25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Soomaaliya oo u tartameysa kursi muhiim ah oo yaalla M/A

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isku soo sharaxday u tartamidda Kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU PSC) ee muddo-xileedka 2025–2028, kadib war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay aad u daneyneyso kursigaasi, isla-markaana ay qayb ka noqon doonto tartanka iyo loolanka loogu jiro jagadaasi muhiimka.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in kursigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, isla markaana  ay door muuqdo  a qaadaneyso ajendaha nabadda iyo ammaanka ee guud ahaan qaaradda.Afrika, taas oo ka tarjumeysa safarkeeda dib-u-habaynta iyo sida ay uga go’an tahay mabaadi’da Pan-Africanism.

Soomaaliya ayaa loolan adag la geli doono dowladaha dariska iyo kuwa Afrika ee quul dareynaya inay ku fariistaan kursiga AU PSC).

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa la aasaasay sanadkii 2004, iyadoona Soomaaliya dooneyso in ay markii ugu horreyso ka mid noqoto, taas oo musharaxnimadan ka dhigeysa mid ku saleysan sinnaanta iyo ka-qaybgalka arrimaha istiraatiijiyada ah ee nabadda Afrika.

Go’aankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Soomaaliya ay ku guuleysatay xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM, taas oo fursad wayn siineysa dowladda federaalka, iyada oo todobaadkan uun si weyn loogu dabaal degay guushaasi.

Soomaaliya sidoo kale waxa ay horay ugu biirtay dalladda bulshada bariga Afrika ee EAC, kadib dadaallo ay sameysay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Villa Soomaaliya oo qorshe culus ka damacsan Beledweyne

0

Beledweyne(Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo culus oo ay ka bilowday dowladda dhexe, oo wafdi sare u dirtay Hiiraan, si ay u fuliyaan qorshaha Villa Soomaaliya.

Wafdiga ayaa ka kooban xildhibaanno, wasiirro, taliyaha NISA iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo kulamo kala duwan ka wada magaalada Beledweyne, kuwaas oo xambaarsan laba ujeedo oo kala ah xal u raadin xiisadda gobolka iyo fulinta qorshaha dowladda dhexe ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah ee laga qabanayo dalka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale toos ula wareegtay amniga Beledweyne oo ay markii hore gacanta ku hayeen ciidamo Macawiisley ah, waana tallaabada koowaad ee ay qaaday xukuumadda, si loogu dhaqaaqo qorshaha ay hormuudka u tahay Villa Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya, Daahir Shire oo kamid ah mas’uuliyiinta ay dirtay dowladda ayaa ka warbixiyay kulamada ka socda Beledweyne ee ay la yeehseen waxgaradka reer Hiiraan, waxaana ugu horreeyay arrinta amniga iyo doorashada.

Daahir Shire ayaa hoosta ka xariiqay in Beledweyne laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah, isaga oo shacabka ku booriyay inay u diyaar garoobaan inay codadkooda dhiibtaan.

“Waxaan muddo 90 cisho ah ka shaqeynayna nabadeynta gobolka Hiiraan, dowladda siyaasadeeda waa caddahay, Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Baarlamaanka jihaa la aaday, annagana waa in aynan ka harin oo aynu qabana doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri.

Arrinta kale ee sii xoojineyso qorshaha Villa Soomaaliya ayaa ah in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhowaan tegayo Beledweyne, si loo dhammeystiro heshiisyada haatan lala gaaray maamulkii la baxay Hiiraan State, loona xalliyo tabashada ay qabaan reer Hiiraan.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan dood xoogan oo ka dhalatay sida loo wajahayo doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan qaar kamid ah maamul goboleedyada, xubnaha mucaaradka iyo dowladda dhexe oo iyadu rabto in la aado qof iyo cod.

Golaha Wasiirada oo ansixiyay xeer muhiim ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa inta badan golaha oo xaadiray shirka maanta.

Ugu horreyn golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel-mariyey wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo horumarinta Sharciga oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Intaasi kadib waxaa golaha u mahadceliyay wasiir Xasan Macallin oo markii horeba golaha wasiirada faah-faahin ka siiyay xeerka ay maanta ansixiyeen goluhu.

Sidoo kale qaar kamid aj xubnaha golaha ayaa la dhageystay warbixino ku aadan xaaladda dalka, sida ammaanka, dagaalka Al-Shabaab iyo dhaqaalaha.

Warbixinnada ayaa sidoo kale la xiriirray horumarka laga sameeyay dhanka diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, Amniga iyo Dhaqaalaha dalka.

Shirka golaha wasiirada oo la qabto todobaad kasta maanta oo kale ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa waxqabadka xukuumadda, iyada oo sidoo kale lagu gaaro go’aanno waa wayn.

Farriin ka timid gudoomiyaha xilka ka degtay ee Hay’adda Qaxootiga Qaranka (NCRI)

0

Marka hore, ilaahay baa mahad iska leh. Marka labaad, waxaan u mahadcelinayaa madaxda qaranka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Raisal-wasaaraha oo fursad ii siiyay inaan qabto xilka Guddoomiyaha, una adeego dadka nugul ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha muddo sanad iyo todoba bilood ah. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Wasiirka, Wasiir-dowlaha, Wasiir-kuxigeenka, Agaasimha Guud iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee JFS.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa Gudoomiye-kuxigeenada, “Commissioner”rada Maamul-goboleedyada iyo dhammaan shaqaalaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha. Waxaan soo dhawaynayaa magacaabista ay Golaha Wasiiradu magacaabeen gudoomiyaha cusub ee Hay’adda. Waxaan u rajeynayaa inuu ku guuleysto shaqada loo igmaday.

Ugu dambeyn, anigoo xushmeynaya go’aanka madaxda-sare ee dowladda, hadana maadaama dadka hay’addu u adeegto boqolkiiba 82% dumar iyo caruuur yihiin, aragtidayda waxay ku habooneyd in mas’uuliyadda Hay’addu ku wareegto qof dumar ah, anigoo huba in ay jiraan dumar badan oo howl-kar ah lehna khibraddii iyo aqoontii looga baahnaa Hay’adda.

Wa billahi Tawfiq.
Mahadsanidin

Outgoing Commissioner Safia Hassan Mohamed
The National Commission for Refugees and IDPs (NCRI)
Mogadishu, Somalia

Duqeyn culus oo ka dhacday BARI iyo wararkii u dambeeyay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn culus oo xalay ciidamada Puntland iyo saaxibada caalamiga ah ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Bari, taas oo lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday saldhigyo ay kooxaha nabaddiidku ku lahaayeen togagga iyo buuraleeyda hoosyimaada degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lagu burburiyey saldhigyo muhiim ah, laguna dilay xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Daacish, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Puntland.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay sii laba jibaari doonaan howlgallada ka socda gobolka Bari inta ay gacanta ku soo dhigayaan kooxaha ku sugan ahlkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland, Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka, kuna aadan duqeyntaas xalay, illaa saaka lagu garaacayay qaybo kamid ah gobolka Bari.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo duqeymo ka dhan ah dagaalyahanada Daacish ay ka dhacaan deegaannadaas, iyada oo sannadihii ugu dambeeyay ay buuraleyda gobolka Iskushuban iyo Galgala ay ka dhaceen weerarro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Daacish.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan qaaday howlgal culus oo ay ugu magac dartay Hilaac, kaas oo ay dooneyso in kooxda Daacish ay uga sifeysa aaga buuraleyda ee Bari.

Mareykanka oo la kulmay khasaarihii ugu badnaa kadib markii…

Los Angeles (Caasimada Online) – Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka 1,000 gurina ay ku basbeeleen dab xoog leh oo tan iyo Talaadadi ka socda hareeraha magaalada Los Angeles ee dalkan Mareykanka.

Guryo iyo goobo ganacsi ayaa gubtay, iyadoo dadka deegaanka oo ay ku jireen dad caan ka ah Mareykanka ay ka carareen xaafado lagu tilmaamay kuwa ugu qaalisan gobolka California.

Inta badan dabka xooggiisa ayaa billowday Talaadadi, waxana markiiba sii huriyay dabaylaha Santa Ana, oo la sheegay in ay ku socdeen xawaare dan 112 km saacaddiiba.

Dabeylaha ayaa sii socday Arbacadi shalay, waxana diyaaradaha dab damiska qaar ay ku qasbeen in ay gaabiyaan duulimaadka joogga hoose ee biyo rusheynta iyaga oo ka baqayay halista dabka.

Waaxda Dab-damiska Los Angeles ayaa sheegtay in waaxdu loo diyaariyay la tacaalista ugu badnaan laba dab oo waaweyn, balse aysan awoodin afar dab.

Wuxuu sheegay dabka oo ka hadda ka socda afar meel oo ah hareeraha magaalada, uu gubay in ka badan 2,000 oo hektar walina uu sii fidayo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii ansixiyay xaalad deg deg oo heer federal ah, oo la xiriirta dabka ka socda California.

Amarka deg degga ah ayaa u ogolaanaya dowladda federaalka in ay lacag iyo agab deg deg ah geyso halka uu dabka ka socdo. Biden ayaase ka digay in soo kabashada deegaanka ay qaadan doonto waqti.

Ciidanka Xoogga oo maanta Al-Shabaab ka xoreeyey 5 deegaan oo muhiim ah

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada deegaanka ayaa maanta Khawaarijta ka xoreeyey deegaano ay si dhuumaaleysi ah ku imaa jireen oo ka tirsan gobolka Hiiraan

Ciidamada ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray goobihii ay uga dhuumaaleysanayeen deegaanada Beera-yabaal, Jiciboow, Biya-madoobe, Arooso iyo Deegaano kale oo dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle ee gobolka Hiiraan.

Deegaanada maanta laga xoreeyey Khawaarijta ayaa hoos taga degmada BuuloBurde ee Gobolka Hiiraan, waxaana hadda ku sugan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.

Howlgalkaas ayaa maanta Khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare culus, sida ay saraakiisha hoggaamineysa u xaqiijiyeen Caasimada Online, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey, lana xoreeyey dhamaan deegaanadii ay jiinka wabiga uga sugnaayeen kooxaha Khawaarijta ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Dardar gelinaya dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada ayaa safar ku maraya furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka, wuxuuna hadda ku sugan yahay gobolka Hiiraan.

Dalka oo dhan waxaa ka socda diyaar-garow loogu jiro dagaal argagixisada looga xoreynayo goobaha ay weli ka joogaan, waxaana laf-dhabar u ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo dhowaan dib loo soo magacaabay.

Kooxda Al-shabaab oo lagu naafeeyey howlaglladii hora yuga dhacay dalka iyo dagaaladii ay la galeen ciidamada qaranka ayaa joojisay weerarradii ay dadka badan kuley jireen, maadaama ay waayeen fursadihii ay heli jireen.

Gobolka Hiiraan ooh adda ay ku sugan yihiin Taliyaha Xoogga iyo Agaasimaha NISA ayaa hadda mar kale dib looga abaabulayaa kacdoonkii bulshada ee lagu xoreeyey bariga gobolkaas, si Khawaarijta looga xoreeyo galbeedka Hiiraan, sidoo kale ciidanka xoogga dalka ayaa lagu diyaariyey magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburde.

 

NISA oo is-beddel weyn laga dareemayo – Maxaa soo kordhay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii loo magaacabay Agaasimaha guud ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka, Mudane Cabdullaahi (Sanbalooshe) bishii April ee sanaadkii tagay, waxa uu sameeyey isku shaandhayn ama reform guud ahaan Hay’adda iyo saraakiisheeda.

Agaasimaha kuma degdegin isbedalka Saraakiisha iyo Hay’adda. Guddi Khuburo ah ayuuna u saaray dib u qaabaynta iyo dib usoo celinta haykalka Hay’adda NISA.

Taliye (Sanbalooshe) Agaasimaha Guud ee NISA ayaa xilalalka iyo isbedel saraakiisha sarsare taliska NISA ku sameeyay Faham, xogogaalnimo iyo latashiyo Guddiga Quburada ah ee uu Isbedalka iyo dib u soo celinta Haykalkii hay’adda u xilsaaray, kadibna waxa uu Magacaabay Saraakiil Aqoon iyo karti badan u leh Dardargalinta Howlaha Hay’adda NISA.

Sarkaal kasta oo uu xilka ka qaaday ma uusan dayacin ama xil kale ayuu siiyay ama waxbarasha ayuu u diray isagoo xuquuq leh ahna sarkaal ay Hey’addu maalgashanayso.

Khuburada ka faalooda arrimaha amaanka oo si dhow u la socday dib u habaynta Hay’adda NISA ayaa sheegay in Agaasime (Sanbalooshe) uu ka fogaaday Arrimaha la Xariira Qabiil iyo nin jecleysiga marka uu xilalka kala duwan ee Hay’adda magacaabayay Saraakiisha uu isaga oo ku xushay khibraddooda iyo shaqo wanaag.

Wax kayar mudo sanad ah waxaa dib usoo laabtay dhismihii Hay’adda NISA waxaana muuqata shaqo qaranka waxtar u leh.

Isbedalka Hay’adda NISA wax uu suuragaliyay in caasimadda Muqdisho laga dareemo daganaansho dhanka amniga islamarkaana Ciidamada Hay’adda ee kala duwan ay ka howl galaan Gobalada dalka, Bulshaduna ay ku dhiirato in ay Hay’adda la shaqeyaan.

Dib u habaynta Hay’ada waxa uu si weyn uga muuqdaa Hogaanka arrimaha dibada iyo Saraakiisha safaaradaha ee Hay’adda NISA Waxaana kordhay xiriirada wanaagsan ee hay’adda la leedahay Hay’adaha dhigeeda ah ee Caalamka iyo kan gobolka.

Agaasimaha guud ee Hay’adda NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa soo dhaweysatay saraakiisha wax galka ah aqoontana u leh Shaqooyinka Amniga iyo Xaaladda Dalka.

W/Q: Jamaal Abdi

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Imaaraadka Carabta oo noqday dalkii ugu horreeyay ee kasoo jawaaba dalabkii DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee kasoo jawaabay dalabkii ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya u dirtay dalalka saaxiibka la’ah iyo deeq bixiyeyaasha.

Guddoomiyaha hay’adda SODMA ayaa dhawaan sheegay in dalka uu galay xaalad adag kadib markii ay kasii dartay marxalada abaarta, waxaana maanta deeqdii wejiga koowaad soo gaarsiisay dowladda Imaaraadka Carabta.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliya (SODMA) Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Axmed Juma Al-Rumaithi kala wareegay deeq gaar raashin ah oo gaareysa 700 oo ton.

Deeqadan oo Imaaraadka uga jawaabayi baaqii Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay in lagu garab istaago dadka nugul ee abaaruhu sida daran u saameeyeen.

Hay’adda SODMA oo xoojineysa dadaallada looga hortagayo saameynta khtaraha ka dhalan kara abaaraha ayaa 300 oo ton oo deeqdaan qeyb ka ah u gudbisay magaalada Kismaayo, halka 200 oo ton la geeyay magaalada Boosaaso.

Gargaarkaan ayaa deg-deg loo gaarsiin doonaa dadka loogu tala-galay ee ku dhaqan magaalooyinkaan iyo degaanna ku xeeran.

Sidoo kale, 200 oo ton oo loogu tala g-galay in la gaarsiiyo degaannada gargaarka dhulka loo marsiin karo iyo gobolka Banaadir ayaa la dhigay bakhaarrada Hay’adda.

Guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macallin ayaa dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.






Wiilka Sheekh Yuusuf Al-Qaradawi oo loo gacan gelinayo Imaaraadka Carabta

Beirut (Caasimada Online) – Dowladda Lubnaan ayaa ku dhowaaqday inay go’aansatay in ay aqbasho codsi uga yimid Imaaraadka oo ku aadan in loo gacan geliyo Abdul Rahman al-Qaradawi, oo ka mid ah mucaaradka Masar, islamarkaana uu dhalay hogaamiyihii ruuxiga ee kooxda Ikhwaanul Muslimiin Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi.

Qaradaawi, oo sidoo kale ay baadi goobayaan mas’uuliyiinta Masar, ayaa lagu xiray Lubnaan dabayaaqadii bishii hore, kaddib markii uu ka soo tallaabay xadka Suuriya, sida uu xilligaas AFP u sheegay sarkaal ka tirsan garsoorka Lubnaan.

Xariga ayaa lala xiriiriyay xukunka Masar ay isagoo maqan ku riday Qaradaawi ee ku xukumay shan sano oo xarig ah isagoo lagu eedeeyay “in uu ka soo horjeedo dowladda iyo kicinta argagixisada”, ayuu sarkaalka hadalkiisa ku daray.

Tan iyo markii la xiray 28-kii bishii December, Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba codsaday in loo soo gacan geliyo, sida uu sheegay sarkaal kale oo garsoorka ka tirsan oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan Ziad Makary oo shir jaraa’id qabtay Talaadadii ayaa sheegay in Qaradaawi “loo masaafurin doono Imaaraadka”, isagoo intaa ku daray in go’aankan lagu gaaray shir ay yeesheen golaha wasiirrada.

Sida laga soo xigtay sarkaalka labaad ee garsoorka, codsiga Imaaraadku wuxuu ku salaysan yahay muuqaal Qaradaawi uu internetka soo dhigay isaga oo ku sugan Masjidka Umayyad ee Dimishiq, kaasi oo uu ugu dabaal-degayay afgambigii hogaamiyaha Suuriya Bashaar al-Asad bishii hore, kuna baaqay “guul” ka dhacda dalal kale.

Muuqaalka, Qaradaawi wuxuu sidoo kale uga digayaa dadka Suuriya “talisyada xun” ee “Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya iyo Masar”.

Sarkaalka reer Lubnaan ayaa sheegay in Imaaraadku uu u arko ” kicin” ka dhan ah Imaaraadka iyo isku day lagu doonayo in lagu “qalqal geliyo” dalkan Khaliijka ku yaalla.

Qaradaawi, oo sidoo kale ah abwaan, waxaa dhalay caalimka caanka ah ee Sunniga Yuusuf Al-Qaradaawi, oo ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Ikhwaanul Muslimiinka oo ay liiska madow ugu dareen in ay tahay “koox argagixiso” Masar iyo Imaaraadka labadaba.

Yuusuf Al-Qaradaawi ayaa dhowr jeer lagu xiray dalka Masar sababo la xiriira xiriirkiisa ururka Ikhwaanul Muslimiin. Waxa uu dhintay 2022 ka dib tobanaan sano oo uu dibad-joog ku ahaa dalka Qatar.

Abdul Rahman al-Qaradawi waxa uu ahaa qaban qaabiye siyaasadeed oo ka soo horjeeday dawladdii uu hoggaaminayay Hosni Mubarak ee muddada dheer xukumeysa Masar, taasi oo 2011-kii lagu afgambiyay kacdoonkii Carabta.

Ka dib waxa uu noqday nin si weyn uga soo horjeeda hogaamiyaha wakhtigan ee Masar Abdel Fattah al-Sisi oo 2013-kii afgambiyay madaxweynihii sida dimoqraadiga ah lagu doortay ee Masar Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin.

DF oo malaayiin dollar si hoose u siisay Puntland xilli ay xiisad culus ka dhaxeyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ku dhowaad 20 milyan oo dollar ay siisay maamul goboleedka Puntland, taas oo qayb ka ah mashaariicda loo soo mariyo dhanka dowladda dhexe.

Wasiirka beeraha iyo waraabka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayire (Maareeye) ayaa sheegay in lacagtaasi ay gooni u siiyeen Puntland, isaga oo cadadka lacagta ku sheegay $16 milyan.

Maareeye ayaa hoosta ka xariiqay in lacagtaasi dowladda dhexe bixsay, iyada oo tixigelineyso daruufaha haatan ka jira maamulkaas oo ay ugu horreyso taageerida beeraleyda.

“Dowladda Federaalku waxa ay Puntland gooni u siisay $16 milyan iyadoo tixgelinaysa duruufaha siyaasadeed ee jira, una danaynaysa shacabka ay dawladda u tahay iyo beeraleyda danyarta ee degan Puntland” ayuu yiri Wasiirka Beeraha Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo hadalkiisa sii wata ayaa ka jawaabay eedeyn ka timid Puntland, taas oo la xiriirtay Cagaf-Cagaf ay dowladda u qaybisay maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, taas oo saamigii kaga aadan maamulka Garoowe uu dood ka keenay.

“Markaan arkay Eedaynta boodh-isku-qariska ah waxaa igalay shaki ah in lacagtii loogu talogalay Beeraleyda iyo Xoolo dhaqatada Puntland si kale loo isticimaalay eedeedana nala saarayo, warhoow eedaas beenta ah hanalaga daayo, beeraleyda Puntlandna cagafyada dhiman u soo gada.”  ayuu mar kale Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa waxaa weli ka dhexeeya xiisad culus oo siyaasadeed, taas oo saameyn ku yeelatay wada shaqeyntii labada dhinac, waxaana madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ka baxay shirarkii golaha wadatashiga qaranka.

Baarlamanka Jubaland oo ansixiyay dalabkii A/Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka Jubbaland oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta go’aan ka gaaray dalab culus oo uu u gudbiyay Axmed Madoobe.

Golaha wakiilada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay soo jeedinta madaxweynaha ee ku aadan in loo kordhiyo muddada uu kusoo dhisayo golihiisa wasiirada cusub.

“Golaha wakiilada Dowladda Jubbaland oo maanta yeeshay kal fadhigoodii koowaad fadhigiisii 5aad oo ay soo xaadireen 61 Mudane ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay Codsi uga yimid Madaxweynaha Dowladda Jubbaland kaas oo ahaa in la kordhiyo mudada lagu soo dhisaayo Gollaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Jubbaland” ayaa lagu yiri war kasoo baxay baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo labo bil ah lagu kordhiyay waqtiga lagu soo dhisaayo golaha wasiiradda Jubbaland, taas oo fursad cusub oo sharci ah siineyso madaxweynaha.

Dhanka kale, ma jiro isbeddal wayn oo laga filayo magacaabista golaha wasiirada cusub, maadaama Axmed Madoobe uu horay usoo celiyay madaxdii hore, sida ku xigeennadiisa iyo xittaa xubnaha baarlamaanka oo u badan kuwii hore oo mar kale dib loo soo xulay.

Si kastaba, Jubbaland ayaa haatan ku jirto xaalad jahwareer ah oo ka dhalatay khilaafka culus ee dowladda kala dhexeeyo Axmed Madoobe, kaas oo isku rogay gacan ka hadal.

TRUMP oo ku dhowaaqay saddex dal oo uu awood u adeegsanayo in uu qabsado

Palm Beach (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii diiday in uu meesha ka saaro adeegsiga awood militari ama dhaqaale siu u ula wareego Panama Canal iyo Greenland, taasi oo qeyb ka ah ajande is-ballaarin oo uu la soo baxay kadib markii uu ku guuleystay doorashadii November 5.

Trump, oo xafiiska la wareegi doona 20-ka Janaayo, ayaa sidoo kale kor u qaaday fikradda ah in Canada laga dhigo gobol ka tirsan Mareykanka, wuxuuna sidoo kale ballan qaaday inuu u beddeli doono magaca Gacanka Mexico kuna magacaabi doono Gacanka America.

Laba toddobaad kahor inta uusan xafiiska la wareegin, Trump wuxuu bilaabay inuu dejiyo siyaasad qallafsan oo dibadeed isaga oo aan tixgalin yar xitaa siin diblomaasiyadda ama welwelka xulafada Mareykanka.

Mar wax laga weydiiyey in uusan u adeegsan doonin xoog ku muquunin militari ama dhaqaale isku dayga uu ku doonayo in uu ku maamulo Kanaalka Panama iyo Greenland, Trump waxa uu yiri: “Maya, midna kuuma xaqiijin karo. Laakiin waxaan kuu xaqiijin karaa waxaan ugu baahanahay sababo amni dhaqaale.”

Trump ayaa dhaleeceeyay qarashka Mareykanka uu ku iibsado badeecadaha Canada iyo taageerada milateri ee Canada, isagoo sheegay in Mareykanka uusan faa’iido ku qabin arrintaas, wuxuuna ku tilmaamay xadka labada dal mid si macmal ah loo sameeyay.

Waxa uu tilmaamay inuu ku soo rogayo Danmark canshuur haddii ay ka hortimaado dalabkiisa ah inay iibsato Greenland, taasi oo uu sheegay inay muhiim u tahay ammaanka qaranka Mareykanka. Wax yar ka hor hadalka Trump, wiilkiisa Don Jr. ayaa tegay Greenland.

Danmark waxay sheegtay in Greenland, oo ah qayb ka mid ah boqortooyada, aanay iib ahayn.

Ra’iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay goor dambe oo Talaadadii ah iyadoo ka jawaabeysa hadalka Trump: “Uma maleynayo inay wanaagsan tahay in aan isku dagaalno dhaqaale marka aan nahay xulafo dhow iyo saaxiibo.”

“Hadalka madaxweynaha la doortay ee Trump ayaa muujinaya faham la’aan buuxda oo ku saabsan waxa ka dhigay Canada mid xooggan, dhaqaalaheenu waa xoog badan yahay, dadkeenu waa xoog badan yihiin, marnaba iskuma dhiibin doonno hanjabaadaha,” Wasiirka arrimaha dibadda Canada Mélanie Jolie ayaa sidaas ku tiri X.

Mas’uuliyiinta Mexico iyo Panama weli kama aysan hadlin hanjabaadda Trump. Madaxweynaha Panama Jose Raul Molino ayaa horey u diiday fikradda ah in Kanaalka lagu celiyo Mareykanka, kaasi oo maamuli jiray ka hor inta uusan maamulka Panama ku wareejin 1999-kii.

DIL ka dhacay Ceel Baraf iyo xaalad kale oo soo korortay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xaalad kale oo adag uu galay deegaanka Ceel Baraf oo dhowaan lagu laayay askar ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka oo loo beegsaday aano qabiil darteed.

Xiisadda cusub ayaa ka dhalatay weerar kale oo xalay ka dhacay gudaha deegaanka, kadib markii dil iyo dhaawac loo gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dhacdadan cusub ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay gaysteen koox hubeysan oo gaari ku timid, kuwaas oo beegsaday dad beeraleyd, kadib markii ay rasaas ku fureen.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay falkaan cusub, iyada oo ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale waxaa kooxda weerarka fulisay ay dab qabad-siisay gaari Cagaf ah oo ay lahaayeen dadka beeraleyda ah ee weerarka lagu qaaday, iyada oo ay baxsadeen raggii ja dambeeyay.

Xaaladda deegaanka ayaa kacsan, waxaana hakad galay dhaq-dhaqaaqa guud kadib markii ay cabsi soo wajahday shacabka ku dhaqan Ceel Baraf, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta dowlad goboleedka HirShabelle.

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay daba socoto falkii lagu laayay askarta ee horay uga dhacay Ceel Baraf, kuwaas oo mar dambe aas loogu sameeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib dhex-dhexaadin & dadaallo dheeraad ah oo la sameeyay.

Maxaa kasoo baxay kulanka agaasime Mustaf Dhuxulow iyo wafdiga dalka Hindiya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya Mustafa Duhulow ayaa kulan muhiim ah la yeeshay xubno ka socda safaarradda dowlada Hindiya ee ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wararka ku aadan kulankaas ayaa sheegaya in agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda kulankii uu la qaatay diblumaasiyiin ka socotay dowladda Hindiya uu kala hadlay xaalada Soomaalida aada dalkaas oo dhibaatooyin badan kala kulma dal-ku-galka dalkaas.

Agaasimaha guud iyo diblumaaaiyiinta ayaa isku af-gartay in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo helitaanka dalku galka dalkaas, madaama dadka ugu badan ay u safraan arrimo la xiriira caafimaad.

Sidoo kale diblumaasiyiinta ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay agaasimaha guud halka uu marayo xafiis ay dhawaan ka furi doonaan Muqdisho.

Xafiiskan ayaa qorshuhu yahay in loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Hindiya u safreysa, si dal-ku-galka loogu bixiyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Tan iyo markii loo magacaabay Mustaf dhuxulow xilka agaasimaha guud ee laanta socdaalka 12-ka December 2024 ayaa waxa uu waday kulamo uu la yeelanayo shaqaalaha laanta socdaalka iyo safaradaha si loo xoojiyo howsha culus ee loo igmaday.

W/Q: Abdihakim Elmi Hassan
Nairobi Kenya
[email protected]
+254-711830393

Xaaskii fannaan DAYAX Dalnuurshe oo geeriyootay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay xaaska fanaanka caanka ah ee Dayax Dalnuurshe, sida ay xaqiijiyeen dad ku dhow fanaanka.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Farxiya Cabdiraxiin Maxamed (The Boss Lady) ayaa la sheegay ay maalmahan ay xanuusaneyd, isla markaana ay ugu dambeyn saaka geeriyootay.

Geerida kahor waxaa jiray qoraal kooban oo uu Dayax soo galiyay mid kamid ah barahiisa bulshada, isaga oo dadka Soomaaliyeed uga codsaday inay soo duceeyaan xaaskiisa oo xanuunsan, balse saaka ay ku geeriyootay mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Farxiyo ayaa ahayd gabar dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, isla markaana si weyn looga yaqaanay baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xariirto.

AUN geerida kadiska ah ee ku timid marxuumadda ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, waxaana tacsideeda si weyn looga dareemay baraha bulshada ee Internetka.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay la aaso, isla markaana ehelladu ay ka warbixiyaan geerida ku timid marxuumadda oo dad badan ay ka naxeen.

DF oo beesha Xawaadle ka dalbatay in lagu wareejiyo Baledweyne + Qorshaha

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo ku sugan magaalada Baledweyne ayaa Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan kala hadlay xal u helista dhibaatooyinka laga dhexlay amni darrada iyo Isbaarooyinka.

Wasiir Daahir Shire ayaa Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan u sheegay in si deg deg loogu baahan yahay xal waara laga gaaro Isbaarooyinka iyo amni darrada ka jirta gobolka Hiiraan oo sabab u noqotay in gobolka uu ku yimaado dib u dhac dhan kasto ah.

Daahir Shire ayaa sidoo kale tilmaamay inuu la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada ugu weyn ee gobolka Hiiraan oo cabasho ka ah hoos u dhac weyn oo ku yimid badeecadihii iyo xoolihii ay iib geyn jireen sabab la xiriirta lacagaha sharci darada ah ee looga qaato Isbaarooyinka tirada badan ee yaala gudaha gobolka Hiiraan.

“Wadadaan dheer dadka ayaa lagu dhibaa, halkaan waxaa igu yimid Nin walaal ah oo ehelka ah, ahna dadka ugu horeeya ee qaaraanka la weydiisto, waa gacmo deystay ayuu idhahay, waxuu ii sheegay inuusan 8 bil wax neef ah uusan rarin sabab la xiriirta  amaan darada jirta iyo jidkaas lagu jiro oo lacago badan la iska rabo,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire.

Wasiir Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa waxgaradka gobolka Hiiraan faray haddii ay rabaan in horumar iyo barwaaqo la gaarsiiyo gobolka Hiiraan in meel cad laga istaago dadka ka shaqeynaya dib u dhaca gobolka ee ku howlan ka shaqeynta amni darada iyo isbaarooyinka tiro beelka ah ee yaala wadooyinka gobolka.

Ugu dambeyntii Odayaasha kulanka la qaatay Wasiirka ayaa dhankooda balan qaaday iney ka shaqeyn doonaan sidii loo qaadi laha dhamaan isbaarooyinka yaala wadooyinka gobolka Hiiraan oo cabashadoodu soo taagneyd mudooyinkii dambe, kuwaas oo sababay sicir barar xoogan oo ku yimid qiimaha la kala iibsado maciishada qutul daruuriga ah guud ahaan deegaanada gobolka.

Isha: HOL

Xog: Xasan oo ku wajahan Beledweyne kadib go’aankii laga gaaray Hiiraan State

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in dhowaan uu booqasho ku tego magaalada Beledweyne oo maalmahan ay ka socdeen kulamo aan loo kala kicin oo xasaasi ah.

Ilo wareedyo xilkas ayaa Caasimada Online, u sheegay in madaxweynaha uu Beledweyne u tegayo dhammeynta tabashada ay reer Hiiraan ka qabaan maamulka HirShabelle, isaga oo sidoo kale ka qayb-geli doono gogol nabadeed oo la dhigay magaaladaasi.

Mid kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Gurey, haddana ku sugan Beledweyne ayaa odayaasha la wadaagay farriin uu ka siday madaxweynaha, wuxuuna ka codsaday inay u diyaar garoobaan kulamada dhacayo.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in madaxweyne Xasan uu amray in amniga magaalada lagu wareejiyo dowladda, kadibna laga wada-hadalo tabashada taagan, si meesha looga saaro khilaafka daba dheeraaday ee u dhexeeya Hiiraan iyo HirShabelle.

“Farriin aan Madaxweynaha kasoo qaadnay aaya ah in amniga dowladda lagu wareejiyo oo gogol la dhigo Beledweyne, wixii jira in laga hadlo oo lagu saxo, dowladda federaalka yaan gorgortan la gelin ee amniga halagu wareejiyo, labo jeer ayaan Madaxweynaha la fadhiisanay”  ayuu yirio Xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey.

Safarka madaxweynaha ayaa sidoo kale daba socda, kadib go’aankii shalay laga gaaray maamulkii la baxay ‘Hiiraan State’, kadib markii lasoo afjaray, sida uu shaaciyay taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

“Muddo ayuu wada-hadal noo soo socday oo aan isku ognahay wadadalkaas illaa madaxda ugu sarreysa dowladda waa ku faraxsanahay in odayaasho ay wadahadalkaas ajiibeen, Soomaali ayaa nahay walaalow iyo walaalow ayaa ina deeqda” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan rabnaa in dib loo midoobo mad-madowga jiro meesha laga saaro, ammaankii gacanta lagu soo celiyo, wadajirkii iyo walaalnimadii dadka ka dhexeysay dib loo soo celiyo”.

Beledweyne ayaa waxaa maalmahan ku sugnaa mas’uul kala duwan iyo odayaal magaaladaas u tegay xallinta xiisadda ka dhalatay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf oo ugu dambeyn lagu aasay magaaladaas oo ay deegaan ahaan kasoo jeedeen.

Xogta shir kale oo xasaasi ah oo Soomaaliya iyo Masar ay ku yeelan doonaan Qaahira

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Masar ayaa ku balansan wadahadallo kale oo 15 ilaa 17-ka bishaan ka dhici doona magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana looga tashanayaa qorshaha ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya.

Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in tashigaan uu yahay kii ugu dambeeyey, maadaama horay loo go’aamiyey in ciidamada Masar lasoo geliyo Soomaaliya.

Ciidamada Masar ayaa ka qeyb qaadan doona howlgalka cusub ee Midowga Afrika  ee AUSSOM, wadahadallada Qaahira ka dhacaya waxaa lagu cayimi doonaa goobaha ay ka howlgelayaan ciidankaas iyo qodobo kale oo quseeya howlgalka ciidanka Masar ay ka bilaabi doonaan Soomaaliya.

Ciidamada Masar ayaa laga yaabaa inay wax ka bedelaan dhaq-dhaqaaqa awoodeed ee Geeska Afrika, maadaama Itoobiya ay halis weyn u aragto in Masar ay awood militeri la timaado Geeska Afrika.

Heshiiska Militeri ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku yimid siyaasad xumada Itoobiya iyo daandaansi ay Addis Ababa ku bilowday Muqdisho, waxayna Itoobiyaanku cod dheer ku sheegeen, kuna celceliyaan in militeriga Masar oo yimaada Geeska Afrika uu khatar weyn geli karo amnigooda.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa 6-dii bishaan xaqiijiyay mowqifka taageero ee Masar ee ku aadan Soomaaliya, mar uu khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.

Baaqan ayaa ku soo beegmaya laba toddobaad un kadib, booqashadii Fiqi ee Qaahira, halkaas oo Masar iyo Soomaaliya ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo Hawlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee billowday 1-dii bishaan Janaayo 2025.

Wadahadalada hadda la iclaamiyey kadib, Masar ayaa qorsheyneysa in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneysa dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowda ee AUSSOM.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa ku warramay in Qaahira ay toos ugada geleyso qorshaheeda, isla markaana ay xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya, aadna ay u daneyneyso, maadaama ay kula loolameyso Itoobiya.

Daawo: Sanbaloolshe oo beeshiisa ka codsaday inay ka tiraan CEEBTA ka taagan deegaankiisa

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda NISA Cabdullahi Sanbalooshe oo magaalada Beledweyne ku sugan tan iyo markii uu Ceelbaraf ka dhacay falkii xanuunka badnaa ee lagu dilay 6 kamid ah ciidanka xoogga dalka oo aano qabiil loo dilay ayaa maanta hadlay, wuxuuna ku guuleystay inta xalinta khilaafkii maamul ee ka taagnaa Hiiraan.

Sanbaloolshe ayaa u gardhigtay qaar ka mida waxgaradka magaalada Beledweyne, isagoo si cad ugu sheegay in amni darrada Beledweyne ka jirta ay isaga si gaar ah caqabad ugu tahay, maadaama mar kasta la weydiiyo sida uu wax uga qaban karo amniga guud ee dalka, isagoo xal u heli waayay magaaladii uu ka soo jeeday.

Sanbaloolshe ayaa maanta sheegay in mudadii uu joogay Beledweyne uu ku guuleystay xalinta inta badan mushkiladihii jiray, isagoo dadkiisa ka codsaday in laga tiro ceebta faaftay ee ah “deegaankii aad kasoo jeeday ayaa nabad aheyne ma dalkaan ayaad amnigiisa sugi kartaa?”

“Maanta waxaan hortiina keenay Cabdullahi Fanay iyo raggii kale ee sheegtay Hiiraan State, kuwaas oo awoodoodii aniga igu soo wareejiyey, waxaan idinka rabaa in maleeshiyaadka iyo isbaarooyinka laga qaado magaaladaan,” ayuu yiri Taliyaha NISA oo Beledweyne ku sugan.

Sidoo kale Taliyaha NISA ayaa waxgaradka beeshiisa u sheegay in waxa Hiiraan ka jira ay boog gooni ah ku tahay isaga, wuxuuna yiri “Waa idin baryaa boogtaas iga tira,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sanbaloolshe.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugnaa madasha uu Sanbaloolshe kula hadlay waxgaradka reer Beledweyne ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Hiiraan oo hoggaan u aheyd xoreynta dalka uu maanta amnigeedii faraha ka baxay.

“Magaaladaan Baladweyne iyo guud ahaan Gobolkaan Hiiraan waxaan ognahay kalintii ay dadkiisu ku lahaayeen kacdoonkii Khawaarijta dalka looga xoreeyay, maanta in aan amnigeedii walaac ka muujinayno nasiib daro weyn weeye, waana wixii uu cadowgiina ku taamaayey ee sidaan wax ka bedela, sida Hiiraan maanta tahay wax loo sii dul qaada karo maaha,” ayuu yiri Taliye Odowaa.

Agaasimaha NISA ayaa sheegay in hadda kadib ay isaga toos u hoos imaa doonto talada gobolka Hiiraan, maadaama uu meesha ka saaray xubnihii u ololeynaayey Hiiraan State iyo in HirShabeelle la kala gooyo, kuwaas oo heshiis la galay Dowladda Federaalka, kana tanaasulay qorshahoodii.

Inkastoo Sanbaloolshe uusan cadeyn mowqifkiisa wadajirka HirShabeelle iyo waxa uga qorsheysan, hadana wuxuu doonayaa in awooda gobolkaas uu xasiiskiisa hoos keeno, isagoo amray in la qaado isbaarooyin, lagana saaro maleeshiyaadka hubeysan xeryaha dowladda ee lagu wareejiyey ciidamada qaranka.

Hoos ka daawo