan raadineyso aysan u galeyn naar, iyo inay dhibaato mutaan dadkeedu.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo shalay khudbad ka jeediyay baarlamaanka Somaliland ayaa arrintaan dul istaagay, isagoo caddeeyay inay mudnaanta koowaad siinayaan sidii ay Somaliland aqoonsi u heli laheyn, iyadoo dhibaato u keenayn dalka iyo dadka.

Wasiirka oo markaas ka hadlayey arrinta ku saabsan heshiiskii is-afgarad ee sanadkii hore gaareen Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay in uusan heshiiskaas ahayn mid daah-furan.

“Waxay Itoobiya tiri; waxaynu ka fikiraynaa ictiraafka marka aynu helno xeeb, meel ay yiraaahdeen Somaliland baanu aqoonsanaynaa ma jirto,” ayuu yiri wasiirka mar uu ka jawaabayay su’aal ay guddida arrimaha dibadda ee baarlamaanka ay heshiiskan ka weydiiyeen.

Heshiiskan ayuu sheegay in xukuumadda cusub iyo baarlamaankuba ay dib u eegis ku sameeyn doonaan, maadaama uu ku jiro mad-madow badan oo u baahan in si taxadar leh looga fiirsado.

“Waxaynu sameyn doonaa wax walb sidii aynu aqoonsi u heli lahayn, laakiin ictiraaf cadaab ku geli mayno, dadkeenana baabi’in mayno, waa in ictiraafku noqdaa mid faa’ido u leh danta Somaliland iyo danta dalkaas ee aqoonsiga bixinaya,” ayuu yiri wasiirka.

Waxa uu intaasi kusii daray “Wax macno ah ma leh in dalkeenii dal kale laga iibiyo oo dad kale u ogolaano in ay kheyraadkeena iyo nolosheenna maamulaan, kaliyana in la yiraahdo waanu idin aqoonsanay.”

Inkasta oo aanu jirin dal aqoonsaday Somaliland, haddana Somaliland ayaa muujisay inay leedahay wax kasta oo uu waddan u baahan yahay, iyadoo dhawr iyo soddonkii sanno ee u dambeeyey ka qabsoomeen doorashooyin loo arkayey inay yihiin kuwii ugu dimuquraadiga badnaa ee ka dhaca gobolka.

Erdogan oo ku goodiyay in ay faragelinayaan Suuriya, haddii…

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiye Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii sheegay in uu amri doono faragelin si looga hortago in Suuriya ay kala qeybsanto, digniintan oo si gaar ah ugu socota ciidamada Kurdiyiinta ee dalkaas.

“Ma aqbali karno qiil kasta oo Suuriya ay ku kala qaybsanto, haddii aan ogaanno khatarta ugu yar waxaan qaadi doonnaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri Erdogan isagoo intaas ku daray “waxaan leenahay awoodda”.

Digniinta Erdogan ayaa ah tii ugu dambeysay ee ku wajahan Xoogaga Dimoqraadiga Suuriya ee Kurdiyiinta ay u badan yihiin iyo Mareykanka oo taageeray duullaanka SDF ee ka dhanka ah Daacish.

Isaga oo sheegay in Suuriya aysan meelna uga banaanayn “argagixiso”, Erdogan wuxuu yiri “hadii ay khatartu soo baxdo, waxaan faragelin karnaa hal habeen”.

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay dagaal dhamaadkii todobaadka dhex maray kooxaha taageersan Turkiga iyo kuwa Kurdiyiinta ay u badan yihiin ee YPG, oo ah laf dhabarta SDF.

Ankara ayaa kooxda YPG u aragta garab ka mid ah xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK oo tan iyo 1980-meeyadii dagaal hubaysan kula jiray dowladda Turkiga, islamarkaana Turkiga iyo xulafadiisa reer galbeedka ay u aqoonsan yihiin dhaq-dhaqaaq argagixiso.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in “ciribtirka PKK/YPG ay waqti un naga xigto” isagoo sare u qaaday suurta-galnimada in kooxda ay ku biirto dowladda Suuriya oo ay hubka iska dhigto.

Hase yeeshee waxa uu ka digay in wadamada reer galbeedku aysan u isticmaalin khatarta Daacish “marmarsiiyo lagu xoojiyo PKK”.

Barlamanka Somaliland oo go’aan ka gaaray wasiirrada usoo magacaabay Cirro

Hargeysa (Caasimada Online) – 19 Wasiir oo ka tirsan xukuumadda cusub ee madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa hortagay shir-guddoonka iyo xildhibaanada Golaha Wakiillada.

Xubnahan oo ah qeybtii koowaad ee golaha wasiirada ee baarlamaanka hortegta ayuu shalay goluhu ka gutay waajibaadkooda la xiriira ansixintooda.

Dhammaan 19-ka wasiir ee hor tagay Golaha Wakiilladu, waxay Golaha ka hor jeediyeen hadalo kooban oo la xidhiidha arimaha mudnaanta u leh harumarinta leh, iyadoo mid mid golaha hortiisa ka sheegeen, ugana xog warameen qorshayaasha u dejisan iyo arimaha ay siinayaan mudnaanta ee la xidhiidha wasaaradaha uu madaxweynuhu u igmadey .

Dhammaan wasiirada hor tagay Golaha Wakiillada waxa ay mid mid gole weynaha uga codsadeen in loo ansixiyo xilalka Wasiir-nimo si ay u gataan hawlaha baaxda leh ee uu Madaxweynuhu u igmadey .

Intaas ka dib, Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu gole weynaha ka codsadey in mid mid cod gacan taag ah lagu ansixiyo wasiirada, taas oo uu golahu cod aqlabadiyad ah ku ansixiyeen dhammaan 19 wasiir ee maanta hor yimid .

Hoos ka aqriso liiska xubnaha iyo codadka lagu ansixiyey;

1. 65 Mudane ayaa ogolaaday in ahaado Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle in uu ahaado Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

2. 59 Mudane ayaa ogolaaday in ahaado Md. Cabdiraxaam Daahir Aadan in uu ahaado Wasirka Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Jsl, 3mudane ayaa diiday waxaana ka Aamusay 3mudane Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

3. 62-Mudane ayaa ogolaaday Md. Maxamed Yuusuf Cali (Ikacase) in uu ahaado Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga iyo Difaaca Jsl, cidiiday Ma jirto, waxaana Ka Aamusay 3mudane aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah Wasaarada Gaashaandhiga.

4. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Khadar Xuseen Cabdi in uu ahaado Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

5. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Ismaaciil Yuusuf Ducaale in uu ahaado Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

6. 65 Mudane ayaa ogolaaday Dr Xuseen Bashiir Xirsi in uu ahaado Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

7. 65 Mudane ayaa ogolaaday Mrwo. Milgo Maxamed Cilmi in ahaado Wasiirka Wasaarada Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

8. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Axmed Maxamed Faarax Coofle in ahaado Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

9. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Jamaal Maxamed Jaamac in ahaado Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

10. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cismaan Ibraahin (Af-gaab) in ahaado Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

11. 65 Mudane ayaa ogolaaday Mrwo Kaltuun Sh. Xassan Cabdi Madar in ahaato Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

12. 63 Mudane ayaa ogolaaday Md. Siciid Maxamed Buraale in uu ahaado Wasiirka Wasaarada Maalgashiga iyo Warshadaha Jsl. Cid Diiday ma jirto waxaana ka Aamusay 2mudane Gudoomiyuhuna ma codayn sida caadada ah.

13. 64 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cabdilaahi Cismaan Jaamac (Geeljire) in ahaado Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Jsl, cid Diiday aanay jirin 1mudane ayaa Ka Aamusay Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

14. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cabdilaahi Xassan Aadan Cawaale in ahaado Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo Horumarinta Dhaalaha Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

15. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cabdiraxmaan Xassan Nuux Furre in ahaado Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

16. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cabdilaahi Daahir Jaamac in ahaado Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Jsl, cid Diiday aanay jirin iyo 1mudana ka Aamusay Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

17. 63 Mudane ayaa ogolaaday Md. Xuseen Axmed Caydiid in ahaado Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, dhulka iyo Guryaynta Jsl, 2 mudane ayaa Diiday cid ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

18. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cabdale Maxamed Carab (Cabdle Sandheere) in ahaado Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jsl, cid Diiday iyo cid ka Aamusay aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

19. 64 Mudane ayaa ogolaaday Md. Xassan Axmed Ducaale (Maclin) in uu ahaado Wasiir Wasaarada Horumarinta Dawladaha Hoose iyo Magaalooyinka Jsl, waxaana Diday 1mudane cid ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

100 xildhibaan oo qiyaano qaran u heysata Xasan Sheekh kadib markii ajnabi loo xiray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad 100 Xildhibaan ayaa canbaareyn ka soo saaray qorshe ay sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ganacsiga dhoofinta xoolaha Soomaaliya ugu xiray hal ganacsade oo degan dalka Jabuuti.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ganacsadahaas uu yahay mid shisheeye oo uusanba Soomaali aheyn, iyagoo hoosta ka xariiqay in nolasha bulshada Soomaliyeed ay ku tiirsan tahay dhaqashada iyo dheefsiga xoolaha nool, isla markaana  saldhig ama laf-dhabar ay u yihiin qaab-dhismeedka dhaqaalaha dalka.

“Inta ay Soomaaliya jirtay, Xooluhu waxay door weyn ku lahaayeen nolosha dadka Soomaaliyeed, iyagoo si weyn uga soo gaybqaatay xasiloonida quutal-daruuriga, hab-nololeedka iyo dhaqaalaha bulshada,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xildhibaanada ku saxiixan warqadaan.

Xildhibaanada oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inay ka jawaabayaan cabasho ka soo yeertay bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu xiray gacansade shisheeye oo lagu magacaabo Abu-Yasir dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed, ninkaas oo ah nin ajnabiga ah oo taariikh madow ku leh gudaha Soomaaliya, ganacsato badan oo Soomaaliyeedna hore u dhacay deggana dalka Jabouti,” ayaa lagu yiri eedeyntaan ka soo yeertay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa sheegay in tani ay tahay markii u horaysay ee ay dhacdo in dhoofka xoolaha Soomaaliyeed hal shaqsi loo xiro “Hab-dhaqankan iyo maamul xumadaan aan laga firsan ee sida joogtada ah loogu xad gudbayo xaquuqaadka shucuubta Soomaaliyeed, wuxuu cunaqabataynayaa xaqa ganacsiga xorta ah ee muwaadinka, wuxuuna dhabar jab ku noqonayaa kobcinta dhaqaalaha wadanka,” ayaa lagu yiri qoraalka Xildhibaanada.

Sidoo kale waxay sheegeen in tani ay abuurayso in dad tiro badan oo ku tiirsanaa Xoolaha nool ay waayeen nolol maalmeedkoodi, iyagoo sheegay wadanka ay u horseedayso dhaqaale burbur baahsan oo ka daran kan maanta Soomaalidu wajahayso.

“Go’aankaas qaldani wuxuu saaxada ka saarayaa ganacsato Soomaaliyeed oo tiro badan, ganacsi xor ah, sinnaan iyo tartan cadaalad ah. Wuxuu horseedayaa musuqmaasuq, burbur dhaqaale iyo shacab Soomaaliyeed oo ku shaqo waaya,” ayaa lagu yiri qoraalka Xildhibaanada.

Sidoo kale waxay sheegeen in go’aankan dowladnimada uusan meelna ka soo gelin, marnaba ma nogon karo mid la aqbali karo. Waxana la wadaagaynaa oo ku boorrinaynaa goleyaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed, wax-garadka, ganacsatada, culimada, bulsho weynta Soomaaliyeed iyo ururrada rayidka ah, inay si adag uga gutaan waajibka ka saaran wadanka, oo ay si degdega uga hor yimaadaan cunaqabataynta iyo xad gudubkaa dhaqaale ee lagu hayo ummaddaa Soomaaliyeed, si loo badbaadiyo xoolaheena, hab nolo-leedka bulshada iyo dhaqaalaha waddanka.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay caddeynayaan in qalinka iyo shaqada qaran loo isticmaalo “dano gurracan waa dambi Qaran”’sidaas daraadeedna ay dalbanayaan in loo wada istaago bad-baadinta dhaqaalaha dalka.

LIiska Soo Saaray War-Saxaafadeedkan:

  1. Xil. Ahmed Abdi Koshin
  2. Xil. Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan

3.Xil. Faadumo Ismaacil

  1. Xil. Ifraax Cawed (Nooleeye)
  2. Sen. Axmed Ibrahim Maxamed (Abwaan Qorane)
  3. Xil. Caydaruus Yusuf Saalax
  4. Xil. Abdullahi Hussein Ali (Abdalla Qaanuuni)
  5. Xil. Mohamed Barre Cumar ( Fiyoore)
  6. Sen. Prof. Abdi Ismail Samatar
  7. Xil. Yusuf Hussein Ahmed Gama’diid
  8. Xil. Ali Sheikh Mohamed
  9. Xil. Dahir Amin Jesow
  10. Xil. Mukhtar Ahmed Hassan Saajid
  11. Xil. Abdisamad Moalim Mohamuud
  12. Xil. Dr. Ali Saed Faqi
  13. Xil. Farah Abdi Diini
  14. Xil. Hersi Adan Roble
  15. Xil. Abdirazak Abdullahi Moalim Eid
  16. Xil. Fa’isa Mohamed Jeyte
  17. Xil. Ismail Abdirahman Sh Bashir

Dhulgariir geystay waxyeello badan oo ku dhuftay Tibet

Lhasa (Caasimada Online) – Wakaaladda wararka Xinhua ee Shiinaha ayaa ku warramaya in dhulgariir xooggan oo ku dhuftay gobolka Tibet ay ku dhinteen ugu yaraan 53 qof, islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray 62 qof .

Dhulgariirkaan oo cabirkiisu ahaa 6.8 ayaa ruxay saddex magaalo Changsuo, Quluo iyo Cuoguo oo ku yaal Shigatse, kuwaas oo ku xeeran degmada Tingri, halkaasina waxaa ku burburay dhismayaal badan, sida ay ku warantay warbaahinta maxalliga ah .

Ilaa 1,500 oo dab damis ah iyo samatabbixiyaal ayaa la geeyay gobolka galbeedka Shiinaha iyo gobolka deriska la ah ee Nepal si ay dadka uga baadi goobaan burburka, sida ay sheegtay Wasaaradda Maareynta Masiibooyinka.

Deegaanada uu ku dhuftay dhulgariirka ayaa la sheegay in ay yihiin tuulooyin buuraleey ah oo aad u fog.

Sidoo kale waxaa aad u adag in la tago halkaasi sababo la xiriira qabowga jiilaalka iyo suurtagalnimada burbur soo gaaray waddooyinka.

Xog: Itoobiya oo ciidan xoog leh u qalabeysay Jubaland iyo qorshe ka socda Gedo

Doolow (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa diyaariyey ciidan xoog leh oo isaga ka amar qaata, kuwaas oo gaaraya 400 illaa 500 oo askari.

Ciidankaan oo ka kala yimid qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Gedo iyo dhanka deegaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa loo diyaarinayaa in Jubbaland ay iska difaacdo is balaarinta ay gobolkaas ka wado Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada waxaa Jubbaland u Qalabeyneysa dowladda Itoobiya, sida ay ogaatay Caasimada Online, Itoobiya iyo Maxamuud Sayid Aadan ayaa heshiiska lagu dhisayo ciidankaas ku soo kala saxiixday magaalada Addis Ababa.

Telefishinka Jubbaland ayaa baahiyey in Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamud Sayid Aadan uu maanta kulan la qatay Guddiga abaabulka iyo isku dubarida qeybaha kala duwan ee ciidanka Jubaland ee ku sugan Gobalka Gedo, balse Caasimada Online waxay ogaatay in ciidankaas diyaarintooda lasoo dhameystiray.

“Kulanka oo ay ka qeybgalen Wasiirka amniga, , Xildhibaano, Maamulka Gobolka, iyo taliyasha ciidmada ayaa Gudiga looga dhageysatay warbixinta waxaa u qabsomay iyo diiwaangelinta ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland ee Gobalka Gedo,” ayaa lagu yiri warkaan.

Kulankaan iyo qoraalka ay baahisay warbaahinta Jubbaland ayaa lagu qarinayaa qalabeynta ay ciidankaas ku sameysay Itoobiya, kadib markii ay maalmihii lasoo dhaafay diyaarintooda Doolow ka wadeen Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiirka amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Dhuumaal.

Inkastoo Itoobiya ay heshiis la gashay dowladda federaalka oo la sheegay in khilaafkii lasoo afjaray, hadana dowladda Itoobiya ayaa weli toos u taageereysa qorshaha ay isku difaaceyso Jubbaland, halka dowladda federaalka ay dooneyso in gobolka Gedo ay kala wareegto Jubbaland, sidoo kalena meesha ka saarto Axmed Madoobe.

Magaalooyinka ugu muhiimsan gobolka Gedo ayaa gacanta u galay dowladda federaalka, sida xarunta gobolkaas ee Garbahaarey, Beledxaawo, Baardheere iyo Buurdhuubo, balse waxaa weli gacanta Axmed Madoobe ku jira Doolow, Luuq iyo deegaano kale oo muhiim ah.

 

Muumin ma wuxuu noqday amiirka guud ee Daacish?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda iyo amniga, hoggaamiyaha Soomaaliga ah ee kooxda Daacish Cabdiqaadir Muumin ayaa si aan rasmi ahayn u noqday hoggaamiyaha guud ee kooxda, inkasta oo aanu wadanin magaca rasmiga ah ee jagadaas.

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo uu mugdi badan ku jiro haybta “Khaliifka” ama Amiirka guud ee kooxda Daacish ee Abou Xafs al-Hashimi al-Qurashi, iyada oo uu muran ka taagan yahay jiritaanka qof magacaas leh.

Khubarrada qaar ayaa tilmaamaya inay arrintaasi suurtagal ka dhigayso in Cabdiqaadir Muumin uu hadda madax u yahay xafiiska guud ee maamulka caalamiga ah ee Daacish isaga oo jooga Soomaaliya.

Haddaba, maxaan ka naqaana Cabdiqaadir Muumin?

Inta laga ogyahay Cabdiqaadir Muumin, wuxuu dhashay sanadihii kontomeeyadii, isagoo ku dhashay degmada Qandala ee gobolka bari ee Soomaaliya.

Muumin ayaa dhammaadkii sagaashameeyadii galay Yurub, xilligii dagaalada culus ka socdeen Soomaaliya, isagoo ku horreeyey dalka Sweden oo uu daganaa in door ah, balse markii danbe wuxuu u wareegay dalka Ingiriiska halkaas oo uu waayo kale ku qaatay.

Waxaa uu kamid ahaa culimadii masaajidka Quba oo ku yaala magaalada Leicester iyo xarunta islaamiga ah ee Greenwich ee London. Muumin ayaa ku biiray maxkamadihii Islaamiga ahayd ee ka dhismay koonfurta Soomaaliya sanadkii 2006-dii.

Waxaa la sheegas xilligii uu ka tirsanaa Maxaakiimta Islaamigaa uu tagay Muumin magalada Bosaaso ee gobolka Bari. Cabdiqaadir ayaa markii maxaakiimta iyo Al-Shabaab ay kala baxeen ku biiray kooxda Al-Shabaab, isaga oo joogi jiray xilligaas Xamar iyo Shabeellada Hoose.

Basle wuxuu sanadkii 2007-dii markii kooxda Al-Shabaab xubnahadooda ka aas-aasmayeen Puntland uu yimid deegaanada maamulkaasi, isagoo dhuumaalaysan jiray, markii danbana wuxuu galay buuraha isagoo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa la aaminsan yahay Muumin, inuu ka soo baxsaday Ingiriiska kadb markii ay baaritaan ku samaysay haya’adda sirdoonka gudaha dalkaas ee MI5, ka dibna waxa uu ku biiray kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Markii kooxda uu ku biiray Cabdiqaadir Muumin ayaa meel fagaare ah ku gubay baasaboorka Ingriiska oo uu haystay.

Dhammaadkii sanadkii 2015-kii ayaa la rumaysan yahay in Cabdiqaadir Muumin uu xiriir la sameeyey hogaamiyihii kooxda ISIS ee Ciraaq Abu Bakr al-Baghdadi, si uu abuuro wakiilada kooxda ee Soomaaliya.

Muuqaal ay kooxdu soo bandhigeen iyagoo ku sugan buuraha Galgala ee Puntland ayuu kasoo muuqday Cabdiqaadir Muumin sanadkii 2019-kii. Si lamida sanadihii ka dambeeyey gaar ahaan 2022-kii ayay kooxdu sii dayeen tiro ka tirsan ciidamadooda oo tababar ku qaadanaya buuraha bari ee Puntland.

Muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay xubinnimada golaha ammaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii Khamiistii la soo dhaafay ay si rasmi ah Soomaaliya ugu biirtay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kana mid noqotay 15-ka xubnood ee Golahaasi ayaa dhawaan waxaa la qabtay shirkii koowaad ee golahaasi.

Waxaa bilowday xubinnimadan cusub ee Soomaaliya, waxaana laga dhawaajiyay inay Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay iyo ka shaqeynta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay, “Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.”

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 54-sanno ka dib ka qeyb gashay shirka, iyadoo uu matalayay ergayga Soomaaliya ee UN-ka u fadhiya Danjire Abuukar Cusmaan Baalle, wuxuuna shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, wuxuuna Ergaygu shirka la tegay mowqifka Soomaaliya ee qaddiyadda Falastiin iyo tacaddiga Israel u geysaneyso dadka Rayidka ah.

Mudane. Abuukar Baalle ayaa Golaha ammaanka ka hor sheegay in Soomaaliya si dhow ula socoto xaaladda Bariga Dhexe gaar ahaan dhulka Falastiin ee Yuhuuddu ay heysato.

”Mudane Madaxweyne, Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda Xaaladda Qasa ee sii xumaaneysa iyo dhibaatada joogtada ah ee dadka Falastiin ku heyso colaadda daba dheeraatay ee ay wadaan Israel iyo xullafadeeda,waxaana ku boorineynaa Israel in ay madax u noqoto baaqa xooggan ee caalamka iyo in ay ogolaato gargaarka shacabka dhiban u socda,”.

Danjire Abuukar Baalle oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” Dadka Rayidka ah ee u badan Haween iyo Carruur waxay wajahaan arrimo caafimaad oo aad u daran oo ay ka mid yihiin cunto yiri iyo nafaqo daro ba’an oo soo food saartay, xaaladdaasi in si deg deg ah looga feejignaado,”.

Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Afyare oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa si qoto dheer kaga hadlay muhiimadda kursiga golaha ammaanka iyo waxa looga baahan yahay Soomaaliya inta ay ku fadhiso kursigaas.

Waxa uu sheegay in tallaabada ugu horreyso Soomaaliya laga doonayo in ay tahay qeyb ka noqoshada nabadeynta iyo xasilloonida Geeska Afrika oo aan ku naalno iyo in laga shaqeeyo arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya quseeyo.

”Waxaa looga baahan yahay nabadeynta inaan qeyb ka noqono, waxaa nalooga baahan yahay Geeska Afrika oo ku naalno nabadeyntiisa iyo xasilloonidiisa qeyb inaan ka noqono, tan kale oo nalooga baahan yahay waxay tahay waxa Soomaaliya quseeya gaar ahaan agendaha Soomaaliya quseeya inaan riixno oo aan bar dhamaadka (furintiga) geyno.”

Sidoo kale, Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jibriil Afyare, ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in waxyaabaha kale ee Soomaaliya laga doonayo muddada labada sanno ee kursiga ku fadhiso in ay tahay in dadaal xooggan la geliyo sidii dalka looga ciribtiri lahaa argagixisada, iyadoo la kaashanayo taageerada Beesha Caalamka iyo sidii looga bixi lahaa Chapter 7, oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn muhiimadda ay leedahay in marxaladdaasi laga gudbo.

” Waxaa ka mid ah Argagixisada sida hadda Madaxweynahu sheegay, midda kale aan kuu sheegayo waxay tahay Soomaaliya waxay ku jjirtaa chapter 7, dadka badanaa waxaa dhici karta in aysan ku baraarugsaneyn, Chapter 7-kaas maxaa uga bixi karnaa?.”

“Waxaa uga bixi karnaa inaan labadaasi sano aan ka shaqeyno sababihii kaga bixi lahayn chapter 7-kaas oo ah in xasilloonida, mideynta Ummadda Soomaaliya, wanaagga ka socda Soomaaliya iyo Wejiga Soomaaliya ay leedahay markaan gudaheenna iyo dhexdeenna ku jirno unbaa dibadda la tegi doonaa.”

Ugu dambeyn, Agaasime Jabriil Afyare ayaa hoosta ka xariiqay in muddada labada ee Soomaaliya ku fadhiso kursiga Golaha ammaanka ee QM ka dib, Soomaaliya noqon doonto, Soomaaliya sarreysa, sumcad leh, diblomaasiyadda oo kor u kacda iyo in Somaaliya loo qoro nabadeynta iyo xasilloonida iyo in ay kaalin weyn qaadatay wax ka qabashada goobaha dhibaatada ka jirto.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed u jeediyey farriin hambalyo ah oo ku aaddan ka-mid-noqoshada Soomaaliya ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey oo ay dalkeenna ugu dambeysay 54 sano ka hor ayaa ka hadlay guulaha ay Soomaaliya ku talaabsatay, wuxuuna madaxweynuhu ka warbixiyay dadaalka loo soo maray xaqiijinta guushan taariikhiga ah.

Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay fadhiga rasmiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay, kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo sidoo kale calaamad u aheyd bilowga shaqada Soomaaliya ee Golahaasi.

Wasiirka oo munaasabadda khudbad ka jeediyay, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, dadaalladii xoogga lahaa ee arrintan lagu gaadhay, iyo ajendayaasha ay Soomaaliya mudnaanta siin doonto intay golahaasi ku jirto.

Sidoo kale uga mahad-celiyay madaxda Qaranka ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ergada Soomaaliya ee xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, Ergada Qaramada Midoobay ee New York, iyo dhammaan Diblomaasiyiinta iyo Howlwadeennada Wasaaradda kaalinta weyn ee ay ku lahaayeen guushan muhiimka ah.

Haddaba maxaa laga doonayaa inta ay ku fadhiso Soomaaliya Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay? – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa inta ay kursigani ku fadhiso waxaa laga doonayaa in ay xoogga saarto nabadeynta Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka.

SONNA

Congress-ka Mareykanka oo maanta sharciyeynaya doorashadii Trump

Washington (Caasimada Online) – Congress-ka Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay kulmaan Isniinta maanta si ay u sharciyeeyaan doorashadii madaxtinimada ee Donald Trump uu kaga guuleystay madaxweyne ku-xigeenka dalka Kamala Harris.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa mas’uul ka ah guddoominta tirinta natiijooyinka mid kasta oo ka mid ah 50-ka gobol ee dalka, taasi oo Harris gelinaysa marxalad ay ku xaqiijiso guul-darradeeda.

Habraacan ayaa muddo dheer si caad ah uga dhacayey dalka, balse afar sano ka hor waxa uu isku bedelay fowdo kadib markii taageerayaasha Trump ay gudaha u galeen xarunta Congress-ka, halkaasi oo ay ku dhaawaceen ilaa 140 askari oo boolis ah, ayna ku qasbeen sharci-dejiyayaasha in ay badbaado raadsadaan.

Muuqaalo kuwaas la mid ah lama filayo Isniinta maanta ah, iyadoo Harris ay qiratay guuldarrada, islamarkaana madaxweyne Joe Biden uu muujiyay baahida loo qabo hannaan nabadeed.

Mas’uuliyiintu ayaa si kastaba isu diyaariyey xaaladdaas haddii ay dhacdo, iyagoo biro dhaadheer ka taagay kuna xiray aagga dhismaha Capitol.

Isagoo ka hadlayay Axaddii Aqalka Cad, Biden wuxuu ugu yeeray wixii dhacay Jan. 6, 2021 “mid ka mid ah maalmaha ugu adag taariikhda Mareykanka.”

“Waa inaan ku soo laabanaa aas-aaska, xil wareejinta caadiga ah ee awoodda,” ayuu yiri Biden.

Waxa uu intaa ku daray in hab-dhaqankii Trump afar sano ka hor, oo ay ku jireen sheegashooyin been abuur ah oo soo noqnoqday oo ahaa in uu ku guulaystay doorashada, “ay khatar dhab ku aheyd dimoqraadiyadda.”

“Waxaan ku rajo weynahay inaan hadda ka gudubnay,” Biden ayaa yiri.

In ka badan 1,500 oo qof ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta inay xoog ku galeen xarunta madaxtooyada. Trump ayaa ballan qaaday inuu si degdeg ah dadkaas ugu soo saari doono cafis kadib markii uu xafiiska la wareego 20-ka Janaayo.

Maamulka Puntland oo bilaabay abaabulka qabaa’ilada + Ujeedka

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa bilaabay abaabulka qabaa’ilada ku dhaqan gobolka Bari, gaar ahaan dhulka ku teedsan deegaanka buuraleyda Calmiskaad.

Ujeedka abaabulkan ayaa salka ku haya dagaalka ka dhanka ah Daacish. Kooxdan oo muddooyinkii dambe culeys amni ku haysay maamulka Puntland ayuu haatan go’aansaday maamulku inuu ku qaado dagaal culus oo lagu ciribtirayo Daacishta saldhigatay buuraha maamulkaasi.

Qabaa’ilada ku nool tuulooyinka bariga fog ee gobolka Bari ayaa la sheegay in ay saamayn ku yeelatay joogitaanka iyo galaan-galka Daacish ee deegaannada qaar.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland oo dhawaan ka badbaaday weerar ay Daacish ku qaadday tuulada Dharjaalle, ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka ee qabaa’ilada.

Kulamadaas ayaa looga hadlay doorka qabaa’ilku ku yeelan karaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haya bulshada ee baneystay xoolahooda iyo dhiigoodaba.

Maxamed Baari Shire ayaa sheegay in gobolka Bari uu noqday bahalo galeen ay sabab u tahay galaan-galka iyo saamaynta kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ku yeesheen bulshada deegaanka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu xoojiyay baahida loo qabo in shacabka iyo qabaa’ilka iska kaashadaan sidii looga sifeyn lahaa kooxahaasi deegaanadooda.

Laamaha amniga Puntland ayay ku adkaatay inay xog ka helaan deegaanada Daacishtu ku sugan yihiin, iyadoo dhawaan weerarkii u dambeeyay ee Daacish uu muujiyay fashilka sirdoon ee ciidanka Puntland, maadaana kooxda weerarka soo qaaday ay soo jareen boqolaal Kiilo-mitir, iyagoo soo maray dhowr tuulo oo ay dad reer miyi ah degan yihiin.